Iiraan ayaa markale xirtay Marinka Hormuz.

0
14

Sabti April 18, 2026 {HMC} Dowladda Iiraan ayaa dib u xirtay Marinka Hormuz oo Saacadihii dambe ee shalay dib u furtay, Afhayeenka Ciidanka Ilaalada Kacaanka ayaa sheegay in Markii Maraykanka uu kordhiyay cadaadiska uu ku hayo Dekedaha Dalkooda in ay dib u xireen Marinkaan.

Iiraan ayaa dib u furista Marinka Hormuz ku xirtay in uu marka hore Maraykanka dib uga laabto go’doominta iyo culayska xooggan uu ku hayo Dekedaha Dalkeeda, waxa ay ku goodisay in ay diyaar u tahay iska caabinta cid weliba oo kusoo duusha.

Teleefishinka Aljazeera oo baahiyay Warsaxaafadeed kasoo baxay Iiraan waxaa lagu xusay in Tehran ay had iyo jeer doonayso inay jawaabo degdeg ah oo ku habboon cadawgeeda ay bixiso kuwaas oo marba dhinac kasoo galaya.

Furista Marinka Hormuz waxaa soo dhaweeyay Dalal badan, Ururro Caalami ah, Qaramada Midoobay iyo Hay’adaha ka shaqeeya isu gudubka Maraakiibta Shidaalka & Ganacsiga ee marinkaan muhiimka u ah shaqadooda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here