Home Blog Page 4

{DAAWO MUQAALKA} WAR DEG DEG AH MW Lafta Gareen oo Baydhabo ka Baxsaday

0

Isniin 30 March 2026 {HMC} WAR DEG DEG AH MW Lafta Gareen oo Baydhabo ka Baxsaday

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA

 

{DAAWO MUQAALKA} Wararka Ugu Waa Weeyn Soomaaliya Caalamka 30-03-2026

0

Isniin 30 March 2026 {HMC}   Wararka Ugu Waa Weeyn Soomaaliya Caalamka 30-03-2026

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA

 

{DAAWO MUQAALKA} Masuul ka tirsan Koofur Galbeed oo Dowladda isku dhiibay

0

Isniin 30 March 2026 {HMC} Masuul ka tirsan Koofur Galbeed oo Dowladda isku dhiibay

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA

 

{DAAWO MUQAALKA} Dabaal dagyo ka Billowday Baydhabo iyo Dowladdda Soomaaliya oo inta Badan la wareegtay Magaalada

0

Isniin 30 March 2026 {HMC}   Dabaal dagyo ka Billowday Baydhabo iyo Dowladdda Soomaaliya oo inta Badan la wareegtay Magaalada

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA

 

{DAAWO MUQAALKA} Maxaa ka Jira MW Lafta Gareen inuu ka Baxsaday Baydhabo.?

0

Isniin 30 March 2026 {HMC}  Maxaa ka Jira MW Lafta Gareen inuu ka Baxsaday Baydhabo.?

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA

 

{DAAWO MUQAALKA} Dagaal kale oo ka Billowday Gudaha Baydhabo iyo Khasaaro ka dhashay.

0

Isniin 30 March 2026 {HMC}  Dagaal kale oo ka Billowday Gudaha Baydhabo iyo Khasaaro ka dhashay.

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA

 

Dowlada Soomaaliya oo ka hadashay qabsadhada Baydhabo.

0

Isniin 30 March 2026 {HMC} Ciidamada Xoogga Dalka oo ku jiray maalmahan hawlgal sifayn ah ayaa gaaray magaalada Baydhabo, ka dib markii ay waddada dheer ka sifeeyeen maleeshiyaadkii Khawaarijta ahaa.

Dhinaca kale, saraakiisha amniga ayaa gudaha magaalada Baydhabo ka wada hawlgallo lagu xaqiijinayo amniga, ka dib markii laga saaray magaalada maleeshiyaad uu marin-habaabiyay hoggaamiyihii hore ee Maamulka Koonfur Galbeed.

Sidoo kale, gudaha magaalada waxaa kula kulmay shacabka Baydhabo, mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwaas oo ay wehliyaan qaar ka mid ah saraakiisha ciidamada Koonfur Galbeed oo horay uga soo horjeestay xadgudubyadii maamulkii hore iyo xiriirkii lala yeeshay Khawaarijta.

Boqolaal ka mid ah shacabka Baydhabo ayaa gudaha iyo daafaha magaalada kusoo dhaweeyay Ciidamada Qaranka, iyagoo muujinaya sida ay ugu faraxsan yihiin in laga xoreeyay maleeshiyaadkii Khawaarijta ahaa iyo kuwii xiriirka la lahaa.

Ciidamada dowladda oo la wareegay inta badan magaalada Baydhaba.

0

Isniin 30 March 2026 {HMC} Wararka laga helayo Koonfur Galbeed ayaa sheegaya in ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Badbaadada Koonfur Galbeed ay inta badan la wareegeen magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Baay, kadib dagaal culus oo ay maanta la galeen ciidadama Lafta-gareen.

Muuqaallo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinayo ciidamada oo guda galay xaafaddo dhowr ah oo ku yaalla bartamaha magaalada, waxaana si weyn usoo dhaweeyay bulshada deegaanka.

Sidoo kale, waxaa la arkayay saraakiisha ciidamada dowladda, sida taliyahah cusub ee Booliska Gobolka Baay Sadiiq Doodishe iyo wasiirka xanaanada xoolaha Xasan Eelaay oo dhex lugeynaya magaalada gudaheeda, taas oo muujineyso in laga aadkay Laftagareen iyo ciidamadii taabacsanaa.

Dagaalka ayaa haatan yare qaboobay, maadaama lasoo jabiyay ciidankii difaaca ku jiray ee maamulka Koonfur Galbeed, iyadoo sidoo kale nolosha lagu qabtay qaar kamid ah askartii taabacsaneyd maamulka Cabdicasiis Lafta-gareen.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in inta badna mas’uuliyiinta Koofur Galbeed ay ku sugan yihiin madaxtooyada iyo aagga garoonka, halkaas oo ay sidoo kale joogaan ciidamada Itoobiya ee qaybta ka ah howlgalka AUSSOM.

Horay ciidamada Itoobiya ayaa u sheegay in aysan difaaci doonin Lafta-gareen, dowladduna waxa ay caddeysay in aysan weerari doonin xarumaha ay joogaan ciidamada nabad ilaalinta ee howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya.

Arrintan ayaa muuqata mid soo afjareysa maamulka Lafta-gareen, waxayn guud wayn u tahay dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh.

Wixii soo kordha kala soco Hiiraanweyn.net

 

dowladda Soomaaliya oo war kasoo saartay dagaalka Baydhabo

0

Isniin 30 March 2026 {HMC} Baydhabo barqadii maanta waxaa la soo warinayey in ay gudaha u galeyn ciidamo ka tirsan dowladda FS, kuwaas oo illaa iyo shalay ku jiray dagaal ay iskaga hor imaadeyn dagaallamayaal Alshabaab ka tirsan duleedka Baydhabo.

Wasaaradda ayaa qoraal ay ku qortay baraheeda bulshada ku sheegtay in ay soo qab-qabtay dagaallyahanno ay ku tilmaameyn in ay amar qaadanayeen Cabdicasiis Lafta Gareen.

Qoraalka ayaa lagu yiri “Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo howlgal ka dhan ah Khawaarijta ka waday duleedka magaalada Baydhabo, ayaa saaka waxaa weerar kusoo qaaday maleeshiyaad hubeysan oo ka amar qaata Cabdicasiis Laftagareen, iyagoo iska caabiyay isla markaana jabiyay maleeshiyaadkii kusoo qaaday weerarka gardarrada ah,iyagoo gacanta ku dhigay qaar ka mid ah maleeshiyaadkii weerarka soo qaaday”.

illaa iyo hadda wax war ah kama soo bixin maamulka Cabdicasiis Lafta Gareen oo la sheegay in la jabiyey.

Dagaal u dhaxeeya Ciidamada DFS & Kuwa Koofur Galbeed oo ka socda Duleedka Baydhabo

0

Isniin 30 March 2026 {HMC} Duleedka Magaalada Baydhabo waxaa ka socda dagaal u dhaxeeya Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya oo garab ka helaya Mucaaradka Laftagareen iyo Ciidamada Maamulka Koofur Galbeed oo kasoo horjeeda.

Dagaalkaan ayaa yimid kaddib markii la sheegay in ciidamada Dowladda Federaalka ee kaashanaya kuwa Mucaaradka la magac baxay Badbaadada Koofur Galbeed ay dhowr jiho ka weerarreen ciidamada Koofur Galbeed ee la safan maamulka laftagareen.

Si dhab ah looma ogaan khasaaraha ka dhashay dagaalka, goobaha ay ku kala sugan yihiin dhinacyadaan iyo waxyeellada gaartay Dadka rayidka ah, waxaana Magaalada Baydhabo gudaheeda ka billowday barakac ay samaynayaan Shacabka.

Wasiirka Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa sheegay in lala xisaabtamayo cid weliba oo xabbad ku ridda Ciidamada duullaanka ku ah Magaalada Baydhabo.

“Wiilashada uu qasbaayo Cabdicasiis ee reer Koofur Galbeed walaahaooda ayaa u yimid ee yaysan Xabbad ku ridin hana soo dhaweeyaan, Ciddii Ciidamada Qaranka Xabbad ku ridda waxaa loo aqoonsanaa dambiile Qaran” ayuu yiri Wasiirka Wasaaradda Dekedaha & Gaadiidka Badda XFS, Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac

Ma jiro war kasoo baxay dhinaca Maamulka Koofur Galbeed oo looga hadlay dagaalkaan, saacado kahor Madaxweyne Cabdicasiis Laftagareen ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa X (Twitter) ku sheegay in weerar weliba oo lagu qaado ay ka jawaabi doonnaan.