Ciidanka Ilaalada Madaxtooyada oo tababar dib-u-habayn ah Loo furay.

0
43

Axad, 16, Nov 2025 {HMC} Taliyaha Guutada 77-aad ee Ilaalada Madaxtooyada Qaranka Col. Maslax Maxamuud Maxamed ayaa tababar dib-u-habayn ah u furay askarta iyo Saraakiisha guutada, kaas oo lagu xoojinayo tayada ciiddanka iyo anshaxooda shaqo.

Taliye Maslax ayaa ku boorriyey Saraakiisha iyo Askarta Guutada 77-aad in ay mudnaanta koowaad siiyaan anshaxa iyo ilaalinta mas’uuliyadda qaran ee ay u xilsaan yihiin, isagoo muujiyey muhiimadda ay leedahay in askartu ay sida ugu habboon ula macaamilaan shacabka xilliyada ay ku jiraan sugidda amniga Madaxda Qaranka.

Sidoo kale, Saraakiil daaci ah oo ka socota Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa askarta kula dardaarmay in ay ka foggaadaan isticmaalka maandooriyaha, isla markaana ay adkeeyaan dhaqanka suubban ee Islaamka, akhlaaqda wanaagsan iyo ilaalinta sharafta ciiddanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here