Sabti April 18, 2026 {HMC} Haddii aad hadda nagu soo biirtay ama aad rabto in aad ogaato wararkii ugu dambeyay ee Bariga Dhexe, halkaan ayaan ku soo koobaynaa.
Trump, Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa sheegay in xaaladda Bariga Dhexe ay “u muuqato mid si wanaagsan u socota,” gaar ahaan arrinta Iran. Wuxuu sheegay in wada-hadallo ay dhici doonaan dhammaadka toddobaadka, isla markaana uu hayo “war wanaagsan” oo uusan weli shaacin karin.
Shalay, Trump ayaa qoraal uu ku daabacay bartiisa Truth Social ku sheegay in xannibaadda badda ee Maraykanku saaray dekedaha Iran ay sii jiri doonto ilaa “heshiiska lala galayo Iran uu 100% noqonayo.”
Dhanka kale Guddoomiyaha Baarlamaanka Iran, Maxamed Bagher Ghalibaf ayaa sheegay in hadalladii Trump ee ahaa in Maraykanku ku guuleystay dagaalka Iran ay yihiin “been.” Wuxuu intaas ku daray in haddii Maraykanku sii wado xannibaadda, marinka Hormuz “uusan furnaan doonin.”
Hoggaamiyeyaasha Yurub Madaxweynaha France, Emmanuel Macron, iyo Ra’iisul Wasaaraha Uk, Keir Starmer, ayaa shalay shir-guddoomiyay kulan dhanka online-ka ahaa oo ay ka qayb galeen ku dhowaad 40 dal, kaas oo diiradda lagu saaray sidii jawaab caalami ah looga bixin lahaa ilaalinta furfurnaanta marinka.
Starmer ayaa sheegay in UK iyo France ay hoggaamin doonaan howlgal caalami ah oo lagu ilaalinayo xorriyadda maraakiibta ee marinkaas “marka xaaladdu ku soo laabato, si nabad ah oo difaac ku saleysan.”
Madaxweynaha Shiinaha, Sida uu sheegay Trump, madaxweynaha Shiinaha, Xi Jinping, ayaa “aad ugu faraxsan” in marinka Hormuz uu furan yahay ama si degdeg ah u furmayo.
Trump ayaa sidoo kale sheegay in kulanka uu la yeelan doono Xi Jinping ee ka dhici doona Shiinaha 14–15 May uu noqon doono “mid gaar ah oo suuragal ahaan taariikhi ah.”



