spot_imgspot_imgspot_img
Home SOMALIA NEWS FAAH-FAAHIN:- Duqeymo Lala eegtay Xubno ka tirsan AS.

FAAH-FAAHIN:- Duqeymo Lala eegtay Xubno ka tirsan AS.

0
49

Sabti 31 May 2025{HMC} Dhawaqa duqeyn xooggan ayaa laga maqlay agagaarka Basra, oo ah deegaan istiraatiiji ah oo u dhaxeeya magaalooyinka Balcad iyo Afgoye, kuna yaalla xuduudda gobollada Shabeellaha Dhexe iyo Shabeellaha Hoose.

Goobjoogayaal ku sugan deegaanka ayaa sheegay in ay maqleyn duqeymaha ku dhacay Basra oo ay inta badan yimaadaan xubno iyo saraakiil ka tirsan AS.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya duqeymaha ay ku dhaceen saldhigyo ay ku sugnaayeen xubno ka tirsan AS, inkasta oo aan weli si rasmi ah loo caddeyn cidda fulisay weerarkan.

Mareykanka sannadkan kordhiyay duqeymaha cirka ah ee la beegsanayo AS iyo Daacish, isaga oo taageeraya dowladda Federaalka Soomaaliya.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Dowladda Federaalka iyo Mareykanka, kaasi oo la xiriira duqeymaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here