Home Blog Page 1211

Soomaaliya Oo Ka Qeyb Gashay Shirka 𝟐𝟑-𝐚𝐚𝐝 Ee Wasiirada Maaliyadda Madasha Iskaashiga Geeska Afrika

0

Talaado 18-02-2025 {HMC} Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige ayaa magaalada Addis Ababa ee Dalka Ethiopia uga qeyb galay shirka 𝟐𝟑-𝐚𝐚𝐝 ee Wasiirada Maaliyadda Madasha Iskaashiga Geeska Afrika (Horn of Africa initiative) oo ay marti galinayso Dowladda Ethiopia oo ah hoggaanka hada ee Madashada.

Madashan oo 3 Biloodle ah ayaa diiradda lagu saaray Shantii Sano ee la soo dhaafay wixii u qabsoomay dalalka ku mideysan Madashani iyo qorshaha Mustaqbal ka la hiigsanayo oo u badan maalgalinta mashaariic horumarineed oo ay helayaan dalalka geeska Afrika.

Wasiirka Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan Cige oo khudbad kooban ka jeediyay kulanka ayaa tilmaamay in ay muhiim tahay in diiradda la saaro sare u qaadidda mashaariicda maalgalineed ee ay helaan dalalka gobolka, si gaara ah Soomaaliya ayuu ku sheegay in ay mudnaan gaar ah siinayso maalgalinta ilaha dhaqaalaha dalka, Mudane Wasiir Biixi ayaa waxa kale uu uu sheegay in loo baahan yahay xoojinta iskaashiga ganacsi ee geeska Afrika.

Shirkan ayaa intiii uu socday waxaa kale oo la isku raacay in 𝐄𝐭𝐡𝐢𝐨𝐩𝐢𝐚 oo ah hoggaanka 2-dii sano ee la soo dhaafay ay 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 ku wareejiso hoggaanka Dalalka Iskaashiga, iyada oo uu xilka gudoomiyaha si rasmi ah ula wareegidoono Wasiirka Maaliyadda XFS, bisha April 2025 oo shirkaan kiisa xiga ee 24-aad lagu qaban doono Magaalada Washington ee dalka Mareykan.

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxdii Daacish ee dhanka lacagaha oo gacanta lagu dhigay.

0

Talaado 18, Feb 2025 {HMC} Madaxdii Daacish ee dhanka lacagaha oo gacanta lagu dhigay.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA.

{DAAWO MUUQAALKA} Shir Xasaasi ah oo goordhow u furmay Mareykanka iyo Ruushka.

0

Talaado 18, Feb 2025 {HMC} Shir Xasaasi ah oo goordhow u furmay Mareykanka iyo Ruushka.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA.

Maamulka G/ banaadir oo arrimaha Doorashada iyo Amniga kala hadlay James Swan

0

Talaado 18-02-2025 {HMC} Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane 𝐌𝐚𝐱𝐚𝐦𝐞𝐝 𝐀𝐱𝐦𝐞𝐝 𝐀𝐦𝐢𝐢𝐫 ayaa Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar ku qaabilay, Sii hayaha Ergeyga gaar ah ee xoghayaha guud Qaramada Midoobay u qaabilsan Howlgalka Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (𝐔𝐍𝐒𝐎𝐌) 𝐌𝐫. 𝐉𝐚𝐦𝐞𝐬 𝐒𝐰𝐚𝐧.

Kulanka ayaa looga hadlay xoojinta wada shaqeynta, iskaashiga labada dhinac, doorka Taageerada Amniga, Arrimaha doorashooyinka Dowladdaha Hoose ee Muqdisho iyo sidii Dowladda Hoose ee Xamar loogu taageeri lahaa qorshaha horumarinta Caasimadda iyo shaqo abuurka dhalinyaradda.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane 𝐌𝐚𝐱𝐚𝐦𝐞𝐝 𝐀𝐱𝐦𝐞𝐝 𝐀𝐦𝐢𝐢𝐫 ayaa Xafiiska Howlgalka Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (𝐔𝐍𝐒𝐎𝐌) kaga mahadceliyay doorkooda garab istaaga Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Puntland Oo Gacanta Ku Dhigtay Xubno Daacish U Qaabilsanaa Lacag-ururinta Iyo Qaraxyada

0

Talaado 18-02-2025 {HMC} Taliyaha ciidanka booliiska gobolka Bari, Gaashaanle Cabdiqaadir Jaamac Dirir, ayaa sheegay in Puntland ay gacanta ku dhigtay xubno ka tirsan Daacish oo mas’uul ka ahaa ururinta lacagaha baadda ah ee ay ka qaadaan shacabka Boosaaso, iyo kuwa fulin jiray qaraxyada.

Taliyaha oo la hadlay saxaafadda ayaa xusay in howlgal ballaaran oo ka dhan ah Daacish uu ka socdo magaalada Boosaaso, isla markaana shacabka si dhow ula shaqeynayaan ciidamada amniga, taasoo sare u qaaday guulaha laga gaaray dagaalka ka dhanka ah kooxdaas.

Gaashaanle sare Dirir wuxuu hoosta ka xarriiqay in howlgalladan ay qayb ka yihiin dadaallada lagu ciribtirayo kooxaha Daacish iyo Shabaab ee Boosaaso, isagoo xusay in firxad badan oo ka soo cararay buuraha Calmiskaad ay gacanta ugu jiraan laamaha amniga.

magaalada Boosaaso ayaa ka mid ahayd goobaha ay Daacish sida weyn uga ururin jireen lacagaha ay ugu magac dareen “Sakawaadka,” iyagoo bartilmaameedsan jiray cid kasta oo diidda bixinta baadda.

Wararka ayaa sheegaya in ganacsatadii hore u bixin jirtay lacagaha ay hadda joojiyeen, tan iyo markii uu billowday dagaalka ka dhanka ah Daacish ee ka socda buuraha Calmiskaad, kaasoo xaddiday dhaqdhaqaaqa kooxda.

Maxaay Tahay Sababta uu u Baaqday Shirkii Jaamacadda Carabta oo loga Hadlayay Qadiyada Gaza?

0

Talaado 18-02-2025 {HMC} Shir degdeg ah oo ay Jaamacadda Carabtu qorsheysay in ay kaga wadahadasho xaaladda Gaza, kaasoo markii hore la filayay inuu dhaco toddobaadka soo socda, ayaa dib loo dhigay ilaa 4-ta Maarso, sida ay Talaadadii shaacisay Masar.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Masar ayaa sheegtay in taariikhda cusub lagu heshiiyay kadib wadatashiyo lala yeeshay xubnaha Jaamacadda Carabta, iyadoo lagu saleeyay baahida loo qabo diyaar-garow dhanka farsamada iyo abaabulka ah si shirku u noqdo mid mira dhal ah.

Shirka ayaa la isugu yeeray kadib markii Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, uu soo bandhigay qorshe muran dhaliyay oo lagu doonayo in maamulka Gaza lagu wareejiyo Mareykanka, isla markaana dadka Falastiiniyiinta ah ee halkaas ku nool loo raro dalal kale, oo ay ka mid yihiin Masar iyo Urdun.

Masar iyo Urdun ayaa diiday qorshahaas, waxayna sheegeen in ay doonayaan in dib loo dhiso Gaza, ayada oo dadkeeda ay halkaas ku sii nagaanayaan.

Dhanka kale, Khamiista soo socota, Sacuudi Carabiya ayaa martigelin doonta shir ay ka qeyb galayaan madaxda Masar, Urdun, Qatar iyo Imaaraadka Carabta, si ay u soo bandhigaan qorshahooda dib-u-dhiska Gaza, iyagoo adkaynaya in Falastiiniyiintu ay ku nagaadaan dhulkooda.

Qorshaha Trump ee ku saabsan Gaza ayaa dhaliyay caro xooggan oo ka timid dalalka Carabta, taasoo keentay midnimo aan caadi ahayn oo ay dalalkaasi kaga soo horjeestaan qorshahan.

{DAAWO MUUQAALKA} Ciidanka ku sugan furimaha dagaalka Hiiraan oo hilib qal loo sameeyay.

0

Talaado 18, Feb 2025 {HMC}Ciidanka ku sugan furimaha dagaalka Hiiraan oo hilib qal loo sameeyay.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA.

{DAAWO MUUQAALKA} Guddoomiyaha Midowga Afrika oo ballanqaad u sameeyay 55-ka dal ee Qaaradda.

0

Talaado 18, Feb 2025 {HMC}Guddoomiyaha Midowga Afrika oo ballanqaad u sameeyay 55-ka dal ee Qaaradda.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA.

{DAAWO MUUQAALKA} Hooyadiis kaligiis Ayey Wiil ka dhashay Asigane Maxkamad ayaa dambi uusan laheyn Lagu Horkeenay.

0

Talaado 18, Feb 2025 {HMC}  Hooyadiis kaligiis Ayey Wiil ka dhashay Asigane Maxkamad ayaa dambi uusan laheyn Lagu Horkeenay.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA.

{DAAWO MUUQAALKA} Wararka ugu waa weyn Soomaaliya iyo Caalamka 18/2/2025

0

Talaado 18, Feb 2025 {HMC} Waxaa halkan idin kugu soo Gudbineynaa Wararka Ugu Waaweyn Soomaaliya iyo Caalamka ee Warbaahinta Hiiraanweyn

HOOS KA DAAWO WARARKA UGU WAAWEYN.