RW Abiy Axmed oo ku hanjabay in Geeska Afrika aysan nabad ahaan doonin hadii Itoobiya aysan helin bad.

0
5

Sabti 18 April 2026 {HMC} Gobolka Geeska Afrika ma heli doono nabad ilaa Itoobiya ay hesho marin badeed, ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed.

Waxa uu sheegay in arrinta ku saabsan badda Itoobiya ay tahay mid looga baahan yahay dhammaan shacabka iyo hay’adaha sheeganaya inay ka walaacsan yihiin horumarka iyo nabadgalyada gobolka in ay il gooni ah ku eegaan.

Wareysi gaar ah oo uu siiyay warbaahinta qaranka dalka Itoobiya ee EBC, oo laga sii daayay labo qeybood ayuu ku sheegay in bad la’aantu ay abuureyso liidnimo in Itoobiya aysan ku tartamin warshadaha.

“Waxyaabaha ugu waaweyn ee Itoobiya u diidaya inay noqoto dal quudiya muwaadiniintiisa, oo isku filan oo tartan caalami ah gali kara waa dekedo la’aan.”

Kadib markii dhawaan ay Iran xirtay marin biyoodka Hormuz ayaa waxa uu saamayn ku yeeshay wadamada oo caalamka ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here