WAR DEG DEG AH Trump oo baajiyay safarkii ergooyinka Mareykanka Uga qeyb galilahaa Wadahadalada Iiraan ee ku wajahnaa Pakistaan..

0
20

Sabti 25 Abriil 2026 {HMC} Madaxweynaha Donald Trump ayaa ku dhawaaqay in ergadiisa aysan u safri doonin dalka Pakistan si ay wadahadallo ula yeeshaan mas’uuliyiinta Iran, kadib markii Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iran Abbas Araghchi uu ka baxay dalkaasi.

Trump ayaa warbaahinta Fox News u sheegay inuu amray ergadiisa Steve Witkoff iyo Jared Kushner inay joojiyaan qorshihii ay ugu safri lahaayeen caasimadda Pakistan ee Islamabad, si ay wadahadallo suurtagal ah ula yeeshaan Iran, inkastoo uu horay u sheegay in Iran ay “soo bandhigeyso dalab” lagu xallin karo colaadda labada bilood socotay.

Trump wuxuu yiri: “Waxaan iri, maya, safar 18 saacadood ah uma aadaysaan halkaas. Annaga gacanta sare ayaan haynaa. Haddii ay rabaan way na soo wici karaan mar kasta, balse mar dambe safarro dhaadheer uma aadaysaan wada-hadallo aan natiijo lahayn.”

Dhanka kale, Araghchi ayaa horay uga ambabaxay Islamabad, taas oo ahayd halkii ugu horreysay ee safarkiisa saddexda dal ah oo ay ku jiraan Oman iyo Russia. Warbaahinta dowladda Iran ee Press TV ayaa xaqiijisay inuu Sabtidii ka dhoofay Pakistan kadib kulan uu la yeeshay Ra’iisul Wasaaraha Pakistan Shehbaz Sharif, Taliyaha Ciidanka Asim Munir, iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Ishaq Dar.

Qoraal uu ku baahiyay baraha bulshada ee X, Araghchi wuxuu sheegay inuu mas’uuliyiinta Pakistan la wadaagay mowqifka Iran ee ku saabsan qaab wax ku ool ah oo si joogto ah lagu soo afjari karo dagaalka ka dhanka ah Iran. Wuxuuna intaas ku daray: “Weli lama oga in Mareykanku dhab ka yahay diblomaasiyadda.”

Trump ayaa mar kale bartiisa bulshada ku sheegay in haddii wadahadallo dambe dhacaan ay noqon doonaan kuwo taleefan lagu qabto. Wuxuu yiri: “Haddii ay rabaan inay hadlaan, hal keliya oo ay sameynayaan waa inay na soo wacaan!”

Xiisadda lagu doonayo heshiis lagu soo afjaro dagaalka ayaa sii kordheysa iyadoo xaalad cakiran ay ka taagan tahay Strait of Hormuz, marin muhiim ah oo ay maraan ku dhowaad shan meelood meel shidaalka iyo gaaska dabiiciga ah ee dunida loo dhoofiyo.

Ciidanka Islamic Revolutionary Guard Corps ayaa sheegay Sabtidii inaysan qorsheyneyn inay joojiyaan xannibaadda ay ku hayaan marinkaasi, taasoo saameyn ku yeelatay suuqyada tamarta adduunka.

Markii ay warbaahinta Axios weydiisay haddii baajinta safarka ergada Mareykanka ay ka dhigan tahay dib u bilow dagaal, Trump wuxuu ku jawaabay:
“Maya, taas micnaheedu ma aha. Weli kama aanan fikirin arrintaas.”

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Iran ayaa sheegtay in Araghchi uu gaaray magaalada Muscat si uu kulamo ula yeesho mas’uuliyiinta Oman, waxaana sidoo kale la filayaa inuu u safro Russia si uu uga wada hadlo dadaallada lagu soo afjarayo dagaalka ay Mareykanka iyo Israa’iil bilaabeen 28-kii Febraayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here