Soomaaliya oo kaqeyb gashay dhoolatus milateri oo caalamiga ah .

0
9

Khamiis, Abriil 30, 2026 (HMC) Cutubyo ka tirsan Ciidanka Qalabka Sida ee Soomaaliyeed ayaa ka qeyb galaya Dhoolatuska milateri oo caalamiga ah, kaasi oo maalmihii la soo dhaafay ka socday dalka Turkiga.

War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Gaashaandhiga Turkiga ayaa lagu shaaciyay dhoolatuska ay ka qeyb galeen dalal ay kamid yihiin Soomaaliya, Mareykanka, Turkiga, Imaaraadka Carabta , Talyaaniga, Cameroon, Libya, Pakistan, Suuriya, iyo Sucuudi Carabiya.

Intii uu socday dhoolatuskan, ciidammada ayaa soo bandhigay xeelado dagaal oo isugu jira toogashada madaafiicda, hoobiyeyaasha, tababarka toogashada, ku boodida daladaha iyo baaritaannada Miinooyinka.

Sidoo kale, cutubyada ka qaybgalaya waxay qaateen tababaro ku saabsan ka-hortagga diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, adeegsiga doomaha dheereeya iyo farsamooyinka kale.

Sida ay sheegtay Dowladda Turkiga, Dhoolatuska ayaa isugu jiray mid lagu sameeyay dhulka, badda, iyo cirka, iyadoo ciidanka ka qeyb qaatay dhammaantood ay nabad qabaan.

Soomaaliya ayaa sanadihii la soo dhaafay dib u dhis iyo dib u habeyn ku waday ciidanka qalabka sida, si ay awood ugu yeeshaan difaaca dalka iyo ka soo muuqashada fagaareyaasha caalamiga ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here