Home Blog Page 11

Maxa kajiro in DFS Xabsi guri ka dhigtay Sarreeye Guuto Mahad Cabdiraxmaan?

0

Khamiis 26 March 2026 {HMC}  Xubnaha Mucaaradka ayaa Dowladda Federaalka Soomaaliya ku eedeyay in ay ciidamo dul dhigtay hoyga Taliyihii hore ee Ciidanka Asluubta Sarreeye Guuto Mahad Cabdiraxmaan Aadan.

Bayaan ka soo baxay Xisbiga Himilo Qaran oo uu hoggaamiyo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shiikh Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay in ay ka xunyihiin tillaabada dowladda ee xabsi gurigada uga dhigtay Taliye Mahad.

Sidoo kale, Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa dhankiisa caddeeyay in Taliye Mahad gurigiisa ciidamo la dulgeeyay, tillaabadaasina aan la aqbali karin.

Hadalka Xubnahan Mucaaradka ayaa ku soo aadaya xilli maalintii shalay Golaha Wasiirrada ee Xukumadda Federaalka ay fadhi wadajir ah xilka uga qaadeen Taliyihii hore ee Ciidanka Asluubta Sarreeye Guuto Mahad Cabdiraxmaan Aadan, iyagoo magacaabay Taliye Maxamed Shiikh Xasan Xaamud.

Dhinaca kale, Cod kooban oo saacadihii la soo dhaafay baraha bulshada uu ku faafiyay Taliye Mahad Cabdiraxmaan ayuu ku caddeeyay inuusan xabsi ku jirin, isla markaasn wararka la sheegayo ay been yihiin.

Mahad Cabdiraxmaan oo laba jeer soo noqday Taliyaha Ciidanka Asluubta ayaa aad ugu dhow Madaxweynaha Koofur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen oo khilaaf kala dhaxeeyo Dowladda Federaalka Soomaaliya.

{DAAWO MUQAALKA} Ugandha oo ku dhawaaqday in ay ku biireyso Dagaalka Bariga dhaxe hadii israa’il laga Adkaado.

0

26 March 2026 {HMC}  Ugandha oo ku dhawaaqday in ay ku biireyso Dagaalka Bariga dhaxe hadii israa’il laga Adkaado.

HOOS KA DAAWO WARARKII UGU DAMBEEYAY.

{DAAWO MUQAALKA} DEG DE-Diyaarado is-qarxinaya oo qasaara ka geystay Sh/ Hoose.

0

26 March 2026 {HMC}  DEG DE-Diyaarado is-qarxinaya oo qasaara ka geystay Sh/ Hoose.

HOOS KA DAAWO WARARKII UGU DAMBEEYAY.

{DAAWO MUQAALKA} Doon ay Leedahay Iiraan Oo Lagu Weeraray Soomaaliya.

0

28 March 2026 {HMC}  Doon ay Leedahay Iiraan Oo Lagu Weeraray Soomaaliya.

HOOS KA DAAWO WARARKII UGU DAMBEEYAY.

{DAAWO MUQAALKA} Ciidamada Haramcad oo Amaanka Baraawe Aad u Adkeeyay.

0

28 March 2026 {HMC}  Ciidamada Haramcad oo Amaanka Baraawe Aad u Adkeeyay.

HOOS KA DAAWO WARARKII UGU DAMBEEYAY.

Kulan looga hadlay Amniga Magaalada Baraawe ayaa dhexmaray DFS& Ciidanka Uganda ee qeybta ka ah howlgalka AUSSOM.

0

Khamiis 26 March 2026 {HMC} Kulan looga hadlay amniga Magaalada Baraawe ee gobolka Shabeellada Hoose ayaa dhexmaray Saraakiisha Ciidanka Amniga Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Uganda ee qeybta ka ah howlgalka AUSSOM.

Labada dhinac ayaa kulankooda diirada ku saarey sidii ay uga wada shaqeyn lahaayeen Amniga iyo iskaashi buuxa oo ay wada yeesheen Ciidanka Soomaalida iyo kuwa Uganda.

Xubnaha kulanka goobjoog ahaa ayaa waxaa kamid ah Taliyaha Guutada 6-aad Qeybta 60-aad ee Xoogga Dalka G/Sare Cabdiraxmaan Cilmi Jimcaale, Taliyaha Ciidanka Haramcad Dhamme Cabdixakiin Ceeldheer, Taliyaha ciidanka Uganda ee Baraawe Cornel Jafar Musenene iyo Guddoomiyaha Degmada Baraawe.

Saraakiisha ayaa caddeeyay in la isku afgartay qoddobada laga wada hadlay, isla markaasna ay socon doonaan shirarka looga hadlayo amniga.

Kulamadaan ayaa ku soo aadaya xilli toddobaadkii hore Dowladda Federaalka Soomaaliya si rasmi ah ula wareegtay Amniga guud ee magaalada Baraawe oo ay hore ugu sugnaayeen Ciidan taabacsan Maamulka Koofur Galbeed.

Magaalada Baraawe ayaa ah Caasimadda rasmiga ee Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, waana magaalo xeebeed istaraatiiji ah oo ay ku nool yihiin kumanaan shacab Soomaaliyeed ah.

Xiisadda u dhaxeysa Dowladda Federaalka iyo Maamulka Koofur Galbeed ayaana muuqata in ay saameysay degmada Baraawe ee gobolka Shabeellada Hoose.

Doon laga leeyahay dalka Iiraan oo la sheegay in lagu weeraray meel u dhow Xeebaha Soomaaliya .

0

Khamiis 26 March 2026 {HMC} Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Doon laga leeyahay dalka Iiraan oo la sheegay in lagu weeraray meel u dhow Xeebaha Soomaaliya.

Sida ku xusan qoraal ay saareen Hawlgalka badda ee Midowga Yurub, Doontan laga leeyahay dalka Iiraan ayaa la weeraray xilli ay ku sugneyd meel 400 Neyutikal Meyl kaga beegan Xeebta Muqdisho.

Xarunta Amniga Badda ee Badweynta Hindiya ayaa dhankeeda sheegtay in Doonta ay gacanta u gashay kooxaha weeraray oo la tuhmayo in ay yihiin Burcad-badeed.

Ilaa hadda lama oga xogta rasmiga ah ee goobta la geeyay doonta iyo waxa saarnaa, sidoo kale ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Ciidanka Ilaalada Xeebaha Soomaaliya.

Dhacdadaan ayaa ku soo aadeysa xilli sanadihii la soo dhaafay ay meesha ka baxeen falalka la xiriiray burcadbadeeda khatarta ku ahaa Amniga Xeebaha Soomaaliya.

Dadadaaladaasi ayaa waxaa iska kaashaday Dowladda Soomaaliya iyo Saaxiibada Caalamiga ah ee ka taageera dhinaca Amniga Badaha sida Turkiga iyo Midowga Yurub.

Israa’iil oo qaadaysa tallaabo ka dhan ah Dowladda Qatar.

0

Khamiis 26 March 2026 {HMC} Golaha Baarlamaanka Israa’iil ee Knesset ayaa maanta, Arbaco ah, u codeyn doona akhrin hordhac ah oo ku saabsan hindise sharciyeed uu soo gudbiyay hoggaamiyaha mucaaradka Yair Lapid, kaas oo cinwaankiisu yahay: “Ku dhawaaqidda Qatar inay tahay dowlad cadow ah.”

Qoraalka hindisaha, oo ka kooban hal qodob oo keliya, wuxuu qeexayaa Qatar inay tahay “dowlad cadow ah,” wuxuuna dhigaya in dhammaan qodobada sharciga Israa’iil ee khuseeya dowladaha cadowga ah, dhammaan noocyada sharciyada, lagu dabaqi doono.

Xisbiga Yesh Atid ayaa mashruuca ugu yeeraya “Sharciga Urich,” iyagoo u bixiyay la-taliyaha Benjamin Netanyahu, waxaana uu ujeedkiisu yahay in la bixiyo qeexitaan dhammaystiran oo ku saabsan erayga “dowlad cadow ah,” kaas oo hadda ka maqan sharciga Israa’iil.

Mashruuca waxaa ku jira tixraacyo qoraallo hore sida “Amarka Ganacsiga la leh Cadowga ee 1939″ iyo qodobo ka tirsan Xeerka Ciqaabta oo qeexaya cadowga isla markaana dhigaya ciqaabo ku saabsan kaalmaynta ama la shaqaynta cadowga.

Sidoo kale, waxa ku jira qodob ka hortagaya musharrixiinta Knesset inay taageeraan dowlad cadow ah ama si sharci-darro ah u joogaan dal noocaas ah toddobadii sano ee ka horreeyay musharraxnimadooda.

Tallaabadaan ayaa ku soo beegmaysa xilli dalalka Khaliijka oo Qatar ay ka mid tahay ay wajahayaan weerarro uga imaanaya dalka Iiraan oo Mareykanka iyo Israa’iil ku qaadeen weerarro dhaliyay khasaare badan oo ilaa iyo hadda socda.

Sababta ugu weyn dalalka Khaliija oo Qatar ay ka mid tahay ay u wajahayaan weerarrada Iiraan ayaa ah in ay ku yaallaan saldhigyada Mareykanka, taasoo Iiraan ay uga aargudanayso.

Qatar ayaa sidoo kale ka mid ahayd dalalkii dhedhexaadinayay Israa’iil iyo Xamaas muddadii ay wadahadalladu u socdeen, iyadoo inta badan mas’uuliyiinta Xamaas ay halkaa ku noolyihiin

Ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa sanadkii la soo dhaafay ee 2025-ka uga digay Qatar in ay waajib ku tahay in ay ” erido mas’uuliyiinta Xamaas ama ay cadaaladda hor keento”.

“Waxaan leeyahay Qatar iyo dhammaan dalalka ay gabaadka ka dhigtaan argagaxisada: waa in aad ka saartaan ama aad hor keentaan sharciga, haddii kale innagaa sidaa sameyn doonna,” ayuu Netanyahu ku yiri muuqaal laga sii daayay xafiiskiisa.

Dhankiisa ayaa wasiirka gaashaandhigga Israel Katz wuxuu yiri xilligaas, “Siyaasadda amniga Israa’iil waa caddahay: gacanta dheer ee Israa’iil waxay talaabo ka qaadi doontaa cadawgeeda meel kasta, ma jirto meel ay ku dhuuntaan.”

Waxa uu intaa ku daray in haddii madaxda Xamaas ay aqbali waayaan Shuruudaha Israa’iil ee ku aaddan soo afjaridda dagaalka, oo ay ugu horreeyaan sii deynta dhammaan la haystayaashii iyo in hub ka dhigis lagu sameeyo, in la baabi’in doono, Gazana waa la burburin doonaa,” ayuu yiri.

Dhanka kale Qatar waxey ka mid tahay dalalka saaxiibka dhow la ah Mareykanka, si gaar ah Trump, iyadoo uu mar sii horesana booqasho ku tagay halkaa, waxaana madaxweyne Trump uu sidoo kale saaxiib dhow la yahay Israa’iil.

Hadii ay baarlamaanka Israa’iil u codeyaan arrintaan, dadka qaar ayaa aaminsan in ay saameyn yeelan doonto, iyadoo ay ku soo aadayso xilli xasaasi ah oo xiisadda Bariga Dhexe ay u muuqato hubanti la’aan.

XIGGASHO BBC 

Maraykanka oo shaaciyey Askarta ku waxyeelloowday Dagaalka Iiraan.

0

Khamiis 26 March 2026 {HMC} Warbaahinta CBS news oo soo xiganeysa Taliska Dhexe ee ciidamada Mareykanka ayaa baahisay in ku dhawaad 300 askari oo Maraykan ah ay ku dhaawacmeen tan iyo markii uu bilowday dagaalka bariga dhexe ee Maraykanka iyo Israa’iil ku qaadeyn Iiraan, 28 bishii Febraayo.

Sida ay sheegtay CBS, 290 xubnood oo ka tirsan ciidamada Maraykanka ayaa dhaawacmay tan iyo maalintii ugu horreysay ee dagaalka, sida uu sheegay afhayeen u hadlay Taliska dhexe ee ciidamada Maraykanka.

Afhayeenka ayaa sheegay in 255 ka mid ah askarta dhaawacantay ay dib ugu laabteen shaqadoodii, halka 10 ay weli ku jiraan xaalad halis ah, xaaladda 25-ka kale lama shaacin.

WAR DEG DEG AH Iiraan oo soo ridday diyaarad dagaal oo uu Mareykanku leeyahay.

0

Khamiis 26 March 2026 {HMC} Maraykanku wuxuu beeniyay wararka sheegaya in mid ka mid ah diyaaradaha dagaalka ee F-18 ay ku burburtay intii lagu jiray dagaalka uu la galay Iran. Horey, waaxda xiriirka dadweynaha ee Ciidamada Kacaanka Iiraan ayaa u sii daysay muuqaal muujinaya in ay ku bartilmaameedsadeen diyaaraddan dagaalka gudaha magaalada Chabahar ee dalka Iuraan.

Warka Ciidamada Kacaanka Iiraan ayaa lagu sheegay in “difaaca cirka ee horumarsan ee Ciidanka Badda ee IRGC, kaas oo hoos yimaada taliska Shabakadda Difaaca Hawada ee Isku-dhafan,” uu si sax ah u duqeeyey diyaaradda dagaalka, taasoo keentay in ay “ku burburto Badweynta Hindiya.” Taliska Dhexe ee Maraykanka CENTCOM ayaa si degdeg ah uga falceliyay, isagoo qoraal kooban ku sheegay barta bulshada ee X in warkaas aanu run ahay