Home Blog Page 2

{DAAWO MUQAALKA} Ilaalada Gaarka ah ee Gudoomiye Aadan Madoobe oo Gaaray Baydhabo

0

Talaado 31 March 2026 {HMC} Ilaalada Gaarka ah ee Gudoomiye Aadan Madoobe oo Gaaray Baydhabo

 

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA

Guddoomiye Aadan Madoobe oo Baydhabo ku wajahan.

0

Talaado 31 March 2026 {HMC}  Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Sheekh Aadan Madoobe) ayaa saacadaha soo socda ku wajahan Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay.

Guddoomiye Aadan Madoobe iyo mas’uuliyiinta la socota ayaa kulamo la qaadan doonna Wasiirrada iyo saraakiisha ciidamada ee gacanta ku haya Xarunta Kumeel-gaarka ah ee Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed.

Marka uu wafdigaan tago Magaalada Baydhabo waxaa lagu wadaa in uu la kulmo qaybaha kala duwan ee Bulshada si looga tashado mustaqbal Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed maadaama uu isbaddel cusub uu galay Maamulkaas.

Ammaanka Magaalada Baydhabo waxaa adkeeyay Ciidamada Federaalka, waxaana wafdiga Guddoomiye Aadan Madoobe ay tagi doonnaan Madaxtooyada uu ku shaqaynayay madaxweynihii iscasilay ee Laftagareen

{DAAWO MUQAALKA} Dagaal culus oo ka socda deegaan ku yaalla gobolka Galgaduud

0

Talaado 31 March 2026 {HMC}  Dagaal culus oo ka socda deegaan ku yaalla gobolka Galgaduud

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA

 

{DAAWO MUQAALKA} Madaxweyne Cagjar oo Diiday Sharuud Adag oo Madaxda Itoobiya ay ku Xeren Shacabka Soomaalida

0

Talaado 31 March 2026 {HMC}  Madaxweyne Cagjar oo Diiday Sharuud Adag oo Madaxda Itoobiya ay ku Xeren Shacabka Soomaalida

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA

 

{DAAWO MUQAALKA} Xiliga la qodayo shidaalka Soomaaliya oo la shaaciyey

0

Talaado 31 March 2026 {HMC}  Xiliga la qodayo shidaalka Soomaaliya oo la shaaciyey

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA

 

{DAAWO MUQAALKA} Masuuliyiin ka tirsan Dowladda oo Ku wajahan Baydhabo

0

Talaado 31 March 2026 {HMC} Masuuliyiin ka tirsan Dowladda oo Ku wajahan Baydhabo

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA

 

{DAAWO MUQAALKA} Maxaa kasoo kordhay Xaalka Baydhabo.?

0

Talaado 31 March 2026 {HMC} Maxaa kasoo kordhay Xaalka Baydhabo.?

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA

 

Iiraan oo weerartay Markab shidaal sida oo laga leeyahay Kuwayd.

0

Talaado 31 March 2026 {HMC} Dowladda Kuwayd ayaa sheegtay in Iiraan ay beegsatay mid ka mid ah maraakiibteeda waaweyn ee shidaalka qaada, kaas oo ku xirtay deked ku taalla Dubai.

Shirkadda Kuwad Petroleum Corporation ayaa ku tilmaantay dhacdadan “duqeyn cirka ah oo naxariis darro ah oo ay fulisay Iiraan,” waxayna sheegtay in markabka waxyeello soo gaartay balse aysan jirin wax khasaare nafeed ah.

Markabka shidaalka qaada ee la yiraahdo “Al-Salmi” ayaa si buuxda ugu rarnaa saliid xilliga weerarka, taasoo sababtay inuu isla markiiba dab qabsado kadib weerarka.

Mas’uuliyiinta Dubai ayaa sheegay in weerarka ay fulisay diyaarad aan duuliye lahayn dabkana la xakameeyay saacado yar kadib.

Waxaa la sheegay in dhammaan 24-kii shaqaale ee saarnaa markabka ay ka badbaadeen weerarka.

Kuwayd ayaa markii hore ka digtay suurtagalnimada daadashada shidaalka kadib weerarka, balse sida ay sheegtay hay’adda UK ee Maritime Monitor, “wax saameyn deegaan lama soo sheegin.”

Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa werisay in markabka Al-Salmi uu waday laba milyan oo foosto oo saliid ah oo ka timid Kuwayd iyo Sacuudi Carabiya,

Turkiga Oo Shaacisay inay dardar gelineeyso howlaheeda baarista iyo qodista shidaalka iyo gaaska dabiiciga ah ee Soomaaliya

0

Talaado 31 March 2026 {HMC} Dowladda Turkiga ayaa la filayaa inay dardar geliso howlaheeda baarista iyo qodista shidaalka iyo gaaska dabiiciga ah ee xeebaha Soomaaliya inta lagu jiro bisha April, taasoo ka dhigan wejigii ugu muhiimsanaa ee illaa hadda laga gaaro iskaashiga tamareed ee u dhexeeya Ankara iyo Muqdisho.

Howlgalka cusub ayaa la qorsheynayaa inuu billowdo dabayaaqada bishan April, markaas oo markabka qodista ee cusub ee lagu magacaabo Çağrı Bey uu ka howlgeli doono ceelka Curad-1 ee ku yaalla badda Soomaaliya. Ceelkan ayaa ka mid ah goobihii horey xogtooda juqraafiyeed u sahmiyey markabka cilmi-baarista seismic-ka ee Oruç Reis, kaasoo sanadkii hore ka shaqeeyey biyaha Soomaaliya.

Arrintan ayaa Soomaaliya u yeereysa marxalad cusub oo ku saabsan dadaallada lagu doonayo in dalka looga faa’iideeyo khayraadka shidaalka iyo gaaska ee ku jira baddeeda, kuwaas oo muddo dheer aan si dhab ah loo taaban sababo la xiriira amni darrada, caqabado farsamo iyo maalgelin la’aan.

Turkiga, dhankiisa, wuxuu arrintan u arkaa ballaarin rasmi ah oo uu ku sameynayo istaraatiijiyaddiisa tamareed, iyadoo markii ugu horreysay markab qodis oo Turkish ah laga howlgelinayo meel ka baxsan biyaha dalkaas. Ilaa hadda, howlgallada ugu waaweyn ee Ankara waxay inta badan ku koobnaayeen Badda Madow, halkaas oo ay ka wadday baaritaanno iyo qodis ballaaran oo lagu yareynayo ku tiirsanaanta shidaalka iyo gaaska dibadda laga soo dejiyo.

Markabka Çağrı Bey ayaa bishii February u ambabaxay Soomaaliya, waxaana la filayaa inuu noqdo aaladda ugu weyn ee lagu tijaabinayo suurta-galnimada ganacsi ee keydka shidaal iyo gaas ee laga filayo aagagga horey loo sahmiyey. Tallaabadan ayaa sidoo kale xoojinaysa xiriirka sii qoto dheeraanaya ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga, iyadoo iskaashiga tamarta uu hadda noqday tiir muhiim ah oo ka mid ah xiriirka labada dal.

Soomaaliya, haddii howlgalladan ay keenaan natiijo wax ku ool ah, waxay furi karaan fursad dhaqaale oo weyn oo dalka u horseedi karta maalgashi cusub, dakhli dheeraad ah iyo sare u qaadidda doorka ay ku leedahay khariidadda tamarta ee gobolka. Si kastaba, taasi waxay ku xirnaan doontaa waxa kasoo baxa qodista tijaabada ah ee hadda la bilaabayo.

Howlgalkan Soomaaliya ka dhacaya wuxuu qeyb ka yahay qorshe ballaaran oo Turkigu ku xoojinayo awooddiisa maraakiibta tamarta. Sanadkan gudihiisa, Ankara waxay kusoo dartay laba markab oo cusub oo qodis biyo-dheer ah, kuwaas oo kala ah Yıldırım iyo Çağrı Bey, taasoo ka dhigeysa in tirada maraakiibta qodista ee Turkigu ay gaarto lix.

Marka lagu daro maraakiibta sahminta seismic-ka, Turkiga ayaa hadda ka mid noqday dalalka ugu awoodda badan dunida dhinaca maraakiibta baarista iyo qodista tamarta badda. Dowladda Turkiga waxay sheegtay in kobacaas uu qeyb ka yahay qorshe ay ku dooneyso inay ku dhisto madax-bannaani tamareed oo weyn.

Inkasta oo Soomaaliya ay tahay wajiga cusub ee howlgalladan, haddana xudunta istaraatiijiyadda tamareed ee Turkiga weli waxay ku wareegsan tahay horumarinta keydka gaaska ee Sakarya ee Badda Madow. Halkaas ayaa sanadkii 2020 Turkigu ka sameeyey helitaankii ugu weynaa ee gaas dabiici ah taariikhdiisa, iyadoo la rumeysan yahay inuu keydkaasi gaarayo ku dhowaad 720 bilyan oo mitir kuyuubik.

Maraakiibta kale ee Turkiga sida Fatih, Yavuz, Kanuni iyo Abdülhamid Han ayaa weli sii wada howlgallada ka socda Badda Madow, halka maraakiibta sahminta sida Barbaros Hayreddin Paşa iyo Oruç Reis ay xogta juqraafiyeed ururiyaan ka hor inta aan qodis rasmi ah la bilaabin.

Doorka Oruç Reis ee Soomaaliya ayaa ahaa mid muhiim ah, maadaama xogta uu kasoo ururiyey badda Soomaaliya ay saldhig u noqotay wejigan cusub ee qodista. Taasi waxay ka dhigan tahay in howlgalka Curad-1 uusan ahayn mid ku billowday si kadis ah, balse uu yahay natiijada sahamin horudhac ah oo muddo socotay.

 

Iiraan oo farriin ka dhan Mareykanka u dirtay Sacuudiga.

0

Talaado 31 March 2026 {HMC} Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iiraan, Cabbaas Caraqji, ayaa ugu baaqay Sacuudi Carabiya inay ka saarto ciidammada Mareykanka dhulkeeda, isagoo carrabka ku adkeeyay in weerarrada Iiraan ee gobolka ay bartilmaameedsadaan oo keliya cadawgeeda.

Caraqji ayaa ku sheegay bartiisa X: “Iiraan waxay ixtiraamtaa Sacuudi Carabiya, waxayna u aragtaa dal walaalo aan nahay.”

Wuxuu intaas ku daray: “Hawlgaladeennu waxay beegsanayaan kuwa gardarrada wada ee aan ixtiraam u hayn Carabta ama Iiraaniyiinta, isla markaana aan wax amni ah keeni karin… Waa waqtigii ciidamada Mareykanka laga saari lahaa.”