Dowlda Somaliya oo howlgallo ka dhan ah ‘AS’ ka billaabay Shabeelaha Hoose.

0
12

Sabti 25 april 2026 {HMC}  Ciidamada Xoogga Dalka ayaa howlgallo ka dhan ah ‘AS’ ka wada Gobolka Shabeelaha Hoose ee Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed, ciidamadaan oo wata gaadiid badan oo Militari ayaa u dhaqaaqay deegaanno katirsan Gobolkaas.

Saraakiisha Ciidamada Xoogga Dalka ayaa sheegay in howlgallada qarsoon ee lagu beegsanayo ‘AS’ ay sii soconayaan ilaa inta ay gacantooda dib ugu soo celinayaan deegaannada ay joogaan dagaalamaayasha ‘AS’ sida hadalka loo dhigay.

Militariga Federaalka Soomaaliya ayaa kordhiyay howlgalladooda ka socda Gobollada Shabeelaha Hoose ee Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed iyo Shabeelaha Dhexe ee Dowlad-Goboleedka Hir-Shabeelle.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here