Home Blog Page 1222

Xildhibaanada mucaaradka oo shaaciyey in ay qaadayaan tallabo ka dhan ah Gudoonka.

0

Axad, 16 Feb 2025 {HMC} Xildhibaan Cabdirashiid Xidig ayaa ka digay in haddii Golaha Shacabka uu sii xirnaado, xildhibaannadu ay yeelan doonaan kulan madax-bannaan, isaga oo ku eedeeyay hoggaanka siyaasadda inay si kas ah u hor istaageen shaqadii baarlamaanka.

Xidig, oo la hadlayay saraakiisha Xisbiga Himilo Qaran, ayaa xusay in baarlamaanku la filayay inuu dib u furmo 6-dii Febraayo. Hase yeeshee, mas’uuliyiin sare ayaa hakiyay dib u furistiisa, iyagoo ka cabsi qaba in mooshin kalsooni kala noqosho ah la horgeeyo.

“Ma bannaana in dad yar ay baarlamaanka qabsadaan cabsi mooshin darteed,” ayuu yiri Xidig. “Haddii golahu aan la furin, waxaan isugu imaan doonnaa meel kale. Mooshinka waa la saxiixay, cidda ay qusayso ayaana la horgeyn doonaa si waafaqsan sharciga.”

Hakadka ku yimid shaqadii baarlamaanka ayaa sii xoojiyay xiisadda siyaasadeed ee dalka, iyadoo xildhibaannada mucaaradka ay Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Sheekh Aadan Madoobe, ku eedeeyeen inuu la safan yahay xukuumadda si uu u xakameeyo doodaha iyo mooshinnada mucaaradka.

Tanaasul la’aanta noocan oo kale ah ayaa horey u curyaamisay howlihii dowladeed, taasoo sii kordhisay loollanka u dhexeeya dowladda federaalka iyo xisbiyada mucaaradka.

Dhanka kale, Xidig ayaa ku eedeeyey ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS) in si khaldan loo adeegsaday, isagoo dowladda ku eedeeyay inay adeegsatay ciidamada ammaanka si ay cadaadis ugu saarto siyaasiyiinta mucaaradka. Wuxuu si gaar ah farta ugu fiiqay Jubbaland, halkaas oo uu sheegay in xiriirka dowladda federaalka iyo hoggaanka dowlad-goboleedka uu sii xumaaday.

“Dowladdu ma adeegsan karto ciidamada si ay u cabburiso codadka mucaaradka,” ayuu yiri. “Haddii arrintan la sii wado, jawaab adag ayaa ka dhalan doonta.”

Hakadka ku yimid shaqada baarlamaanka ayaa kusoo beegmaya iyadoo ay isa soo tarayaan walaacyada la xiriira hannaanka doorashooyinka dalka. Kooxaha mucaaradka iyo dowlad-goboleedyada ayaa ku baaqaya in la helo nidaam hufan oo ay wada oggol yihiin dhinacyada siyaasadda.

Kulanka baarlamaanka ee xiga ayaa la filayaa inuu diiradda saaro arrimaha maamulka iyo amniga, balse dib u dhacyada dhacay ayaa sii kordhiyay cabsida laga qabo in khilaafka siyaasadeed uu sii daba dheeraado.

Iyadoo aan wax war rasmi ah kasoo bixin hoggaanka baarlamaanka, weli lama oga haddii xildhibaannadu ay isku dayi doonaan inay si madax-bannaan u qabtaan kulan kale, taasoo laga yaabo inay sii huriso loollanka siyaasadeed ee taagan.

Side ayey dadka Kenya uga falceliyeen doorashadii ay Jabuuti kaga guuleysatay?

0

Axad, 16 Feb 2025 {HMC} Raysal wasaarihii hore ee Kenya Raila Odinga, oo u sharraxnaa guddoonka Midawga Afrika, ayaa shalay looga guuleystay doorashadaas, iyadoo guddoomiye loo doortay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jabuuti, Maxamuud Cali Yuusuf.

Mar uu xalay warbaahinta la hadlayay kadib doorashada oo ka dhacday caasimadda Itoobiya ee Addis Ababa, ayuu Odinga guusha ugu hambalyeeyay Maxamuud.

“Waan aqbalayaa natiijada codka. Sidaa darteed, aniga qudheyda waan aqbalayaa guul-darrada”.

“Waxay yiraahdaan waa inaan xoojinnaa dimuqraadiyadda qaaradda Afrika waxaana doonayaa annaga inaan tan u adeegsanno tusaale wanaagsan,” ayuu yiri Raila.

“Marka intaa kadib, waxaan tartamihii ila tartamayay Maxamuud Cali Yuusuf u rajeynayaa guul”.

Raila ayaa u mahad-celiyay dhammaanba dadkii u codeeyay iyo kuwaan u codeynba, “sababtoo ah waxay adeegsadeen xuquuqdooda dimuqraadiyadeed,” ayuu yiri.

Raila Odinga ayaa intaa ku daray inuu u diyaarsanaa wax walba, haddii uu guuleysto iyo haddii kaleba, kahor doorashada.

“Waxba kama shalleynayo. Aad ayaan u faraxsanahay haddii aysan taas idinku filneyna, weli diyaar baan u ahay inaan u qabto adeeg walba oo ay qaaraddan u baahan tahay, miisaan walba ha lahaatee” ayuu intaa raaciyay.

Si taas la mid ah, Raila Odinga ayaa ka hadlay safarradiisii ololaha wuxuuna qirtay inuu aad ugu dhex safray Afrika.

“Waxaan ku tabarrucay musharraxnimadeyda, bilihii lasoo dhaafayna waxaan u safray dhowr meelood si aan ula kulmo hoggaamiyeyaashooda, aniga oo ka codsanaya inay ii codeeyaan. Maanta way is muujiyeen xaalkuna waa inaynaan guuleysan,” ayuu yiri.

Raila ayaa carrabka ku adkeeyay baahida loo qabo xoojinta sinnaanta Afrika.

“Aad ayaan u mahdinayaa howsha maanta. Mahad baan u hayaa dadka Afrika.”

Mar ay weriyeyaashu wax ka weydiiyeen tallaabada xigta ee uu qaadayo, Raila Odinga ayaa yiri “hadda dalka ayaan ku laaban doonaa, halkaas wax badan oo la qabto ayaa yaalla”.

Raila ayaa sidoo kale ku nuuxnuuxsaday caqabadda ay haatan wajaheyso qaaradda Afrika, taas oo ah dagaalka ka socda Congo.

“Arrinta DRC weli waa mid cakiran. Dhibaatada aan marqaatiga ka nahay waa mid aan la aqbali karin. Dad aan waxba galabsan ayaa la dilayaa, carruur, haween iyo wixii la mid ah. Waa inay joogsataa,” ayuu intaa raaciyay.

Maxamuud Cali Yuusuf ayaa wareeggii toddobaad ee doorashada helay 33 cod, isagoo ahaa musharraxa keliya ee wareeggaas soo gaaray.

Raila ayaa wareeggii lixaad isaga haray doorashada, halka musharraxii ka socday dalka Madagascar ee Richard Randriamandrato uu isna goor horeba isaga baxay doorashada.

Sidee Kenya looga falceliyay doorashada looga guuleystay Raila?

Doorashada guddoonka Midawga Afrika ee shalay ka dhacday magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya ayaa aad loogala socday Kenya, iyadoo dadku ay siyaabo kala duwan uga falceliyeen.

Guul-darrada aan la fileyn ayaa sababtay falcelinno badan oo ka yimaada dadka Kenya, iyadoo muwaadiniinta iyo falanqeeyeyaasha siyaasadda ay miisaan saarayeen sababaha Raila looga guuleystay iyo waxa ay dalka uga dhigan tahay.

Raila Odinga ayaa loogu baaqay inuu dalka dib ugu soo laabto uuna diiradda saaro doorashada madaxtinnimada ee Kenya ka qabsoomi doonta sanadka 2027.

“Kenya ma aysan fahmin ololaha gobolka iyo sida uu u shaqeeyo. Gobolka ahaan, waa xiriirka dalalka ka dhaxeeya. Saaxiibtinnimo ma jirto.” Ayuu yiri mid ka mid ah falanqeeyeyaasha.

“Waan ku faraxsannahay in Odinga uu dalka kusoo laabanayo sababtoo ah Kenya dhibaatooyin badan ayaa yaalla, hoggaamiye fiican ayuuna ka noqon karaa dalka, ma ahan halkaas,” ayuu barta X kusoo qoray mid ka mid ah dhalinyarada.

{DAAWO MUUQAALKA} Waa kuma guddoomiyaha cusub ee Midowga Afrika?

0

Axad 16, Feb 2025 {HMC} Waa kuma guddoomiyaha cusub ee Midowga Afrika?

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

Waa kuma guddoomiyaha cusub ee Midowga Afrika?

0

Axad, 16 Feb 2025 {HMC} Waxaa maanta qabsoontay doorashada Guddoomiyaha Midawga Afrika, oo si weyn muddooyinkii danbe indhaha loogu hayey, taas oo uu ku guulaystay Maxamuud Cali Yuusuf oo ahaa wasiirkii Arrimaha Dibedda ee Jabbuuti

Tartankan ayaa ay wada galeen mudane Raile Odina oo Kenya ka socday iyo Richard Randriamandrato oo Madagascar ka socday.

Wareeggii koowaad oo hoggaanka Raila qabtay, waxaa lagala wareegay wareegggii labaad ee tartankaas. Xilli uu wareegggii saddexaad tartanka ka hadhay musharraxii ka socday Madagascar.

Halka Railla oo haystay 22 cod iyo Maxamed oo helay 26 uu wareeggii lixaad ee tartankaas uu ka hadhay mudane Raila Odinga.

Taas oo sahashay in wareeggii u danbeeyey uu keligii u tartamay musharrax Maxamed Cali Yusuf, isaga o ku guulaystay 33 cod.

Doorashadan ayaa looga baahnaa musharraxa guulaysanaya inuu helo laba meeloow saddex meelood afartan iyo lixda dal ee Afrika ee codaynaya.

Waxaana la aada toddoba wareeg mar kasta oo hore loo kala bixi waayo.

Raila Odinga ayayna ka dhigan tahay in uu mar kale doorashadii lixaad guuldarraysanayo. Taas ooh ore loo xasuusto in shan jeer oo hore waayey madaxtinnimada dalka Kenya oo uu u tartamay.

Mudane Maxamed ayaa baddalaya Moussa Faki Mahamat oo u dhashay Chad.

Dalalka qaaradda oo dhan ma ay ahayn kuwo codaynaya ee waxaa jira dalal aan ka qayb gali doonin codaynta.

Dalalkaas oo ah lix dal waxay kala yihiin Niger, Mali, Guinea, Gabon, Burkina Faso iyo Sudan, waxaana dalalkaas looga joojiyey inay codeeyaan sababo la xiriira afgambi iyo dagaallo sokeeye.

Xilka guddoomiye ku xigeenka waxaa u taagan Saalax Francis – Algeria, Selma Malika – Algeria, Maxamed Axmed Fatxi – Masar, Hanan Morsy – Masar, Najam M Elhajjaji – Libya, Latifa Akharbach – Morocco.

Waa kuma Guddoomiyaha cusub?

Maxamuud Cali Yuusuf oo 58-jir ah waxa uu wasiirka arimaha dibadda ka yahay dal yar oo istiraatiijiyad muhiim ah ugu fadhiya geeska Afrika, waxa uuna xilka wasiirka arimaha dibadda Jabuuti hayay tan iyo sannadkii 2005-tii

“Hadafkeyga ugu weyn haddii la i doorto waa inaan joojiyo shiishka” saaran qaaradda, ayuu u sheegay wakaaladda wararka ee AFP wareysi uu bixiyay bishii hore.

Waxa uu sheegay in guddiga uu u baahan yahay dib u habeyn, waxaana uu intaa ku daray in dib u habeyntaasi ay ka soo bilaabaneyso hoggaanka iyo mas’uuliyiinta sare.

Marka laga soo tago ilaalinta nabadda iyo amniga qaaradda, waxa uu sheegay in hamigiisu yahay in uu kobciyo horumarka dhaqaalaha iyo la tacaalidda isbeddelka cimilada.

Waxa uu ku faanayaa in uu ku hadli karo luqado kala duwan, waxaana uu aaminsan yahay in awooddan isgaarsiineed ay awood u siinayso in uu noqdo buundo isku xiri doonta woqooyiga iyo koonfurta, bari iyo galbeed.

Fallaagada M23 oo ku sii siqeysa magaalada labaad ee Bariga Congo.

0

Axad, 16 Feb 2025 {HMC} Kumannaan qof oo argagaxsan ayaa Sabtidi shalay ka cararay magaalada labaad ee ugu weyn bariga dalka Congo, kaddib marki ay malleeshiyada fallaagada M23 ku soo dhawaadeen aaggaasi.

Waddooyinka ka baxa magaalada Bukavu ayaa ciriiri noqday, kaddib marki qaar badan oo ka mid ah shacabka magaalada oo lagu qiyaasay 1.3 milyan ay soo food saartay cabsi ah in ay dhibaato kala kulmaan fallaagada M23, kuwaas oo xalay ku hoyday nawaaxiga magaalada Bakavu.

Xaaladda magaalada ayaa xalay u muuqatay mid xasilloon, kaddib marki ay ciidamada dowladda Congo isaga baxeen una jiheeysteen dhanka koofureed, sidaasi waxaa wakaaladda wararka ee AP u xaqiijiyay Alexis Bisimwa oo ka mid ah dadka deegaanka.

Ciidamada ayaa gubay bakhaarradi keydka hubka, taas oo la sheegay in ay sababtay dhimasho iyo dhaawac soo gaaray qaar ka mid ah rayidka oo ay waddooyinka guryahooda ugu tageen rasaas wiifto ah. Goob joogayaal ayaa iyaguna xaqiijiyay in ay jireen boob iyo bililaqo loo geystay goobo gancsi.

Isbahaysiga Kongo River Alliance, oo ay ku midaysan yihiin kooxaha fallaagada ah oo ay ku jirto M23, ayaa rabshadaha Bukavu ku eedeeyay, ciidamada dowladda Congo iyo malleeshiyooyinka xulufada la ah ee teegeerada ka hela Burundi.
Jabhadda M23 ayaa la sheegay in ay taageero milatari iyo mid dhaqaalaba ka hesho dowladda Rwanda. Rwanda waa ay beenisay warkaasi.

Dad badan oo ku dhimatay isbuurasho ka dhacday Hindiya.

0

Axad, 16 Feb 2025 {HMC} Ugu yaraan 15 qof ayaa ku dhintay 15 kalena way ku dhaawacmeen isbuurasho xalay fiidki ka dhacday bosteejo tareenka laga raaco oo ku taalla magaalada New Delhi ee caasimadda Hindiya.

Khasaaraha isbuurashada ayaa saakay oo Axad ah waxaa warbaahinta u xaqiijiyay, wasiiru-dowladaha caasimadda.

Shilkan ayaa dhacay abaaro siddeedii fiidnimo ee xalay waqtiga Delhi, kaddib marki ay is riixeen dad u socday magaalada Prayagraj, oo ay ka socoto munaasabad diineed oo ay leeyihiin dadka Hinduuga ah.

Dhimashada ayaa isugu jirta 10 haween ah iyo saddex caruur ah, sida ay sheegtay warbaahinta gudaha. Warbaahinta ayaa soo bandhigtay muuqaalo iyo sawirro tusinaya dad badan oo ku soo yaacaya maxaddada tareenka, iyadoo booliska iyo kooxaha gurmadka ay ku dadaalayeen sidii ay u yareyn lahaayeen ciriiriga.

Wasiirka ugu sareeya New Delhi, Atishi, ayaa qoraal uu soo dhigay barta X ku sheegay, in qaar badan oo ka mid ah dhibanayaasha ay ahaayeen dad u socday ziyaaro diimeed-ka Maha Kumbh oo ka mid ah caqiidooyinka dadka aaminsan diinta Hinduuga.

{DAAWO MUUQAALKA} Ukraine oo ka walaacsan wadahadalada Trump iyo Putin.

0

Axad 16, Feb 2025 {HMC} Ukraine oo ka walaacsan wadahadalada Trump iyo Putin.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

Taliyaha ciidamada Uganda oo ku hanjabay in uu weerari doono bariga Congo.

0

Sabti, 15 Feb 2025 {HMC}  Taliyaha ciidamada difaaca Uganda, General Muhoozi Kainerugaba, ayaa qoraal uu barta X ku daabacay Sabtida maanta ah ku sheegay in uu weerari doono magaalada Bunia ee bariga Congo, haddii aysan “dhammaan ciidamada” halkaasi ku sugan hubkooda kusoo dhiibin 24 saac gudahood.

Kainerugaba, oo lagu yaqaan hadallo kiciya xasarado siyaasadeed, ayaa sheegay in uu fasax ka helay aabihiis madaxweyne Yoweri Museveni. Afhayeen u hadlay ciidamada Uganda ayaa sheegay in uusan ka hadli karin arrintan.

Saacadihii hore ee maanta oo Sabti ah, Kainerugaba waxa uu sheegay, isagoo aan wax caddeyn ah bixin, in dadka ka soo jeeda qowmiyadda Bahima la dilayo.

“Dadkeyga, Bahima, waa la weeraray. Taasi waa xaalad aad halis ugu ah kuwa dadkeyga weeraraya. Ma jiro qof dhulkan jooga oo dadkeyga dili kara oo hadda u haysta in uusan ka shallaayi doonin,” ayuu yiri.

“Bunia waxa ay dhowaan soo geli doontaa gacanta UPDF,” ayuu ku yiri qoraal kale.

Hanjabaadda ka soo yeertay sarkaalka ugu sarreeya millatariga Uganda oo dad badan rumeysan yihiin in uu yahay ninka aabihiis baddalaya, ayaa xoojineysa cabsida laga qabo in isku dhaca dhexmaraya ciidamada Congo iyo fallaagada M23 ee Rwanda ay taageerto in uu isku bedelo dagaal ballaaran oo heer gobol ah.

Jimcihii, hoggaamiyaha M23 ayaa sheegay in fallaagada ay galeen Bukavu, oo ah magaalada labaad ee ugu weyn bariga Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo, ka dib markii ay dhammaadkii bishii hore qabsadeen Goma, oo ah magaalada ugu weyn bariga.

Wasiirka Isgaarsiinta Kongo Patrick Muyaya iyo afhayeenka ciidamada Kongo ayaan ka jawaabin codsiyo ku aadan in ay ka hadlaan hadalkan ka soo yeeray Kainerugaba.

Kainerugaba ayaa si joogta ah ugu qora baraha bulshada qoraallo kicin ah, oo ay ku jirto hanjabaad 2022-kii uu ku sheegay in uu ku duulayo dalka deriska ah ee Kenya.

Bishii hore ayuu sheegay in uu doonayo in uu qoorta ka gooyo hoggaamiyaha mucaaradka ugu caansan Uganda Bobi Wine. Markii dambe ayuu hanjabaaddaasi ka cudur daartay.

XIGASHO VOA

New African Union leader elected as two major crises rage.

0

Saturday 15, Feb 2025 {HMC} The leaders of Africa Union countries on Saturday chose a new chief for the branch that runs the organization’s daily operations, as conflicts persist in two of the largest three countries on the continent.

At their annual summit in Addis Ababa, Ethiopia, the organization’s members elected Djibouti Foreign Minister Mahmoud Ali Youssouf as the next chair of the African Union Commission in a secret ballot.

Youssouf, who celebrated his 60th birthday a week ago, defeated Kenya’s former Prime Minister Raila Odinga and former Foreign Minister of Madagascar Richard Randriamandrato. The selection took several rounds of voting.

Youssouf was a close second in the first and second rounds behind Raila. In the following four rounds, Youssouf took the lead until he became the sole candidate in the seventh round, with an unassailable 33 votes needed for victory in the final.

He replaces Moussa Faki Mahamat of Chad, who served two terms as AU commissioner.

Youssouf, who has been minister of foreign affairs of the Republic of Djibouti since 2005, is the longest-serving foreign minister on the continent.

All 55 member states, with the exception of six countries that were suspended from membership, are taking part in the summit. An Ethiopian Foreign Ministry source speaking on condition of anonymity because they were not authorized to speak on the matter told VOA’s Horn of Africa Service that 29 presidents, three vice presidents, four prime ministers and a king are in attendance.

New chief inherits crises

The election of the new chief comes as the conflict in Africa’s second-largest country, the Democratic Republic of Congo, escalates following recent territorial gains by M23 rebels.

The M23 forces approached the second-biggest city in eastern DRC, Bukavu, two weeks after seizing the main city of Goma. The DRC accuses Rwanda of backing the rebels, although Rwanda denies supporting M23.

The continent’s leaders called for an immediate and unconditional ceasefire, cessation of hostilities and the reopening of main supply routes and Goma airport.

Sudan is another major focal point of conflict that leaders are discussing. United Nations Secretary-General Antonio Guterres, who is at the summit, called on warring parties in Sudan to cease hostilities and protect civilians, including humanitarian workers.

Guterres appealed for $6 billion to address the needs of about 26 million Sudanese who need emergency assistance.

In an interview with VOA Horn of Africa last year, Youssouf vowed to work on “silencing the guns” on the continent.

“Silencing the gun, you know, preventing conflicts, resolving those wars and internal crises … that we are faced with already is one of the priorities,” he said.
“Of course, this is something that we need to work on, and I’ll make sure that the commission will concentrate on that particular program.”

Youssouf also said he will work to reform the organization, recruit the most qualified and skilled Africans, and make excellence, merit and competence the key principle.

“If you have a good staff at the commission, it will be much easier for all of us to implement the reforms that have already been enacted by our leaders,” he said.

Meanwhile, Angolan President Joao Manuel Goncalves Lourenco took the rotating African Union chairmanship, replacing Mauritanian President Mohamed Ould Cheikh Ghazouani.

SOURCE VOA

President Hassan Sheikh Congratulates New AU Commission Chair.

0

Saturday 15, Feb 2025 {HMC} On behalf of the people and government of the Federal Republic of Somalia, H.E. President Hassan Sheikh Mohamud congratulates H.E. Mahmoud Ali Youssouf on his election as Chairperson of the African Union Commission. Somalia looks forward to working closely with the new Chairperson to advance the shared goals of peace, security, and development across the continent.

The President also extends his gratitude to the outgoing Chairperson, H.E. Moussa Faki Mahamat, for his dedicated leadership and service to Africa. Somalia reaffirms its unwavering support for the African Union, recognizing its vital role in promoting unity, stability, and progress for the people of Africa.

“Congratulations to H.E. Mahmoud Ali Youssouf on his election as Chairperson of the AU Commission and thanks H.E. Moussa Faki for his exemplary leadership. We recognise H.E. Raila Odinga for his dedication to regional cooperation. Somalia stands with the AU for a united and prosperous Africa,” President Mohamud said.