Axad 23, Feb 2025 {HMC} Puntland oo ka falcelisay hadalkii Madaxweyne Xasan ee Dagaalka Daacish
Somali Danab Special Forces participate in Justified Accord Military Exercise in Kenya.
Sunday 23,Febr-2025 {HMC} The Somali National Army’s elite Danab Special Forces took part in the Justified Accord military exercise in Kenya, marking their second appearance at the event.
The Somali Special Forces Commander, Lieutenant Colonel Hassan Salah Abdi, attended the closing ceremony in Kenya. The Danab Special Forces demonstrated skill, discipline, and resilience during the exercise.
Justified Accord is U.S. Africa Command’s largest military exercise in East Africa. Led by the U.S. Army Southern European Task Force, Africa (SETAF-AF), the exercise brings together more than 1,000 personnel from over 20 nations.
The event builds readiness for U.S. joint forces, prepares regional partners for United Nations and African Union missions, and enhances multinational interoperability for humanitarian, disaster, and crisis response.
The participation of the Somali National Army underscores its progress in training and international collaboration, further strengthening its defense capabilities and operational readiness.
Source Hiiraan online
Somali Military Chiefs Brief Gen Muhoozi on Security in Mogadishu.
Sunday 23,Febr-2025 {HMC} The Chief of Defence Forces, Gen. Muhoozi Kainerugaba, met with senior Somali military officials in Nairobi this week for discussions on the security situation in Mogadishu.
The Somali delegation, led by Brig. Gen. Madey Nurey Sheikh, Deputy Chief of Defence of the Somali National Armed Forces, provided an update on ongoing security developments in the Somali capital.
The meeting has taken place ahead of the East African Community (EAC) Chiefs of Defence Forces (CDF) meeting, which will take place in Kenyan.
During the discussions, the Somali officials expressed their appreciation for Uganda’s continued commitment to peacekeeping efforts in Somalia.
The Ugandan People’s Defence Forces (UPDF) have played a crucial role in stabilizing Somalia since their deployment in 2007 under the African Union Transition Mission in Somalia (ATMIS).
“Uganda has been a key pillar in supporting Somalia’s stability. The contributions of UPDF have been invaluable in countering security threats and ensuring peace in Mogadishu and beyond,” Brig. Gen. Madey stated.
Gen. Muhoozi welcomed the briefing and reaffirmed Uganda’s dedication to regional security.
“We appreciate the collaboration between our forces and remain committed to strengthening peace and stability in Somalia and the broader East African region,” he said.
Also present at the meeting was Uganda’s Chief of Intelligence and Security, Maj. Gen. James Birungi, who highlighted the importance of intelligence-sharing in countering security threats in the region.
Source Hiiraan online
{DAAWO MUQAALKA} “Dagaalka AS iyo DCSH waa in dadka Soomaaliyed garab istaagaan” Xildhibaan Carab
Axad 23, Feb 2025 {HMC} “Dagaalka AS iyo DCSH waa in dadka Soomaaliyed garab istaagaan” Xildhibaan Carab
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA.
{DAAWO MUQAALKA} Ra”iisul wasaare Rooble oo si adag uga hadlay dagaalada iyo doorashada
Axad 23, Feb 2025 {HMC} Ra”iisul wasaare Rooble oo si adag uga hadlay dagaalada iyo doorashada
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA.
Ra’iisul Wasaarihii hore Maxamed Xuseen Rooble oo eedeyn u jeediyey Dowladda Soomaliya.
Axad 23, Feb 2025 {HMC} R/wasaarihii hore ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo la hadlayay Jaaliyada Soomaaliyeed ee ku nool dalka Koofur Afrika ayaa si adag uga digay isku dayga dowladda ee ah isku gaar yeelidda doorashada qof iyo cod.
Rooble ayaa waxaa uu shaaca ka qaaday in wixii uu ka diiday Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uusan maanta ka aqbalayn madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud.
Sidoo kale Rooble ayaa xusay in aysan socon karin doorasho aan heshiis lagu ahayn waxa uuna xusay in aan xaglo geel lagu hayn karin arrinta doorashada.
Rooble oo soo hadal qaaday ishortaaga lagu sameeyay ayaa waxaa uu sheegay in safarka uu tagayay dalka Koofur Afrika uu caqabad badan uu kala kulmay, balse waxaa uu tilmaamay in wixii dhacay ay go’aansaday inaysan arrintan ka tanaasulaan.
Sidoo kale Rooble ayaa sheegay in marka uu ku soo laabto dalka uu la xisaabtami doono dowladda Federaalka Soomaaliya, isagoo soo qaatay maahmaah Soomaaliyeed, taasi oo aheyd ‘Nin Ciid kugu rogay waxaa la dhahay waxba kuma gaarsiin laakin calooshiisa ayuu ku tusay.
Dowladda Soomaaliya oo war kasoo saartay duqeyn Maraykanku ka fuliyey Gobalka Bari.
Axad 23, Feb 2025 {HMC} Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa war kasoo saartay duqeyn dhanka cirka ah oo Saacadihii ugu dambeeyay ka dhacday buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari kaas oo ay iska kaashadeen ciidanka xoogga dalka iyo kuwa dowladda Mareykanka.
Sidoo kale, duqeynta Mareykanka uu fuliyay ayaa dowladda Soomaaliya sheegtay in lala eegtay goobo la sheegay in ay ku dhuumaalaysanayeen haraadiga horjoogayaasha ee katirsan kooxda Daacish oo ku sugan Buuralayda Calmiskaad.
“Hawlgal duqeymo ah oo ay iska kaashadeen Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Ciidamada Mareykanka ee AFRICOM ayaa lagu bartilmaameedsaday firxadka maleeshiyaadka Daacish ( ISIS) ee ku dhuumaalaysanaya Buuralayda Caal-miskeed ee gobolka Bari ee Dowlad Goboleedka Puntland ee Soomaaliya.” Ayaa lagu yiri qoraalka.
Sidoo kale qoraalka dowladda Soomaaliya ayaa waxaa intaasi lagu daray “Hawlgalka duqeymaha ah oo si guul ah ay u fuliyeen Ciidanka Mareykanka oo la shaqeynayaa Hay’adaha Amniga Qaranka Soomaaliya waxa ay dhaceen fiidkii 21 Febraayo iyo shalay 22-ka Febraayo 2025, waxaana lagu taageerayay hawlgalka geesiyaasha Ciidanka Daraawiishta Puntland ay ku ciribtirayaan haraadiga Khawaarijta Daacish.”
Warka ka soo baxay dowladda Soomaaliya ayaa waxaa kaloo lagu yiri’Qiimeynta hore ee hawlgalka ayaa muujineysa in saddex xubnood oo ka tirsan Daacish lagu dilay duqeymaha, mana jiro wax dhibaato ah oo gaaray rayidka.’
Ciidanka dowlad goboleedka Puntland ayaa bishii labaad dagaal toos ah kula jira kooxda Daacish ee ku sugan buuraleyda Calmiskaad, waxaana dagaalkaasi uu sababay in la diley hoggaamiyaal badan oo isugu jiray ajaanib iyo Soomaaliba.
Maamulka Trump oo eedeyn ka dhan ah Soomaaliya u jeediyey madaxweyne Biden.
Axad 23, Feb 2025 {HMC} Dr. Sebastian Gorka, oo ah ku-xigeenka la-taliyaha madaxweynaha iyo agaasimaha sare ee la-dagaallanka argagixisada ee Golaha Amniga Qaranka ee Aqalka Cad, ayaa shaaca ka qaaday in maamulka Biden uu muddo ku dhow laba sano la socday dhaqdhaqaaqa hoggaamiye ka tirsan Daacish oo ku sugnaa Soomaaliya, balse aysan qaadin wax tallaabo ah.
Gorka, oo la hadlay warbaahinta Breitbart News Khamiistii, wuxuu sheegay in inkasta oo hoggaamiyahaasi la daba socday muddo dheer, aysan jirin wax weerar ah oo lagu qaaday.
“Maamulka Biden wuxuu muddo ku dhow laba sano la socday hoggaamiye Daacish ah oo Soomaaliya joogay, balse wax tallaabo ah lama qaadin si loo beegsado,” ayuu yiri Gorka mar uu la hadlayay Alex Marlow, tifaftiraha guud ee Breitbart News, intii lagu jiray barnaamijka The Alex Marlow Show ee ka baxa Salem Podcast Network.
Dhanka kale, dhowr toddobaad gudahood markii uu xafiiska la wareegay, madaxweyne Donald Trump wuxuu ansixiyay duqeyn lagu dilay hoggaamiyihii Daacish iyo 13 xubnood oo kale oo ka tirsanaa ururkaas.
Sida laga soo xigtay taliska AFRICOM ee Mareykanka, hoggaamiyahan Daacish ee la dilay, Axmed Maeleninine, wuxuu ahaa xubin muhiim ah oo ISIS u qaabilsanaa qorista dagaalyahanno, maalgelinta ururka, iyo abaabulka weerarro dibadda ah, oo ay ku jiraan kuwa lala damacsanaa gudaha Mareykanka iyo Yurub.
Faahfaahinta hawlgalkii duqeynta
Wareysiga uu bixiyay, Gorka wuxuu kaga hadlay faahfaahin cusub oo sir ah oo ku saabsan sida hawlgalku u dhacay.
“Waxaan galay xafiiska Oval Office anigoo la socda la-taliyaha amniga qaranka, Mike Waltz, waxaana sidnay dukumeenti hawlgaleed oo uu madaxweynuhu u saxiixi lahaa isagoo isticmaalaya qalinkiisa caanka ah ee Sharpie. Markii uu kor u eegay ayuu yiri, ‘Maxaad uga jeeddaa maamulka Biden wuxuu muddo laba sano ah la socday hoggaamiye ISIS ah oo Soomaaliya jooga, haddana wax tallaabo ah lama qaadin si loo dilo?’”
Wuxuu intaa ku daray in madaxweyne Trump isla markiiba bixiyay amarkii weerarka.
“Wuxuu naga sugay jawaab, markaasna wuxuu bixiyay amarkii hawlgalka. Markii la gaaray wax ka yar 30 saacadood kadib, waxaan ku sugnaa qolka Situation Room ee hoos yimaada West Wing,” ayuu yiri Gorka.
Hawlgalku wuxuu dhacay maalin Sabti ah, 1-da Febraayo 2025, saacadda bariga Mareykanka marka ay ahayd 9:48 subaxnimo. Gorka iyo kooxdiisa ayaa sugayay imaanshaha Mike Waltz.
“Bambaanooyinku waxay diyaar u ahaayeen in la rido 9:50 subaxnimo. Waxaan is weydiinaynay, ‘Halkee buu ku maqan yahay Mike? Halkee buu la-taliyaha amniga qaranka ku maqan yahay?’ 90 ilbiriqsi ka hor intaan la billaabin duqeynta, ayuu soo galay isagoo ka yimid kulan kale, markaas ayuu fariistay.”
Markii uu weerarku bilaabmay, shaashadaha waaweyn ee Situation Room ayaa soo bandhigay muuqaal toos ah oo laga helay goobta la beegsaday.
“Waxaan dareemnay sidii inaan daawanaynay Filimka 24, balse tani filim ma ahayn. Mar qura waxaan aragnay qaraxyo waaweyn oo ka dhacaya godad dhagax weyn ku dhex yaal—laakiin tani ma ahayn wax la farsameeyay,” ayuu yiri Gorka.
Gorka wuxuu sheegay in muuqaalkii duqeynta si degdeg ah loo shaaciyay muddo afar saacadood gudahood ah, waxaana la gaarsiiyay madaxweyne Trump oo ku sugnaa Mar-a-Lago.
“Madaxweyne Trump ayaa isla markiiba soo dhigay baraha bulshada, wuxuuna qoray fariin aad loo faafiyay oo ay ku qornaayeen erayadan waaweyn: ‘Haddii aad rabtaan inaad Mareykanka weerartaan, waanu idin heli doonaa, waana idin dili doonaa.’”
Gorka ayaa xusay in dhacdooyinka noocan oo kale ah ay qeyb ka yihiin shaqadiisa maalinlaha ah.
{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {22.02.2025}
Sabti 22, Feb 2025 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn
Warka waxaa soo jeedinayo ::Muuse Ali Herow
Farsamadii ::Mohamed Baryare Haamud
HOOS KA DHAGEYSO WARKA HABEENIMO
{DAAWO MUQAALKA} RW Xamse Hanjabaada Halaga Daayo Xildhibaanada Jubbaland Laga Soo Doorto
Sabti 22, Feb 2025 {HMC} RW Xamse Hanjabaada Halaga Daayo Xildhibaanada Jubbaland Laga Soo Doorto



