Sabti April 18, 2026 {HMC} Ciidamada ammaanka ee Gobolka Mudug gaar ahaan Booliiska ayaa howlgallo ka dhan ah Dadka Dhirta u baddela Dhuxusha ka sameeyay Deegaanno hoostaga Magaalada Ceeldibir ee Bariga Gobolkaas ee Dowlad-Goboleedka Galmudug.
Inta uu howlgalka socday waxa ay Ciidamo qabteen Dad ku howlanaa xaalufinta dhirta, Gaari lagu raray dhuxul la diyaariya iyo Dhir cusub oo xiligaas u duugnayd in loo baddelo Dhuxul, waxaana ay gubeen Aqallada ay degenaayeen Dadkaas.
Booliiska Gobolka Mudug ayaa digniin u diray Dadka ku howlan xaalufinta dhirta oo dhibaato ku ah Deegaanka isla markaana sababaya nabaad-guur iyo abaaro saamayn taban ku reeba Xoolaha iyo Dadka sida hadalka loo dhigay.
Maamulka Gobolka Mudug ee Dowlad-Goboleedka Galmudug ayaa horay u mamnuucay xaalufinta Dhirta, waxa uu ku hanjabay in uu qaadayo tallaabo ka dhan ah Dadka ka dhega-furaysta u hoggaansamidda awaamiirtaan.



