Arbaco 19 Nov 2025 {HMC} Golaha sare ee arrimaha Islaamka ee Itoobiya iyo goleyaasha Islaamka ee gobollada ayaa maanta ka soo horjeestay shuruuc cusub oo ay dejisay wasaaradda waxbarashada Itoobiya, oo ka mamnuucday inay gabadha la imaan karaan iskuullada indha-shareer , wallow wasaaradda ay sheegtay inay gabdhaha Muslim ka ah xaq u leeyihiin inay xijaabka la tagaan iskuullada.
Kala saarista xijaabka iyo indho shareerka ayay ku sheegeen golaha sare ee Islaam (EIASC) ee Wadanka Itoobiya , faquuq ka dhan ah Islaamka ,iyadoo warsaxaafadeed ka soo baxay EIASC ay taageerreen golayaasha Islaamka ee dhammaan gobollada Itoobiya, waxayna magacaabeen 17 xubnood oo baaritaan sameeya.



