Sabti April 18, 2026 {HMC} Afhayeenka xarunta Maqarul Anbiyaa ee ciidkanka Kacaanka Iiraan ayaa shaaciyey in la xiray Marinka Hormuz kadib markii shalay dib loo furay.
Xiritaanka Marinka Hormuz ayaa yimid kadib markii Madaxweynaha Maraykanka uu ku adkeystay inuusan qaaday go’doominta dekadaha Iiraan.
Iiraan ayaa u muuqata inay uga jawaabtay inay dib u xirto Marinka Hormuz. Guddoomiyaha Baarlamaanka Qaalibaaf oo xalay qoraal soo saaraya ayaa sheegay inuusan sii furnaan doonin Marinka Hormuz haddii aan la qqadin go’doominta Dekadaha Iiraan.



