Axad 19 april 2026 {HMC} Donald Trump ayaa sheegay in ciidamada Mareykanka ay qabteen markab xamuul oo calanka Iran sita kadib markii uu isku dayay inuu ka gudbo go’doominta uu Mareykanku saaray.
Trump wuxuu sheegay in ciidamada Mareykanka ay marka hore markabka u direen digniin, balse markii uu sii watay dhaqaaqiisa, ay “si toos ah u joojiyeen iyagoo dalool ka sameeyay qolka matoorka,” taasoo keentay in markabku istaago.
Wuxuu intaas ku daray in ciidamada Mareykanka ay hadda la wareegeen gacan ku haynta markabka.



