Sabti 27,Dec 2025 {HMC} Af-hayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Iran, Esmaeil Baghaei, ayaa si xooggan u cambaareeyay Israa’iil oo ku xadgudubtay madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.
Baghaei wuxuu sheegay in tallaabooyinkani ay ka hor imaanayaan sharciga caalamiga ah iyo qawaaniinta Qaramada Midoobay.
Af-hayeenku wuxuu intaa ku daray in ficilada Israa’iil ay qayb ka yihiin qorshayaal lagu kicinayo qalalaasaha gobolka, gaar ahaan Badda Cas iyo Geeska Afrika.
Iran waxay taageertay mowqifyada adag ee Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) iyo Midowga Afrika ee cambaareynaya tallaabooyinka Israa’iil, isagoo ugu baaqay bulshada caalamka inay qaadaan tallaabooyin lagu xakameynayo “ballaarinta iyo khatarta” Israa’iil.






