Sabti 25 april 2026 {HMC} Wasiirka arrimaha dibadda ee Iran, Abbas Araghchi, ayaa la kulmaya Field Marshal Asim Munir, oo hoggaamiya ciidamada qalabka sida ee dalka Pakistan, sida ay sheegtay warbaahinta dowladda Iran.
Araghchi ayaa sheegay in kadib kulamadiisa Pakistan uu u safri doono Cumaan iyo Ruushka.
Ujeeddada, ayuu ku yiri qoraal uu soo dhigay baraha bulshada, waa in “la is waafajiyo wada-hawlgalayaasheenna arrimaha laba geesoodka ah isla markaana laga tashado horumarrada gobolka.”



