Home Blog Page 1017

Faahfaahino kasoo baxayo dagaal ka dhacay duleedka baydhabo

Khamiis 17, April, 2025 {HMC} Wararka ka imaanaya duleedka magaalada Baydhabo ee gobolka Bay gaar ahaan degaanka Burjeedka waxa uu dagaal culus ah ku dhex maray Ciidamada Militeriga Soomaaliya iyo kuwa Daraawishta Koonfur Galbeed oo isku dhinac ah iyo dagaalamayaal ka tirsan Al shabaab.

Dagaalka oo laisku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayaa bilowday aroornimadii saakay oo Khamiis ah kadib markii Al shabaab ay soo wareereen saldhigyadii ciidamada ay kusugnaayeen.

Dagaalka oo saacado socda waxaa ka dhashay khasaare iskugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo kala gaaray labada dhinac.

Afhayeenka Madaxtooyada Koonfur Galbeed Maxamed Ibrahim oo aan la xiriirnay ayaa inoo sheegay inay dagaalka ku jabiyeen Dagalamayaashii weerarka soo qaaday.

Waxaana uu xusay in ay jiraan khasaare xoogan oo ay soo gaarsiyeen dagalamayaashii soo weeraray saldhigyada ciidamadoodi waxaana uu shaaca ka qaaday in ilaa iyo hadda ay tiro koob ku hayaan dagaalyahanada dagaalka lagu dilay.

Waxa ay soo bandhigeen saraakiisha ammaanka Koonfur Galbeed Muqaalo ragii Al shabaab ee ay saakay dagaalka ku dileen.

Saraakiisha ayaa sheegay inay goor dhow la hadli doonaan warbaahinta ayna la wadaagi doonaan khasaare ka dhashay dagaalka saakay ka dhacay duleedka magaalada Baydhabo.

Jubaland oo guddiga doorashooyinka qaranka uga digtey inay doorasho ka qabtaan Gedo

Khamiis 17, April, 2025 {HMC} Guddoomiyaha Dowlad Goboleedka Jubaland ugu magacaaban Gobolka Gedo Maxamed Xuseen Qaadi ayaa uga digay Guddiga Doorashooyinka in aysan ka sameeyn karin wax dhaq dhaqaaqyo Doorasho la xiriira hadii ay dhacdana ay dhibaato la kulmi doonaan.

Al Qaadi ayaa shaaca ka qaaday in loo baahan yahay in Doorashasu noqoto mid ay isla ogol yihiin Dowlad Goboleedka Jubbaland iyo Dowladda Dhexe wixii kasoo harana ayyaan ahayn wax sharci ah.

“Guud ahaan gobolka Gedo wax doorasho ku sheeg ah kama dhaceyso’, waxaan uga digayaa xubnaha Guddiga Doorashada hadii ay isku dayayaan tallaabadaasi inay cawaaqib xun ay la kulmi doonaan” ayuu yiri Gudoomiyaha gobolka Gedo Maxamed Xuseen Al-qaadi.

Guddiga Doorashooyinka ayaa waqti hore sheegay in meelaha ay qorsheenayaan inay Doorasho Qof iyo Cod ah ay ka qabtaan ay ku jirto Gobolka Gedo.

Dowladda Federaalka iyo Jubbaland ayaan wali xal ka gaarin muran siyaasadeedka u dhaxeeya oo ka dhashay nooca nidaamka Doorashada Dalka iyo wax kabadelka lagu sameeyay Dastuurka.

{DAAWO MUQAALKA} Duqeyn culus oo ka dhacday Aadan Yabaal iyo Khasaaraha

0

khamiis 17, April  2025 {HMC} Duqeyn culus oo ka dhacday Aadan Yabaal iyo Khasaaraha

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

{DHAGEYSO} Warka Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {17.04.2025}

Khamiis 17, April 2025 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo ::CABDIRAXMAAN MACALIN MUUSE

Farsamadii ::MAXAMED XASAN COWSEY

{DAAWO MUQAALKA} Taliye Odawaa oo go’aan ka gaaray Aadan Yabaal, Aboorey oo lagu laabanayo iyo AS oo…..

0

khamiis 17, April  2025 {HMC} Taliye Odawaa oo go’aan ka gaaray Aadan Yabaal, Aboorey oo lagu laabanayo iyo AS oo…..

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

{DAAWO MUQAALKA} WAR DEG DEG AH Dagaal culus oo ka socda duleedka Baydhabo

0

khamiis 17, April  2025 {HMC} WAR DEG DEG AH Dagaal culus oo ka socda duleedka BaydhaboWAR DEG DEG AH Dagaal culus oo ka socda duleedka Baydhabo

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

Madaxweynihii hore ee peru iyo xaaskiisa oo 15 xabsi lagu xukumay

Khamiis 17, April, 2025 {HMC} Maxkamad ku taalla Lima, caasimadda Peru, ayaa xukun xabsi ah oo dhan 15 sano ku riday madaxweynihii hore ee Peru, Ollanta Humala, iyo xaaskiisa, Nadine Heredia, kadib markii lagu helay dambi ah lacag dhaqis.

Humala, oo madaxweyne ahaa intii u dhaxaysay 2011 ilaa 2016, ayaa lagu helay inuu si sharci-darro ah lacago uga helay madaxweynihii hore ee Venezuela, Hugo Chávez, iyo shirkadda dhismaha ee Odebrecht oo laga leeyahay Brazil, si uu ugu maalgeliyo ololihiisa doorasho ee 2006 iyo 2011.

Xaaskiisa Heredia, oo sidoo kale lagu helay dambiyo la mid ah, ayaa xilliga xukunka aysan joogin maxkamadda, maadaama ay horey magangalyo siyaasadeed uga codsatay safaaradda Brazil ee Peru. Dowladda Brazil ayaa oggolaatay codsigeeda, waxaana loo oggolaaday inay si nabad ah u safarto.

Qareenka Humala ayaa sheegay in uu racfaan ka qaadan doono xukunka. Humala oo 62 jir ah ayaa lagu xiray xabsiga Barbadillo, halkaas oo ay ku xiran yihiin madaxweynayaal hore oo ay kamid yihiin Alejandro Toledo iyo Pedro Castillo.

Shirkadda Odebrecht ayaa horey laaluush u siisay madax badan oo Latin America ah, taas oo sababtay fadeexad siyaasadeed oo baahday. Madaxweynihii hore Alan García ayaa isdilay sanadkii 2019, xilli ay socotay baadhitaan la xiriiray eedeymo laaluush.

{DAAWO MUQAALKA} Dhacdooyinkii ugu Dambeeyay ee Caalamka 16-04 2025.

0

Arbaco 16, April  2025 {HMC} Waxaa halkan idin kugu soo gudbineyna Dhacdooyinkii Ugu Dambeeyay Caalamka ee Warbaahinta Hiiraanweyn.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo xiray Shirweynaha Qaran ee xuquuqul insaanka.

0

Arbaco 16 April, 2025 {HMC} Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo soo xiray Shirweynaha Qaran ee Xuquuqul Insaanka ayaa soo bandhigay sida ay dowladda uga go’an tahay in la xoojiyo xiriirka iyo wada-shaqeynta hay’adaha dowladda iyo bulshada ee arrimaha xuquuqda iyo adeegyada sharciga.

Madaxweynaha ayaa xusay in aan la gaari karin horumar siyaasadeed, dhaqaale, iyo bulsho haddii aan la dhammaystirin hannaanka dhowrista xorriyadaha aasaasiga ah, isagoo adkeeyey in la dhameystiro shuruucda horumarinaya xuquuqul insaanka iyo dhismaha hay’ad madax-bannaan ee xuquuqda aadanaha.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa soo bandhigay duruufaha ku xeeran dalkeenna oo dagaal kula jira argagixisada, taas oo saamayn toos ah ku leh xaaladda xuquuqda dadka Soomaaliyeed, maadaama argagixisadu ay ku xadgudbeen xaq kasta oo ay lahaayeen dadkeennu, isuna soo bahaysteen daadinta dhiigga dadkeenna iyo boobka hantidooda.

Shirkan waxaa ka soo qaybgalay hay’adaha dowladda federaalka, dowlad-goboleedyada, hay’adaha Qaramada Midoobay, bulshada rayidka ah iyo wakiillo ka socday beesha caalamka.

Kenyan agents bust plot to smuggle giant ants for sale to foreign insect lovers.

0

Wednesday 16 April, 2025 {HMC} Four smugglers caught trying to transport thousands of live ants out of Kenya for sale on exotic pet markets in Europe and Asia will be sentenced for trafficking wildlife in a case being hailed as a milestone by the Kenya Wildlife Service.

The KWS said authorities had intercepted live queen ants, including from the sought-after Messor Cephalotes species also known as the Giant African Harvester Ant, concealed in modified test tubes and syringes.

“Investigations revealed that the test tubes had been designed to sustain the ants for up to two months and evade airport security detection,” the KWS said in a statement, describing this as “premeditated and well-executed”.
While some people may see ants as a picnic-ruining nuisance, aficionados enjoy keeping them in formicariums, transparent cases where they can watch them building complex colonies.

A court document seen by Reuters stated that the authorities had intercepted about 5,000 queens packed in 2,244 containers, with a street value of about 1 million Kenyan shillings ($7,800).

Two Belgians, one Vietnamese and one Kenyan pleaded guilty on Monday to charges of illegal possession and trafficking of live wildlife and appeared again on Tuesday at the Jomo Kenyatta International Airport Court.

“We did not come here to break any laws. By accident and stupidity we did,” said David Lornoy, one of the Belgian smugglers, as he asked the court to show leniency.

The court adjourned the case until April 23, when it will consider pre-sentencing reports from the KWS, National Museums of Kenya and the probation officer. The smugglers are in custody.

One source in the ant trade, who asked not to be named because it is a small world and they did not wish to speak for others, said suppliers needed a licence from the KWS and a health certificate in order to export Messor Cephalotes.

The source said the species, native to Kenya, was much in demand and hard to obtain.

The KWS trumpeted the case as a landmark in the fight against biopiracy because it involved the attempted export of Kenya’s genetic resources without prior informed consent or benefit-sharing, in direct violation of the law.

“This unprecedented case signals a shift in trafficking trends – from iconic large mammals to lesser-known yet ecologically critical species,” it said in a statement.

The specialist British retailer AntsRUs described the species as “truly amazing to visually observe”.
“Messor Cephalotes are many people’s dream species. Queens are around 20-24mm long and have a beautiful red and brown/black coloration,” it said.

AntsRUs lists the price of a live queen from the species as 99.99 pounds ($132.44), although they are currently out of stock.

Additional reporting by Humphrey Malalo; Writing by Estelle Shirbon; Editing by Giles Elgood


By Edwin Waita and Monicah Mwangi