Home Blog

Wafdi sare oo uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo gaarey Baydhabo.

0

Talaado 31 March 2026 {HMC}  Magaalada Baydhabo ee caasimadda KMG ah ee Koofur Galbeed waxaa gaarey wafdi sare oo ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya oo uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Shiikh Aadan Maxamed Nuur Madoobe.

Wafdigaan ayaa waxaa sidoo kale qeyb ka ah Wasiirka Awkhaafta, Roobow, Wasiirka Ariimaha Gudaha, Cali Yuusuf Xoosh, Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS, Cabdisalaam Dhaay iyo mas’uuliyiin kale.

Guddoomiye Aadan Madoobe iyo mas’uuliyiinta la socota ayaa kulamo la qaadan doonna Wasiirrada iyo saraakiisha ciidamada ee gacanta ku haya Xarunta Kumeel-gaarka ah ee Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed.

Sidoo kale, Wafdigaan ayaa lagu wadaa ay kulamo la yeeshaan qaybaha kala duwan ee Bulshada si looga tashado mustaqbal Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed maadaama uu isbaddel cusub uu galay Maamulkaas.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si buuxda u maamuleysa magaalada Baydhabo ee gobolka Baay oo maalintii shalay laga saarey gacanta Maamulka Koofur Galbeed.

Maalmaha soo socda ayaa la filayaa in la saaro go’aanno la xiriira maamul dhiska Koofur Galbeed iyo adkeynta Amniga guud ee deegaannada dowlad gobolleedkaasi.

Waddamada Khaliijka ayaa weli ka gaabsanaya inay go’aan mideysan oo rasmi ah ka qaataan duqeymaha ay Iiraan ka fuliso gobolka.

0

Talaado 31 March 2026 {HMC} Dowladaha Sacuudiga, Imaaraadka iyo Baxrayn ayaa ku koobnaaday oo keliya iska difaacaya weerarradaas, iyagoo aan weli qaadin tallaabooyin ka dhan ah Tehran.

Khubarada ayaa aaminsan in midnimada dalalkan ay tahay mid jilicsan, gaar ahaan marka la eego saameynta xiriirka ay qaar kood la leeyihiin Israa’iil.

Sidoo kale, dalalkaan ayaa ka fogaanaya in dagaalka sii faafo, isla markaasna ay xaaladda mid ay socon waayaan dadaallada wada hadallada.

Khaliijka ayaa doorbidaya siyaasadda deganaanshaha intii ay geli lahaayeen iska horimaad toos ah oo gobolka ka qarxa.

Ma jiro illaa hadda dal ku yaalla khaliijka oo jawaab ka bixiyay Duqeymaha Iiraan, waxaana saacadihii la soo dhaafay tiro duqeymo ah ku dhaceen dalalka Imaaradka iyo Sacuudi Carabiya.

{DAAWO MUQAALKA WAR DEG DEG AH Mukhtaar Rooboow oo 7 Sano kadib Gaaraya Baydhabo

0

Talaado 31 March 2026 {HMC} WAR DEG DEG AH Mukhtaar Rooboow oo 7 Sano kadib Gaaraya Baydhabo

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA

{DAAWO MUQAALKA Wararka Ugu Waa Weeyn Soomaaliya Caalamka 31-03-2026

0

Talaado 31 March 2026 {HMC}  Wararka Ugu Waa Weeyn Soomaaliya Caalamka 31-03-2026

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA

{DAAWO MUQAALKA} Ilaalada Gaarka ah ee Gudoomiye Aadan Madoobe oo Gaaray Baydhabo

0

Talaado 31 March 2026 {HMC} Ilaalada Gaarka ah ee Gudoomiye Aadan Madoobe oo Gaaray Baydhabo

 

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA

Guddoomiye Aadan Madoobe oo Baydhabo ku wajahan.

0

Talaado 31 March 2026 {HMC}  Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Sheekh Aadan Madoobe) ayaa saacadaha soo socda ku wajahan Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay.

Guddoomiye Aadan Madoobe iyo mas’uuliyiinta la socota ayaa kulamo la qaadan doonna Wasiirrada iyo saraakiisha ciidamada ee gacanta ku haya Xarunta Kumeel-gaarka ah ee Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed.

Marka uu wafdigaan tago Magaalada Baydhabo waxaa lagu wadaa in uu la kulmo qaybaha kala duwan ee Bulshada si looga tashado mustaqbal Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed maadaama uu isbaddel cusub uu galay Maamulkaas.

Ammaanka Magaalada Baydhabo waxaa adkeeyay Ciidamada Federaalka, waxaana wafdiga Guddoomiye Aadan Madoobe ay tagi doonnaan Madaxtooyada uu ku shaqaynayay madaxweynihii iscasilay ee Laftagareen

{DAAWO MUQAALKA} Dagaal culus oo ka socda deegaan ku yaalla gobolka Galgaduud

0

Talaado 31 March 2026 {HMC}  Dagaal culus oo ka socda deegaan ku yaalla gobolka Galgaduud

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA

 

{DAAWO MUQAALKA} Madaxweyne Cagjar oo Diiday Sharuud Adag oo Madaxda Itoobiya ay ku Xeren Shacabka Soomaalida

0

Talaado 31 March 2026 {HMC}  Madaxweyne Cagjar oo Diiday Sharuud Adag oo Madaxda Itoobiya ay ku Xeren Shacabka Soomaalida

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA

 

{DAAWO MUQAALKA} Xiliga la qodayo shidaalka Soomaaliya oo la shaaciyey

0

Talaado 31 March 2026 {HMC}  Xiliga la qodayo shidaalka Soomaaliya oo la shaaciyey

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA

 

{DAAWO MUQAALKA} Masuuliyiin ka tirsan Dowladda oo Ku wajahan Baydhabo

0

Talaado 31 March 2026 {HMC} Masuuliyiin ka tirsan Dowladda oo Ku wajahan Baydhabo

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA