Iran oo gaartay guul lama Filaan ah Xili Wax ka yar 48 saac ay ka dhiman muddada xabbad-joojinta Mareykanka iyo Iiraan,

0
104

Axad 19 april 2026 {HMC} Wax ka yar 48 saac ayaa ka dhiman muddada xabbad-joojinta Mareykanka iyo Iiraan, illaa hadda Mareykanka ayaa sheegay inuu wafdiga wada-xaajoodka u dirayo Pakistan, xilli uu Mareykanka dhinaca kale xoojiyay iskudayada uu ku cadaadinayo Iiraan,iyadoo wali ay jirto cunaqabateyntii Mareykanka uu saaray dekedaha Iiraan oo ay weheliso qorshe uu Mareykanka ku doonayo inuu ku beegsado maraakiibta Iiraan ee ku sugan biyaha caalamiga ah, tallaabo lagu sheegay in sare loogu qaadayo cadaadiska Iiraan.

Balse, Iiraan ayaa ka fogeynaysa wada-hadallada in lagu mashquuliyo ka hadalka cunaqabateynta la saaray dekedaheeda iyo hanjabaadaba lagu beegsanayo maraakiibteeda, taa beddelkeeda waxay ku xirtay wafdi ay u dirto Pakistan shuruud ah in marka hore Mareykanka uu cunaqabateynta ka qaado dekedaheeda.

Mareykanka sidoo kale, ciidan iyo maraakiib dheeraad ah oo la sheegay inay xoojinayaan go’doominta dekedaha Iiraan ayuu u dirayaa bariga dhexe , mana jirto wax awood militari oo is dhintay, waxaana sare loo qaadaya xoogga militari ee Mareykanka horey uga joogay gobolka, xilli Trump uu ku hanjabayo haddii aan heshiis la gaarin inuu dib u billaabayo duqeymaha ka dhanka ah Iiraan, taa oo muujinaysa sida ay xaaladdu wali sare ugu socoto oo aysan jirin wax isbeddelo ah ama calaamado muujinaya in la joogo marxalad dagaalka lagu soo afjari karo.

Israa’iil, ayaa dhankeeda lagu warramaya inay isku diyaarinayso inay burburto xabbad-joojinta oo dib u bilowdo dagaalka, si cadna dagaal kasta oo dib loogu laabto wuxuu noqon karaa mid dheer oo aan faa’iido u lahayn dhinacyada oo dhan, saameynta dagaalkana sare u qaadaysa.

Daqiiqad kasta oo ku sii dhawaanaysa 22 bishan April, ayaa ah mid muhiim u ah bariga dhexe iyo caalamka oo si deg deg ah u wajahaya saameynta ka dhalanaysa dagaalka oo kororka qiimaha shidaalka ugu horreyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here