Sheekh Umal yaa si qotodheer uga hadlay xiriirka Israa’iil ay la samaysay Somaliland.

0
18

Jimco 9 Jun 2026 {HMC}  Sheekh Maxamed Cabdi Umal oo kamid ah Culimada Soomaaliyeed ayaa si qotodheer uga hadlay xiriirka Israa’iil ay la samaysay Somaliland, Dadka soo dhaweysanaya Yuhuudda, Khilaafaadka iyo in la kala goyn karo Soomaaliya.

Waxa uu ka digay halista Adduun iyo tan Aakhiro ee ka dhallan kara in laga fogaado Dadka Muslimiinta loona sii dhawaado Yuhuudda oo Diinta in badan ka hadashay dhibaatada ay leedahay sida uu Khudbaddiisa ku sheegay Sheekh Maxamed Umal.

Sheekha waxa uu soo hadal qaaday in kala goynta Dhulka Muslimiintu degn yahay ay tahay mid aanay bannaanayn isaga oo tusaale usoo qaatay Soomaaliya maadaama dadkooda ay yihiin Isku Af, Isku diin & Isku dhaqan, Siyaasiyiinta ayuu sheegay in ay ka fogaadaan wax weliba oo dadka kala fogayn kara.

“Shareecada Islaamka ma bannayn in Dhul Dad Muslim ah Degen yahay oo hal dowlad maamuli karto oo aan kala fogayn lama kala qaybin karo, waayo waxaa dhici karta in uu cadaw soo dhex galo ama dhulkooda dhumiyaan sida Andalus ku dhacday oo kale, Aayado & Axaadiith ayaa kusoo uruurtay in laga fogaado khilaafka iyo kala taga” Ayuu yiri Sheekh Maxamed Cabdi Umal.

Kala goynta Soomaalida ayuu ka digay maadaama arrintaan ay noqon karto sida tusbax go’ay oo kale haddii Somaliland lagu dhinac istaago gooni goosadka ay raadinayso, waxa uu intaas ku daray in ay xitaa sii kala go’I karto.

“Haddii aad dhahdid Somaliland ha go’do maxaa diidaya in ay sii kala go’do? Irid furantay waaye oo haddii aad taageertid ilaa waxa ay gaaraysaa in Nin weliba reerkiisa uu gaar ka dhigto, mar haddii sidaas ay imaan karto ma bannaano” Sidaasi waxaa hadalkiisa sii raaciyay, Sheekh Maxamed Cabdi Umal oo kamid ah Culimada Soomaaliyeed.

Sheekh Maxamed waxa uu ku biirayaa tiro culimo ah oo meelo kala duwan ku sugan oo si cad uga hor yimid faragelinta Israa’iil ay ku samaysay Soomaaliya, dadka qaar oo Calanka Yuhuudda ku dhex qaatay Hargaysa & hadallo gaf ah oo shaqsiyaad kasoo yeeray iyo sida ay diinta ka leedahay soo dhaweysashada Israa’iil.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here