Khamiis Dec 25, 2025 {HMC} Dowladda Ruushka ayaa maanta ku qasbay in fasaxa ay ku jireen dib loogu yeero ciidanka cirka ee dalalka Ingiriiska iyo Norway, kaddib markii diyaaradaha qaada nukliyeerka ee Tu-95MS ay ku duuleen meel ku dhow hawada Norway iyo Ingiriiska , taa oo keentay in heegan la geliyo ciidanka difaaca ee labada dal.
sidoo kalena diyaaraddo hawada loo diro si ay uga hortagaan diyaaradaha Ruushka ee Tu-95MS inay soo galaan hawadooda.
Tallaabadan waxaa lagu sheegay daandaansi uu Ruushka ugu talagalay in fasaxa Kirismaska laga joojiyo ciidanka labada dal, maaddama diyaaradaha Tu-95MS ay yihiin kuwa waqti hore la sameeyay oo dhawaaqooda meel dheer laga maqli karo , isla markaana si fudud loo dabagali karo.
Ruushka wuxuu lahaa hal ujeeddo oo ah daandaansi aan laga qarin karin dadweynaha oo difaaca NATO uu ku tijaabinayo, sida ay werisey The Mirror.






