Sabti 27, Sep 2025 {HMC} Madaxweynaha Dalka Colombia Gustavo Petro ayaa dunidda ka yaabiyay, markii isagoo ku sugan gudaha Mareykanka uu yiri; ” Waxaan qorayaa ciidamo, si ay uga dagaallamaan Qasa oo xasuuqa u joojiyaan, xataa aniga ayaa diyaar u ah inan Qasa ka dhex dagaallamo.”
Dhinaca kale Dowladda Mareykanka ayaa si deg deg ah ugu dhawaaqday in dal ku galka kala laabaneyso madaxweynaha Dalka Colombia.
Mareykanka ayaa sheegay in uu madaxweynaha Colombia Gustavo Petro kala noqon doono fiisaha dal-ku-galka kadib markii uu Jimcihii ku soo baxay waddooyinka New York ee dalka Mareykanka dibadbax lagu taageerayo Falastiin, wuxuuna ku booriyay askarta Mareykanka in ay diidaan amarka madaxweyne Donald Trump.






