Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku sugan Mareykanka ayaa booqday Xarunta Safaaradda Soomaaliya

0
33

Sabti 27, Sep 2025 {HMC} Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo safar shaqo ku jooga dalka Mareykanka ayaa booqday Xarunta Safaaradda Soomaaliya ee dalkaasi.

Madaxweynaha ayaa kormeeray waaxyaha adeeg bixinta Safaaradda iyo xafiisyada mas’uuliyiinta, isaga oo dhageystay warbixin ku saabsan adeegyada loo qabto Muwaadiniinta Soomaaliyeed, isla markaana ku bogaadiyay Diblumaasiyiinta iyo Howlwadeennada Safaarada shaqada wanaagsan ee ay u hayaan dalkooda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here