Home Blog Page 1195

{DAAWO MUQAALKA} Ciidamo la dagaalamayo AS oo lagula Dardaarmay Shabeelada dhexe.

0

Isniin 24, Feb 2025 {HMC} Ciidamo la dagaalamayo AS oo lagula Dardaarmay Shabeelada dhexe.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Maamulka Gobolka Hiiraan oo Amaro soo saaray.

0

Isniin 24, Feb 2025 {HMC} Maamulka Gobolka Hiiraan oo Amaro soo saaray.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

Soomaaliya oo aan kasoo muuqan liiska dalalka lagu leeyahay tabarucaadka Qaramada Midoobay.

0

Isniin 24,Feb-2025 {HMC} Qaramada Midoobay ayaa soo saartay liiska dalalka xubnaha ka ah ee lagu leeyahay deymaha aan la bixin ee gaarsiisan heerka uu waddanku ku waayi karo codkiisa Golaha Guud, sida ku xusan Qodobka 19 ee Axdiga Qaramada Midoobay.

Sida ku cad warqad uu Xoghayaha Guud António Guterres u diray Madaxweynaha Golaha Guud ee Qaramada Midoobay 17-kii Febraayo 2025, sagaal waddan ayaa hadda lagu leeyahay deymo gaarsiisan heerka ay luminayaan codkooda, haddii aan la bixin tabarucaadka lagu leeyahay.

Dalalkaas waxaa ka mid ah: Afghanistan, Bolivia, Cape Verde, Congo, Ecuador, Grenada, Guinea-Bissau, Sao Tome and Principe, iyo Venezuela. Qaramada Midoobay waxay sidoo kale caddeysay in Sao Tome and Principe loo ogolaaday in uu sii wado codbixinta ilaa dhammaadka kalfadhiga 79-aad.

Soomaaliya kama soo muuqan liiskan, taasoo muujineysa in aysan ka mid ahayn waddamada lagu leeyahay deymaha gaarsiisan heerka ay waayi karaan codkooda. Tani waxay ka dhigan tahay in Soomaaliya ay u hoggaansantahay waajibaadkeeda dhaqaale ee Qaramada Midoobay ama aysan gaarsiisnayn heerka la xiriira luminta codka.

Sannadkii 2022, Soomaaliya waxay kaalinta saddexaad kaga jirtay liiska 11 waddan oo lagu leeyahay lacagaha xubinnimada Qaramada Midoobay, iyadoo laga doonayay lacag gaaraysay $1,446,163.

Waxay arrintaan kusoo beegantay xilli ay Soomaaliya markii ugu horraysay muddo 50 sano kaddib ay kursi aan joogto ahayn ka heshay Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay.

Waxaa xusid mudan in Qaramada Midoobay ay u ogolaan karto waddamada qaar in ay codkooda sii haystaan haddii la caddeeyo in sababta deymaha aysan bixin ay ka baxsan tahay awooddooda maaliyadeed.

{DAAWO MUQAALKA} Somaaliya oo dhexdhaxaadineeyso dhinacyada isku haayo Dalka Suudaan.

0

Isniin 24, Feb 2025 {HMC} Somaaliya oo dhexdhaxaadineeyso dhinacyada isku haayo Dalka Suudaan.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

-origin” allowfullscreen>

Xariirka Soomaaliya iyo Imaaratka Oo Xumaaday kadib Casuumadii ay u fidisay Madaxweynaha Somaliland

0

Isniin 24,Feb-2025 {HMC} Wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Macalim Fiqi ayaa sheegay in ay tallaabo ka qaadi doonaan Dowladda Imaaraadka Carabta ka dib markii Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Cirro ay ku casuumeen ka qeyb galka shirka dowladdaha Adduunka ee ka dhacay magaalada Dubai.

“Somaliland waa gobol ka mid ah Soomaaliya, waxayna qabaan tabashooyin aan u raadinayno inaan wadahadal ku xallinno,” ayuu yiri wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi oo mar kale ku celiyay mowqifka Muqdisho ee ah in Somaliland ay weli ka mid tahay Soomaaliya.

Horaantii bishan, Madaxweyne Cirro waxa lagu casuumay madal caan ah oo uu kaga qayb galay shirkii dawladdaha Adduunka ee Dubai, kaas oo uu beesha caalamka ugu baaqay inay Somaliland u aqoonsadaan dal madax-bannaan.

Ugu horrayn, Soomaaliya ayaa hoos u dhigtay booqashadaas, iyadoo la barbar-dhigtay safarradii ay ku tageen madaxda maamul-goboleedyada dalka Imaaratka Carabta, waxaana wasiir Fiqi Tusaale usoo qaatay safarkii ugu dambeeyay ee Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe ku tagay Dalka Kenya.

Si kastaba ha ahaatee, wasiirka arrimaha dibadda Fiqi ayaa hadda si cad u sheegay in Dowladda Soomaaliya aysan iska indho-tiri doonin waxa ay u aragto faragelinta lagu hayo madax-bannaanideeda.

“Soomaaliya uma dulqaadan doonto faragelinta,” ayuu yiri, isagoo intaas ku daray in dowladdu ay qaadayso tallaabooyin ay wax kaga qabanayso xiriirka kala dhexeeya Imaaraatka, Ma uusan cadeyn Wasiir Fiqi tallaabooyinka ay Dowladda damacsan tahay inay qaado.

Puntland oo shaacisay qaabkii ay Deegaanadeeda kusoo galeen ajaaniibta Daacish.

0

Isniin 24,Feb-2025 {HMC} Deegaannada maamulka Puntland gaar ahaan dhulka buuraha ee gobolka Bari , waxaa soo galay oo ku sugan dad ajaaniib ah oo u badan kuwa Carbeed oo ka kala yimid dalal kala duwan, kuwaa oo ku biiray una dagaallamaya kooxda Daacish.

Wasiirka Warfaafinta Puntland, Maxamuud Caydiid Dirir, oo warbaahinta la hadlay ayaa faahfaahiyay qaabka ajaaniibta Daacish u sahashay in ay kusoo galaan buuraha gobolka Bari, waxa uuna Wasiirka shaaciyay xog sirdoon oo horey dadka qaar aysan u ogeyn.

Waxa uu sheegay Wasiirka in ajaaniibta Carbeed ee katirsan kooxda Daacish markii ay soo galayeen deegaannada maamulka Puntland ay iska soo dhigeen qaxootiga Yemen, kuwaa oo kasoo cararayay colaadii ka qaraxya gudaha Yeken.

“Inta badan dagaallamayaasha Argagixisada Daacish waxay Puntland ku soo galeen farsamo Qaxootinimo, waxay soo mareen dalka Yemen, waxaana ay soo raaceen doonyihii siday Qaxootiga Yemen ee ka soo cararay colaadda dalkaasi, kaddibna shacabka iyo dowladda Puntland ayaa soo dhaweeyay oo mooday walaalahood Sunniyiin ah oo soo qaxay” ayuu yiri wasiir Maxamuud Caydiid Dirir.

Wasiirka Warfaafinta Puntland, ayaa sidoo kale sheegay in dagaalyanadda Carbeed ee ku biiray Daacish qaarkood ay iska soo dhigeen dalxiisayaal, kuwaa uu tilmaamay in ay kasoo dageen dalka Itoobiya kaddibma soo galeen deegaannada Puntland.

{DHAGEYSO} Warka Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {24.02.2025}

Isniin 24,Feb-2025 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo ::Yaasiin Ali Ahmed

Farsamadii ::Mohamed Baryare Haamud

HOOS KA DHAGEYSO WARKA SUBAXNIMO

{DAAWO MUQAALKA} Puntland oo ka hadashay khasaaraha ka dhashay Duqeeymihii ka dhacay Calmiskaad.

0

Isniin 24, Feb 2025 {HMC} Puntland oo ka hadashay khasaaraha ka dhashay Duqeeymihii ka dhacay Calmiskaad.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} FAAH FAAHIN Duqeeymo ka dhacay shabeelada Hoose.

0

Isniin 24, Feb 2025 {HMC} FAAH FAAHIN Duqeeymo ka dhacay shabeelada Hoose.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray Dalka Liibiya + qorshaha safarkisa.

0

Isniin 24,Feb-2025 {HMC} Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si diirran loogu soo dhaweeyey magaalada Tripoli ee caasimadda dalka Liibiya, halkaas oo uu ku tagay booqasho rasmi ah oo lagu xoojinayo xiriirka labada dal.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Tripoli, ku soo dhaweeyey madaxda sare ee dowladda Liibiya, waxa uuna uga mahadceliyey dowladda iyo shacabka dalkan sida ay uga go’an tahay xoojinta xiriirka soo jireenka ah ee kala dhexeeya Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa inta uu ku sugan yahay Tripoli, waxa uu kulan la qaadan doonaa Hoggaamiyaha Golaha Sare ee dalkan Mudane Maxamed Al-Manfi oo ay ka wada hadlayaan xaaladda gobolka iyo danaha wadajirka ah ee ka dhexeeya labada dal.

Sidoo kale, Labada Madaxweyne ayaa ka arrinsanaya horumarinta iskaashiga dhinacyada amniga, siyaasadda, la daggaallanka tahriibta iyo dhammaystirka soo celinta dhallinyarada Soomaaliyeed ee xaaladaha adag ay ku wajahayaan xabsiyada dalkaas.