Jimco 9 Jun 2026 {HMC} Ciidanka Israa’iil ayaa Magaalada Gaza ku toogtay 14 qof oo Falastiiniyiin ah oo ay ku jireen 5 Carruur sida ay sheegeen saraakiisha Caafimaadka oo gurmad u fidiyay dadkaan inkasta oo ay u dhinteen dhaawaca kasoo gaaray rasaastaas.
Meelaha ay ciidanka Yuhuudda ay weerareen ayaa ahaa teendhooyinka ay degen yihiin Dadka ay guryahooda burburiyeen ciidamadaas cadawga ah, waxaana sii kordhaya maalinba maalinta ka dambaysa beegsigooda ka dhanka ah Dadka.
Aagga Al-Mawasi ee Koofurta Gaza waa meesha ugu badan ee Dadka rayidka ah ay ku toogteen ciidamada Israa’iil, xeryaha Barakacayaasha dadka degen ayaa sheegay in ay xitaa carruurtooda haddii ay madaxa nuuxiyaan la tooganayo.
Wixii ka dambeeyay Bishii Oktoobar sanadkii dhowaan tagay ee 2025 oo la saxiixay xabbad-joojinta waxa ay ciidanka Israa’iil ay dileen ugu yaraan 425 qof oo Falastiiniyiin ah, halka ay dhaawaceen 1,206 kale sida ay diiwaangelisay Wasaaradda Caafimaadka Falastiin ee Gaza.



