Home Blog Page 1244

{DAAWO MUUQAALKA} Culimada Puntland oo ku Baaqay in lala dagaalamo Kooxda Daacish.

0

Isniin, 10 Feb 2025{HMC} Culimada Puntland oo ku Baaqay in lala dagaalamo Kooxda Daacish.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

Madaxwayne Deni oo shir gudoomiyay Kulan ka dhan ahaa kooxda Daacish.

0

Isniin 10-02-2025 {HMC} Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Shir-guddoomiyay Kulan ay yeesheen labada Gole ee maanulka Puntland oo ku saabsan hawlgalka argagixisada Daacish looga sifeynayo Puntland ee ka socda buuralayda Calmiskaad.

Kulanka ayaa lagu boggaadiyey guulaha laga gaaray hawlgalka wejiga koowaad iyo bilowga wejiga labaad, waxaana laga tacsiyeeyay Ciidanka Geesiyaasha ah ee ku shahiiday intu hawlgalka socday, Iyadoo inta dhaawacantayna loo rajeeyay caafimaad iyo soo kabasho degdeg ah.

Madaxweynaha ayaa warbixin ka dhegaystay Guddiyada ka shaqeenayey hawlgalka iyadoo qorshuhu yahay dhakhso in lagu soo afjaro inta yar ee firxadka ah ee ka hartay Argagixisada Daacish, Madaxweynaha ayaa boggaadiyay sida goor horeba shacabkeenu u muujiyeen isku duubni iyo garab istaag Ciidan, isagoo muujiyey in ay tahay wax loo baahanyahay in dadka reer Puntland Dowladd iyo Shacaba qof walbo xil gaar ah iska saaro halganka lagu jiro, “qofna yuu qof ku haleyn” wixii la xiriira sifeynta Argagixisada.

Kulanka waxaa ka qeybgalay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland Mudane Cabdirisaaq Axmed Saciid iyo Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Wakiillada Puntland Mudane Maxamed Baari Shire, Xildhibaan Baarlamaanka Soomaaliya Gen. Bashiir Ameerico, xubnaha Goleyaasha Dowladda ee ku sugan Boosaaso, Guddiga taakuleynta hawlgalka, Saraakiisha Amniga, Guddoomiyaha Gobolka Bari, Guddomiyaha Gobolka Nugaal, Guddoomiyaha Degmada Boosaaso, la taliyeyaal Madaxweyne iyo xubno kale .

Dowladda Soomaaliya oo war ka soo saartay qorshaha reer Gaza loogu soo rarayo Soomaaliya.

0

Isniin 10-02-2025 {HMC} Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa si cad u sheegtay inaysan qayb ka noqon doonin qorshe kasta oo lagu barakicinayo shacabka Falastiin ee ka soo jeeda Gaza, kadib markii warbaahinta Israa’iil iyo UK ay soo tebiyeen warar sheegaya in gobollo gooni u goostay iyo kuwa ismaamula ee Soomaaliya ay qaabili karaan dadka reer Gaza.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa dhowaan ku dhawaaqay qorshe si weyn loo cambaareeyay oo Mareykanku ku qabsanayo una dib u dhisayo Gaza, isagoo qorsheynaya in dadka deegaanka laga saaro laguna beddelo “guryo cusub oo casri ah” oo ku yaalla gobolka.

Hase yeeshee, Caasimada Online ayaa ilo ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya oo sheegay in Soomaaliya aysan qayb ka noqon doonin “siyasadaha barakicinta ee Mareykanku u qorsheeyay Falastiiniyiinta.”

Soomaaliya oo diiday qorshaha Gaza
Bayaan ay goor dambe soo saartay wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya waxay taageero buuxda u muujisay xaqa sharciga ah ee shacabka Falastiin, iyagoo leh “xaq buuxa oo ay ugu dhisan karaan dowlad madax-bannaan oo caasimaddeedu tahay Bariga Qudus,” sida ku cad go’aannada sharciga caalamiga ah.

Soomaaliya ayaa si adag uga soo horjeesatay qorshe kasta oo lagu doonayo in dadka Falastiiniyiinta lagu barakiciyo xoog, iyadoo sheegtay in “tallaabooyinka noocaas ah ay yihiin ku xadgudub ba’an oo ka dhan ah sharciga bini’aadantinimo ee caalamiga ah, islamarkaana wiiqaya dadaallada lagu doonayo nabad waarta.”

Somaliland waa gobol waqooyiga Soomaaliya ku yaalla oo ku dhawaaqay madax-bannaani sanadkii 1991, balse ilaa hadda aan si rasmi ah loo aqoonsan. Puntland waa gobol ismaamul ah oo sidoo kale ku yaalla waqooyiga Soomaaliya, kana soo horjeeda siyaasadaha dawladda federaalka. Wuxuu sanadkii hore xiriirka wada-shaqeyn u jaray dowladda federaalka.

Khamiistii la soo dhaafay, wargeyska Daily Telegraph ee UK ayaa soo xigtay danjiraha Israa’iil u fadhiya Pacific Southwest, Israel Bachar, oo sheegay in Falastiiniyiinta Gaza lagu wareejin karo Puntland, Somaliland, iyo sidoo kale Marocco.

Wuxuu sidoo kale soo xigtay Yacob Mohamed Abdalla, wasiir ku xigeenka warfaafinta Puntland, oo sheegay in gobolka uu diyaar u yahay inuu soo dhaweeyo qaxootiga Gaza haddii ay si ikhtiyaari ah u yimaadaan.

Afhayeen hore oo u hadlay maamulka Puntland, Cabdullahi Maxamed Jaha, ayaa la sheegay inuu ku soo qoray bartiisa Facebook in dadka Gaza ay wadaagaan diinta Islaamka reer Puntland, isla markaana ay gacan ka geysan doonaan “casriyeynta iyo horumarinta” gobolkaas saboolka ah.

Cabdullaahi ayaa intaas ku daray in Puntland ay heli doonto fursado “ammaan iyo horumar dhaqaale” haddii ay qaabilaan dadka Gaza, sida uu sheegay wargeyska Telegraph.

Dhinaca kale, Abdirahman Keelo, oo ah cilmi-baare dhanka sharciga ka tirsan Puntland, ayaa u sheegay Caasimada Online in sheegashooyinkan ay yihiin “riyo maalmeed,” marka loo eego xaaladda dhabta ah ee ka jirta gobolka, oo wajahaya faqriga iyo horumar la’aanta baahsan.

“Tani waa fikir aan macquul ahayn iyo aragti waalan,” ayuu yiri Keelo, isagoo intaas ku daray in “barakicinta qasabka ah ay mamnuuc ka tahay sharciga bini’aadannimada caalamiga ah, sidoo kalena ay cadahay in maamulka Mareykanka uu ka sii fogaanayo caqliga intii uu Trump xilka hayay, iyadoo hadalladiisu ay is burinayaan.”

“Ma gaari karno gabagabo macquul ah oo ku saleysan hadalladiisa, xitaa haddii ay ka soo baxaan isaga,” ayuu Keelo hadalkiisa ku daray.

Puntland oo iska fogeysay hadallada Yacquub
Goor dambe, war-saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda warfaafinta Puntland ayaa waxa ay Puntland isaga fogeysay hadallada Yacquub Maxamed Cabdalla.

Wasaaradda warfaafinta ayaa qoraalka ay soo saartay ku sheegtay in hadalkaasi aanu ka tarjumeynin Puntland, isla markaana uu keli ku yahay wasiirka sheegay, iyada oo sheegtay inay tahay aragtidiisa shaqsiyadeed.

Sidoo kale waxa ay wasaaraddu intaasi kusii dartay inay ixtiraameyso xuquuqda ay reer Falastiin u leeyihiin inay si nabad ah ugu noolaadaan dhulkooda.

“Puntland waxay ixtiraamaysaa xuquuqda reer Falastiin u leyihiin inay si nabad ah ugu noolaadaan dalkooda, Faaladii Wasiir kuxigeenka Warfaafinta kama turjumayn aragtidada Dawlada Puntland waxay ahayd oo keliya aragtidiisa shaqsi oo keliya,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

Wadahadallada ku saabsan barakicinta dadka Gaza ee loo wareejinayo gobollo ka tirsan Soomaaliya iyo Marocco ayaa billowday kadib markii Masar iyo Urdun si adag uga soo horjeesteen qorshaha Donald Trump.

Dagaalka Israa’iil ee 15 bilood ka socday Marinka Gaza ayaa si weyn u burburiyay deegaankaas, iyadoo ugu yaraan 61,707 qof lagu dilay, sida lagu sheegay tirokoob cusub oo ay soo saartay Wasaaradda Caafimaadka ee Gaza.

Congo oo maxkamadeyneysa askar kasoo carartay furimaha dagaalka.

0

Isniin 10-02-2025 {HMC} Xafiiska dacwad-oogista maxkamadda ciidanka qalabka sida ee Congo ayaa Axaddii shalay sheegay, in maanta oo Isniin ah maxkamad lasoo taagayo ilaa 75 askari oo lagu eedeeyay in ay kasoo carareen dagaalka gobollada bari ee dalkaasi.

Askartan ayaa lagu eedeeyay in ay isaga soo baxeen furimaha hore wax yar ka hor inta aysan fallaagada M23 la wareegin gacan ku heynta deegaanno dhowr ah oo ku yaalla gobolka macdanta hodonka ka ah ee Kivu ee bariga Congo.

75-ka askari ee wajahaya maxkamadeynta ayaa la xiray iyaga oo ka cararay jiida hore ee dagaalka, kadib qabsashadi deegaanka Nyabibwe. Waxaa lagu eedeeyay kufsi, dil, bililiqo iyo kacdoon, xafiiska dacwad oogaha militariga ayaa u sheegay Reuters.

Qaramada Midoobay ayaa ku warrantay in magaalada Goma ee caasimadda Kivu ay ka dhaceen gaboodfallo dhowr ah oo ay ku jiraan, dil wadareed, kufsi wadareed, addoonsi galmo iyo xad-gudubyo kale oo ka dhan ah aadanaha, kuwaas oo ay ka dhacay gobolka Kivu, gaar ahaan Goma.

Dagaalyahannada M23, ciidanka dowladda Congo iyo malleeshiyaadka tagaeersan dowladda, ayaa dhammaantood lug ku lahaa gaboodfallada, sida uu sheegay xafiiska xuquuqda aadanaha ee Qaramada Midoobay.

Trump oo maanta ku dhawaaqayo canshuur-kordhinta biraha iyo jaandiga

0

Isniin 10-02-2025 {HMC} Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa Axaddii shalay sheegay, in Isniinta maanta ah uu ku dhawaaqi doono canshuur kordhin gaareysa 25%, taas oo uu dul saari doono biraha iyo jaandiga loo soo dhoofiyo Mareykanka.

Trump oo saxafiyiinta kula hadlayay diyaaradda ay raacaan madaxweynayaasha Mareykanka ee Air Force One, ayaa sidoo kale sheegay in uu ku dhawaaqi doono canshuuraha isdhaafsiga ah Talaadada ama Arbacada, si ay u dhaqan galaan ku dhawaad isla markiiba.

Trump, ayaa muddo xileedkiisii koowaad sidaan oo kale boqolkiiba 25 oo canshuur ah saaray biraha halka 10% u uku kordhiyay tacriifta jaandiga ama aluuminiyamta, hase yeeshee marki danbe ka khafiifiyay biraha iyo aluminiyamta ay soo dhoofiyaan Canada, Mexico iyo Brazil.

Trump ayaa Jimcihi ku dhawaaqay in uu sare u qaadi doono canshuurta is dhaafsiga, taas oo kor u qaadi doonto xaddiga tacriifta Mareykanka si ay ula simmaan dhinacyada ay ganacsatada Mareykanka wax is weydaartaan. Todobaadkan ayaa la filayaa in taasi ay billaabato.

Ma uusan magac-dhabin dalalka uu ku billaabi doono canshuur kordhintan.

{DAAWO MUUQAALKA} Ciidamada Millatariga Suudaan oo Qarka u saaran ineey la wareegaan Gacan ku haaynta Caasimada.

0

Isniin, 10 Feb 2025{HMC} Ciidamada Millatariga Suudaan oo Qarka u saaran ineey la wareegaan Gacan ku haaynta Caasimada.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Qiimo intee la eg ayaa lagu iibsaday Kabaha Ciyaariyahan hore.?

0

Isniin, 10 Feb 2025{HMC} Qiimo intee la eg ayaa lagu iibsaday Kabaha Ciyaariyahan hore.?

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Maxay tahay sababta mareeykanka shaqada uu uga joojiyey Xaruntii Gargaarka.?

0

Isniin, 10 Feb 2025{HMC} Maxay tahay sababta mareeykanka shaqada uu uga joojiyey Xaruntii Gargaarka.?

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {09.02.2025}

Axad 09-02-2025 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdiqani Osoble

Farsamadii ::Mohamed Baryare Haamud

HOOS KA DHAGEYSO WARKA HABEENIMO

{DAAWO MUUQAALKA} Kulan loogu tacsiyeynayay AUN ciyaar yahan hore C/qaadir oo lagu qabtay Muqdisho.

0

Axad, 09 Feb 2025{HMC}  Kulan loogu tacsiyeynayay AUN ciyaar yahan hore C/qaadir oo lagu qabtay Muqdisho.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA