Home Blog Page 3

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo dhaliil ujeediyay Mucaaradka iyo Lafta Gareen.

0

Talaado 31 March 2026 {HMC} Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa caawa khudbad uu ka jeediyay magaalada Muqdisho si adag uga hadlay wixii ka dhacay magaalada Baydhabo, isagoo weerar afka ah ku qaaday mucaaradka iyo sidoo kale madaxweynihii iscasilay ee Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen).

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in xaaladda Baydhabo ay si buuxda gacanta ugu hayaan Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, isagoo caddeeyay in aan la aqbali doonin doorasho dadban ama wax kasta oo horseedi kara kala aargoosi qabiil.

“Baydhabo waxaa gacanta ku haya dowladda Federaalka, Doorasho dadban ma jirto, lamana ogolaanayo wax kasta oo keeni kara kala aargoosi qabiil,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa.

Sidoo kale, Xamsa Cabdi Barre ayaa si toos ah u dhaliilay Lafta Gareen, isagoo sheegay in dhammaadka siyaasaddiisu uu noqday mid liita, inkastoo uu hore door muhiim ah uga soo qaatay arrimo waaweyn oo qaran.

“Saaxiibkay Cabdicasiis Lafta Gareen ma jeclayn in taariikhdiisa uu ku soo gabagabeeyo wixii maanta dhacay, balse nasiib darro khaatumadiisu sidaas ayay noqotay,” ayuu yiri Xamsa.

Dhanka kale, Ra’iisul Wasaaraha ayaa si kulul uga hadlay siyaasiyiinta mucaaradka ee hambalyeeyay Lafta Gareen, isagoo ku tilmaamay tallaabadooda mid aan miisaan weyn lahayn.

“Siyaasiyiinta nin laba saac isku doortay u hambalyeeyay waxa ay haayeen, haddii ay intaas ahayd, barasho wanaagsan ayaan leenahay,” ayuu ku daray.

Inkasta oo uu dhaliilay madaxweynihii hore Koonfur Galbeed, haddana Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu xusay in Lafta Gareen uu door muhiim ah ka soo qaatay guulaha dowladda Federaalka, sida dadaalladii deyn cafinta, dhammeystirka dastuurka iyo hirgelinta nidaamka doorashada qof iyo cod.

Ugu dambeyn, Xamsa Cabdi Barre ayaa sheegay in shacabka Koonfur Galbeed ay heli doonaan hoggaan ay si toos ah u doortaan, taasoo qayb ka ah qorshaha dowladda ee dimuqraadiyeynta dalka.

Kulan dhaxmaray Wasaaradda Amniga Gudaha iyo Ciidanka Nabad-ilaalinta Midowga Afrika AUSSOM.

0

Talaado 31 March 2026 {HMC} Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Jeneraal Abdullahi Sheikh Ismail – Fartaag, ayaa daah-furay Barnaamijka Taageerada Xasilinta Wadajirka ah, Awood-siinta Wasaaradda Amniga Gudaha (MOIS) iyo Ciidanka Nabad-ilaalinta Midowga Afrika (AUSSOM), kaas oo ujeedkiisu yahay xoojinta awoodda hay’adaha amniga, horumarinta wada-shaqeynta istiraatiijiga ah, iyo taageeridda dadaallada xasilinta iyo nabad-ilaalinta ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Munaasabadda daah-furka waxaa ka qeyb galay masuuliyiin sare oo ka kala socday hay’adaha amniga ee dowladda, wakiillo ka socday Ciidanka Nabad-ilaalinta Midowga Afrika (AUSSOM), madax ka socotay UNSOS,, oo door muuqda ka qaadatay taageerada hirgelinta barnaamijkan. Sidoo kale, waxaa goob-joog ka ahaa Jeneraal Asad Cismaan Cabdullaahi, Taliyaha Booliska Soomaaliyeed Danjire Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, La-taliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdicasiis Cabdiraxmaan Yuusuf, Isuduwaha Qaranka ee Mashruuca Japan ee MOIS-AUSSOM, iyo Mudane Badri Maxamed Axmed, La-taliye Sare ee Xafiiska Amniga Qaranka.

Wasiirka Amniga Gudaha Mudane Fartaag, ayaa xusay in barnaamijkani muhiim u yahay horumarinta tayada iyo waxtarka hay’adaha amniga, isagoo diiradda saaraya kobcinta aqoonta iyo xirfadaha shaqaalaha, tayeynta qalabka, iyo casriyeynta hababka shaqo si loo dhiso nidaam amni oo waara, hufan, isla markaana ku dhisan isla-xisaabtan iyo wada-shaqeyn joogto ah.

Wasiirku waxa uu si gaar ah uga mahadceliyey Dowladda Japan taageerada joogtada ah ee ay siiso dadaallada dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan xasilinta, dib-u-dhiska hay’adaha amniga, iyo horumarinta nabadda iyo xasilloonida dalka, isaga oo carrabka ku adkeeyey muhiimadda ay leedahay sii xoojinta iskaashiga caalamiga ah si loo gaaro amni iyo horumar waara.

Laftagareen Resigns After Federal Troops Take Control of Baidoa

0

Tuesday 31 March 2026 {HMC} Southwest State President Abdiaziz Hassan Mohamed Laftagareen resigned Monday, hours after federal government troops and armed groups aligned with regional opposition figures entered Baidoa following heavy fighting that left at least two people dead and 25 wounded.

“Effective today, March 30, 2026, I, Mr. Abdicasiis Hassan Mohamed Laftagareen, resign as President of the Southwest State,” Laftagareen wrote on his official Facebook page, without elaborating on the reasons for his decision.

Shortly after the announcement, Southwest’s finance minister, Ahmed Mohamed Hussein, was named acting president. No further details were provided regarding the transition of power.

Federal government troops, backed by armed groups opposed to Laftagareen, took control of Baidoa on Monday after intense clashes with regional administration forces. Fighting erupted on the outskirts of the city before spreading into residential neighborhoods.

Medical officials said at least two people were killed and 25 others injured. A doctor at Bay Regional General Hospital, speaking to the BBC on condition of anonymity, said 25 people with gunshot and blast injuries were admitted, five of them in critical condition. Two additional patients were brought in with gunshot wounds.

An official casualty toll and assessment of property damage have not yet been released.

Reports indicate that Laftagareen and federal authorities reached an agreement for a transfer of power that would allow him to leave Baidoa safely, although his destination remains unclear.

The resignation comes just two days after the Southwest regional parliament re-elected Laftagareen as president for another term, a result immediately rejected by the federal government.

The political standoff between Mogadishu and Southwest State has intensified in recent weeks, centered on constitutional amendments approved by Somalia’s federal parliament extending the mandates of federal institutions from four to five years.

The revisions have been rejected by several federal member states and opposition groups, who argue they lack consensus and threaten Somalia’s fragile federal framework.

Monday’s developments mark one of the most dramatic escalations in the dispute, raising fresh concerns about stability in a region already strained by political divisions and insecurity.

Somali army takes control of strategic city, regional leader resigns.

0

Monday 30 March 2026 {HMC} Somalia’s national army ​took control of the biggest city in South West state ‌on Monday, prompting the regional leader to resign two weeks after his administration said it was severing ties with the federal government.

The strategic city of Baidoa, ​the administrative capital of South West state, is home to ​international peacekeepers and humanitarian agencies in an area affected by ⁠drought, conflict and displacement.

 

“Federal forces have taken over Baidoa, … it is ​now calm … but it looks like a ghost town,” local elder ​Adan Hussein told Reuters.

A shopkeeper in Baidoa, Hussein Abdullahi, said federal troops were in control of his part of the city, which is about 245 km (150 miles) ​northwest of the capital Mogadishu.

South West state president Abdiaziz Hassan Mohamed ​Laftagareen wrote in a statement on Facebook that he had resigned, days after ‌being ⁠re-elected for another five-year term.

Many residents have fled Baidoa over the past week and some aid agencies suspended activities, fearing clashes could erupt between the army and regional forces.

The dispute between South West state is ​the latest sign ​of strain ⁠in the Horn of Africa country’s fragile federal system, where disputes over elections and the balance of ​power between Mogadishu and regional administrations repeatedly open up ​political fault ⁠lines.

Laftagareen’s administration opposed constitutional amendments backed by the federal government.

Somalia’s federal information ministry said in a message read out on national television that “the ⁠former South ​West state administration … created political conflict”. It ​said federal forces had been welcomed in Baidoa on Monday.

Reporting by Abdi Sheikh; Additional reporting ​by Ammu Kannampilly; Writing by George Obulutsa; Editing by Alexander Winning and William Maclean.

SOURCE reuters.

Waa kuma Laftagareen?

0

Isniin 30 March 2026 {HMC} Cabdicasiis Xassan Maxamed oo ku magac dheer Laftagareen ayaa markii ugu horreysay sanadkii 2018 loo doortay madaxweynaha Koofur Galbeed.

Wuxuu ku dhashay degmada Luuq ee gobolka Gedo, sanadkii 1970.

Waxbarashadiisii dugsiga hoose, dhexe iyo sare wuxuu ku qaatay isla degmada Luuq. Wuxuu Luuq ka ahaa macallin iskuul. Magaalada Muqdisho ayuu jaamacad ka dhigtay. Xilal badan ayuu na dowladihii dalka soo maray ka soo qabtay.

Sanadkii 2007 wuxuu ahaa maamule ku xigeenkii Furdada Xamar.

Sanadkii 2008 wuxuu xukuumaddii raysal wasaare Nuur Cadde ka soo noqday wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada. Sanadkii 2009 wuxuu xukuumaddii Cumar Cabdirashiid ka noqday wasiirka gaadiidka iyo arrimaha badda.

Isla xukuumaddii Cumar Cabdirashiid wuxuu sanadkii 2010 ka noqday wasiirka xannaanada xoolaha. Xukuumaddii raysal wasaare Maxamed Cabdullaahi Farmaajo wuxuu noqday wasiiru dowlaha boostada, isgaarsiinta iyo warfaafinta.

Xukuumaddii Cabdiweli Sheekh Axmed wuxuu noqday wasiir ku xigeenka kalluumeysiga. Xukuumadda raysal wasaare Xasan Cali Kheyrre wuxuu ka noqday wasiiru dowlaha wasaaradda ganacsiga.

Wuxuu u tartamay guddoomiye baarlamaan. Wuxuu noqday wasiirka tamarta iyo kheyraadka biyaha.

Xigasho BBC

Khasaaro intee la eg ayaa ka dhashay dagaalkii Maanta ka dhacay Baydhabo?

0

Isniin 30 March 2026 {HMC} Wararka laga helayo magaalada Baydhabo ee xarunta kumeel gaarka ah ee Maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegaya in khasaare dhimasho iyo dhawaacba leh uu dhaliyay dagaalkii saaka ka dhacay duleedka iyo gudaha magaalada.

Dhakhtar ka tirsan Cisbitaalka Guud ee gobolka Bay oo diiday in magaciisa la sheego ayaa BBC-da u sheegay in 25 qof oo qaba dhaawacyo ka soo gaaray xabado iyo walxa qarxa la geeyay cisbitaalka, 5 kamid ah dhaawacyada la geeyay cisbitaalka ayaa qaba dhawaacyo halis ah.

Sidoo kale waxa Isbitaalka la geeyay labo qof oo mayda oo xabado ku dhaceen.

Illaa hadda tirkoob sax ah lagama soo saarin khasaaraha naf iyo maalba leh ee uu dhaliyay dagaalkii saaka ka dhacay duleedka iyo gudaha magaalada baydhabo.

Dhanka kale, shalay qoraal uu soo saaray isku duwaha arrimaha bini’aadantinimada ee Soomaaliya Mr. George Conway ayaa lagu sheegay in xiisadaha iyo iska horimaadyada dhowaan ka dhacay Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ay barakiciyeen ku dhowaad 45,000 oo qof, iyadoo qoysaska ay ku qasbeen inay u qaxaan goobo ay aad ugu yar yihiin adeegyada asaasiga ah iyo gargaarka bini’aadantinimo.

“Waxaan ka walaacsanahay in dadka ay saameysay ay ku jiraan dadka ugu nugul—kuwaas oo boqolkiiba 30 ay markii horeba ku noolaayeen xeryaha barakacayaasha—isla markaana horey ula tacaalayay saameynta isbiirsaday ee abaaraha ba’an. Gaar ahaan, haweenka, carruurta, dadka waayeelka ah, iyo dadka baahiyaha gaarka ah qaba ee dhowaan barakacay ayaa hadda wajahaya khataro xagga badbaadada ah iyo xaalado bini’aadantinimo oo ka sii daraya oo ka jira hareeraha magaalada Baydhabo.

Waxaan ku dhiirigelinayaa dhammaan dhinacyada inay dhowraan waajibaadka ka saaran ilaalinta dadka rayidka ah, xaqiijiyaan dhaqdhaqaaqa xorta ah ee dadka, oo ay dammaanad qaadaan marin bini’aadantinimo oo ammaan ah, joogto ah, oo aan la huri karin oo la gaarsiiyo dhammaan dadka u baahan,” ayaa lagu yiri qoraalka.

XIGASHO BBC

Maxeey ka wada hadleen Madaxweyne Xasan Sheekh danjireyaasha iyo wakiillada hay’adaha caalamiga ah ee ka hawlgala Soomaaliya?

0

Isniin 30 March 2026 {HMC} Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Aqalka Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay danjireyaasha iyo wakiillada hay’adaha caalamiga ah ee ka hawlgala Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa Danjireyaasha la wadaagay warbixin ku saabsan guulaha dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed oo iskaashanaya ay ka xaqiijiyeen dhinacyada amniga, doorashooyinka tooska ah, ladagallanka argagixisada, gurmadka abaaraha iyo xoojinta midnimada iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa uga mahadceliyey Safiirada taageerada joogtada ah ee ay la garab taagan yihiin dib u dhiska dowladnimada, amniga iyo kobcinta dhaqaalaha Soomaaliya, isaga oo xusay in dowladdu ay sii xoojin doonto iskaashiga caalamiga ah ee ku saleysan ixtiraamka iyo dano wadaagga.

 

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa si adag udhaliilay dagaalka ka socda dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed.

0

Isniin 30 March 2026 {HMC} War-saxaafadeed ay soo saareen Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa si adag loogu dhaliilay dagaalka ka socda dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed ee ay Ciidamo Mucaarad ku ah Maamulka Koonfur Galbeed oo garab ka helaya Kuwa Dowladda ay maanta ku galeen magaalada Baydhabo, kaas oo ay goluhu ku eedeeyeen inuu mas’uul ka yahay Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

Golaha ayaa sheegay in dagaalkan uu sababi karo cawaaqib xun oo ay ka mid yihiin dhiig-daadasho, burbur hantiyeed iyo xaalado bani’aadantinimo oo sii xumaada, iyagoo xusay in mas’uuliyadda arrimahaas si toos ah ugu dhacayaan hoggaanka sare ee dowladda iyo cid kasta oo taageerta tallaabadaasi.

War-saxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu muujiyay walaac xooggan oo ku saabsan suurtagalnimada in dagaalkaasi keeno xadgudubyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha iyo jebinta xeerarka caalamiga ah, kuwaas oo gaari kara heer dambiyo dagaal.

Golaha wuxuu carrabka ku adkeeyay in falalka noocaas ah ay leeyihiin masuuliyad shakhsiyadeed oo laga qaadi karo heer qaran iyo mid caalami ah.

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa war saxaafadeedkooda ku sheegay in iyadoo dalka uu wajahayo xaalado adag oo isugu jira abaaro, dhaqaale xumo iyo khataro amni, gaar ahaan kuwa ka imanaya Al-Shabaab, uu soo jeedinayo qodobo dhowr ah oo ay kamid yihiin in si degdeg ah oo shuruud la’aan ah loo joojiyo dagaalka, in la ilaaliyo shacabka rayidka ah iyo hantidooda iyo in dib loogu laabto wadahadal siyaasadeed oo ku saleysan dastuurka dalka.

Ugu dambeyntii, Golaha ayaa ugu baaqay Madaxweynaha inuu ka fogaado tallaabo kasta oo hurin karta colaad sokeeye, taasoo halis gelin karta midnimada qaranka iyo geeddi-socodka dib-u-dhiska dowladeed.

 

{DAAWO MUQAALKA} WAR DEG DEG AH MW Lafta Gareen oo Baydhabo ka Baxsaday

0

Isniin 30 March 2026 {HMC} WAR DEG DEG AH MW Lafta Gareen oo Baydhabo ka Baxsaday

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA

 

{DAAWO MUQAALKA} Wararka Ugu Waa Weeyn Soomaaliya Caalamka 30-03-2026

0

Isniin 30 March 2026 {HMC}   Wararka Ugu Waa Weeyn Soomaaliya Caalamka 30-03-2026

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA