Iiraan ma ka qeyb galidoontaa wadahadalada Mar kale ka Furmaayo Dalka Pakistaan?

0
12

Axad 19 april 2026 {HMC} Wakaaladda wararka Fars ayaa sheegtay in aan la xaqiijin karin ama beenin karin hadii Iran ay ka qeybgaleyso wareegga labaad ee wadahalada Mareykanka.

Wakaaladda oo xiriir dhow la lehay hay’adaha amniga Iran ayaa qortay iyadoo xiganeysa “ilo gudaha Iran ah” in Tehran aysan weli soo gabogabeyn ka qeybgalka wareegga xiga ee wadaxaajoodyada sidaa darteedna aan la qiimeyn karin sida wadahadaladaas u hirgalayaan.

Fars oo soo xiganeysa ilo kale ayaa qortay “Iran ma tixgelineyso wareegga labaad ee wadahadalada Islamabad ilaa inta ciidamada badda Mareykanka ay sii wadaan go’doominta”.

Ilo kale ayaa u sheegay Fars, “Hadii Vance uusan imaan wadaxaajooda, waa hubaal in wafdi sare sida Qalibaf uusan ku jireyn kooxda wadahadalka”.

Mareykanku waxay sheegeen in isla kooxdii wadahadalada ee uu ku jiray madaxweyne ku xigeenka J.D. Vance ay bari tagayaan Islamabad.

Fars waxay sidoo kale soo xigatay ilo dowlada ah oo sheegaya in Massoud Pezzekian uusan qorsheynin in uu aado Pakistan.

Fars waxay kaloo sheegtay in wasaaradda arrimaha dibadda iyo golaha sare ee amniga qaranka ay sii wadayaan siyaasadooda aamusnaanta.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here