spot_imgspot_imgspot_img
Home SOMALIA NEWS Kulan looga Hadlaayo Amniga Koofur Galbeed oo Baydhabo Lagu qabtay.

Kulan looga Hadlaayo Amniga Koofur Galbeed oo Baydhabo Lagu qabtay.

0
23

Arbaco 1 Oct , 2025 {HMC} Taliyaha Qaybta 3-aad ee AUSSOM, S/Guuto Teklu Hurisa Janka, ayaa maanta Xarunta Hawlgallada Wadajirka ah ee Baydhabo ku martigeliyay mas’uuliyiin sarsare oo ka tirsan amniga Koonfur Galbeed, oo uu hoggaaminayay Wasiir Ku Xigeenka Amniga, Maxamed Yuusuf.

Kulanka oo qayb ka ah qorshaha wadajirka ah ee lagu xoojinayo wada-shaqeynta ayaa dib u eegis ku sameeyey xaaladda amniga, wuxuuna diiradda saaray sare u qaadista hawlgallada wadajirka ah ee ka dhanka ah Al-Shabaab.

Mas’uuliyiinta ayaa qiray iskaashiga xooggan ee u dhaxeeya AUSSOM, madaxda Dawlad Goboleedka Koonfur Galbeed & bulshooyinka deegaanka.

Waxaa wafdiga qayb ka ahaa Taliyaha Qaybta 670-aad ee Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed, S/Gaas Maxamed Yariis, Taliyaha Ciidanka Booliska Gobolka Baay, G/Sare Maxamed Amiin iyo Taliyaha Daraawiishta Koonfur Galbeed, Gaashaanle Isaaq Cali

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here