RW Friedrich: “Iran waxay hoos u dhigtay sumcadii Mareykanka”

0
12

Talaado 28 april 2026 {HMC}  Ra’iisul wasaaraha Jarmalka,Friedrich Merz ayaa si cad u sheegay inay Iiraan ceebeysay oo ay hoos u dhigtay sumcaddii Mareykanka , isagoo sheegay in ay ku khasbeen mas’uuliyiinta Mareykanka inay u safraan Pakistan kadibna ay ka soo laabtaan iyagoo aan wax natiijo ah gaarin, waxaa kaloo uu tilmaamay inuusan arkin qorshe cad oo Mareykanku uga baxayo dagaalka Iiraan.

“Mareykanka iyo Israa’iil waxay markii hore u maleeyeen in dhibaatadan lagu xallin karo maalmo gudahood,laakiin maanta waa inaan qirnaa dhibaatadu wali lama xallin.Sidaas darteed, annaguna dhinaca Yurub waxaan raadineynaa xal diblomaasiyadeed,waxaan rajeynayaa inaan guuleysanno, laakiin taa ma hubo.”

Hadallada Merz, waxay muujinayaan in khilaaf weyn uu ka dhex jiro Mareykanka iyo xulafadiisa Yurub ee NATO, khilaafkaas oo horey uga jiray arrimo kale sida Ukraine, hadana waxaa mar kale khilaafka sare u qaadaya dagaalka Iiraan, oo ay reer Yurub ku sheegeen inuu yahay mid aysan fahmin ujeedooyinkiisa iyo dagaal aan ahayn mida Mareykanka oo ay ku dhaleeceynayaan danaha Israa’iil in dagaalkan u galay Trump.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here