Madaxweyne Qoor qoor oo gaaray magaalada Dhuusamareeb.

0
7

Arbaco 15 April 2026 {HMC} Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa gaaray magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug.

Maalmo kooban oo uu joogay magaalada Muqdisho, waxa uu kulamo kala duwan la qaatay madaxda Dowladda Federaalka oo uu ugu horreeyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Labada dhinac ayaa iska af-gartay in la hirgeliyo doorashada “Qof iyo Cod” ah ee uu qorsheeyay Madaxweyne Xasan Sheekh. Qoorqoor ayaa dhankiisa sheegay inuu diyaar u yahay fulinta qorshaha Villa Somalia.

Inkasta oo Madaxtooyada Soomaaliya aysan weli si rasmi ah u shaacin qofka ay u waddo hoggaanka maamulkaas, haddana Madaxweyne Xasan ayaa ku dhiirrigeliyay Qoorqoor inuu haysto barakadiisa, sidaasna uu ku bilaabo shaqada doorashada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here