Axad 19 April 2026 {HMC} Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalal badan oo caalamka ah ayaa si kulul uga falceliyay go’aan ay Israel ku shaacisay inay wakiil diblomaasiyadeed u magacowday waxa ay ugu yeertay “Somaliland”, iyagoo tallaabadaas ku tilmaamay mid si toos ah ugu xadgudbaysa madax-bannaanida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Dalalkan oo ay ka mid yihiin Qatar, Kuwait, Sacuudi Carabiya, Masar, Soomaaliya, Sudan, Liibiya, Bangladesh, Aljeeriya, Falastiin, Turkiga, Indonesia, Pakistan, Mauritania, Urdun iyo Cumaan ayaa soo saaray bayaan wadajir ah oo si adag u cambaareynaya arrintan.
Bayaanka ayaa si cad u qeexay in tallaabada Israel ay tahay mid ka hor imaaneysa mabaadi’da aasaasiga ah ee sharciga caalamiga ah, gaar ahaan ixtiraamka madax-bannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee dowladaha xubnaha ka ah beesha caalamka.
Wasiirradu waxay carrabka ku adkeeyeen inay si buuxda u diidan yihiin tallaabo kasta oo hal dhinac ah oo wax u dhimaysa jiritaanka dowladnimada Soomaaliya, iyagoo muujiyay taageero aan leexleexad lahayn oo ay u hayaan midnimada iyo madax-bannaanida dalka.
Sidoo kale, bayaanka ayaa lagu xusay in hay’adaha rasmiga ah ee dowladda Federaalka Soomaaliya ay yihiin kuwa kaliya ee matala shacabka Soomaaliyeed, taasoo meesha ka saaraysa isku day kasta oo lagu marin habaabinayo xaqiiqada siyaasadeed ee dalka.
Dalalkan ayaa sidoo kale ka digay in go’aanka Israel uu keeni karo cawaaqib xumo halis ah oo saameyn ku yeelata xasilloonida Geeska Afrika, iyagoo tilmaamay in arrintani ay khatar ku tahay nabadda iyo amniga gobolka.
Ugu dambeyn, bayaanka ayaa lagu sheegay in tallaabadan ay dhaawici karto xasilloonida caalamka, loona baahan yahay in si degdeg ah looga fiirsado si looga hortago xiisado hor leh oo ka dhasha gobolka.



