Home Blog Page 129

Somalia–South Africa: Bilateral Talks in Pretoria.

0

Tuesday 3 Feb 2026 {HMC} H.E. Abdisalam Ali , Minister of Foreign Affairs and International Cooperation of the Federal Republic of Somalia, today held bilateral talks in Pretoria with H.E. Mr. Ronald Lamola, Minister of International Relations and Cooperation of the Republic of South Africa, aimed at further strengthening Somalia–South Africa relations and advancing practical cooperation.

The ministers discussed expanding collaboration in trade, education, health, human capital development, and agriculture, with a focus on follow-up actions that deliver tangible results for both peoples.

The Somali Foreign Minister also expressed Somalia’s appreciation for South Africa’s principled support for Somalia’s sovereignty, unity, and security.

Both sides reaffirmed their commitment to continued coordination in regional and international forums on shared priorities, including peace, stability, and development.

The meeting was attended by H.E. Ambassador Mohamed Sheikh Isxaaq, Somalia’s Ambassador to South Africa.

DFS oo nasiib darro ku tilmaamtay dib u dhaca ku yimid safarka Maamulada Puntland iyo Jubbaland.

0

Talaado 3 Feb 2026 {HMC} Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa mar kale ku celisay in weli ay fidsan tahay gogosha loogu baaqay Maamulada Jubbaland iyo Puntland oo qeyb ka ah Golaha Mustaqbalka.

Dowladda waxaa ay nasiib darro ku tilmaamtay dib u dhaca ku yimid safarka Maamulada Puntland iyo Jubbaland.

HOOS KA AKHRISO WAR-SAXAAFADEEDKA 

RW Xamsa oo xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ballaaran oo ka socday Hay’adda Horumarinta iyo Iskaashiga Switzerland.

0

Talaado 3 Feb 2026 {HMC} Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ballaaran oo ka socday Hay’adda Horumarinta iyo Iskaashiga Switzerland oo ay hoggaaminayso Agaasimaha Guud ee Hay’adda , Danjire Patricia Danzi, kuwaas oo maanta soo gaaray caasimadda Muqdisho.

Kulanka ayaa looga hadlay xoojinta iskaashiga dhow ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Switzerland, gaar ahaan dhinacyada maamul wanaagga, dhismaha hay’adaha dowliga ah iyo gargaarka bani’aadannimo, maadaama ay dalka ka jiraan abaaro saameyn ku yeeshay nolosha dadka iyo duunyada.

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa uga mahadceliyay dowladda Switzerland taageerada joogtada ah, gaar ahaan mashaariicda horumarinta dhaqaalaha, isaga oo xusay in doorka Switzerland uu yahay mid muhiim u ah dhismaha hay’adaha dowliga ah iyo isbeddelka cimilada.

Dhankooda Wafdiga oo Ra’iisul Wasaaraha uga mahadceliyay qaabilaadda, ayaa xaqiijiyay sida ay uga go’an tahay sii wadista taageerada Switzerland iyo ballaarinta mashaariicda horumarineed, si loo xoojiyo iskaashiga muhiimka u ah labada dal.

Maxeey ka wada Hadlayaan Soomaliya iyo Koonfur Afrika.?

0

Talaado 3 Feb 2026 {HMC} Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Abdisalam Ali ayaa maanta magaalada Pretoria kulan wadahadal laba-geesood ah kula yeeshay Wasiirka Xiriirka Caalamiga ah iyo Iskaashiga Jamhuuriyadda Koonfur Afrika, Mudane Ronald Lamola.

Kulankaasi waxa uu diiradda saaray xoojinta xiriirka taariikhiga ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Koonfur Afrika iyo horumarinta iskaashi wax ku ool ah oo dhinacyo badan leh.

Labada wasiir ayaa ka wada hadlay ballaarinta iskaashiga dhinacyada ganacsiga, waxbarashada, caafimaadka, horumarinta awoodda aadanaha, iyo beeraha, iyagoo si gaar ah u adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la hirgeliyo tallaabooyin wax ku ool ah oo keena natiijooyin la taaban karo oo ay ka faa’iideystaan labada shacab.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya ayaa uga mahadceliyay Dowladda Koonfur Afrika taageerada mabda’a ku dhisan ee ay si joogto ah ugu muujiso madax-bannaanida, midnimada, iyo amniga Soomaaliya.

Sidoo kale, labada dhinac ayaa mar kale adkeeyay sida ay uga go’an tahay sii wadidda wada-shaqeynta iyo is-waafajinta mowqifyada ay ka wadaagaan fagaarayaasha goboleed iyo kuwa caalami ah, gaar ahaan arrimaha la xiriira nabadda, xasilloonida, iyo horumarka waara.

Kulanka sidoo kale waxaa goob joog ka ahaa Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Jamhuuriyadda Koonfur Afrika, Mudane Ambassador Maxamed Sheekh Isxaaq.

{DAAWO SAWIRADA} Midowga Yurub oo agab milatari Ku wareejiyey Dowladda Soomaaliya.

0

Talaado 3 Feb 2026 {HMC} Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, oo uu wehliyo Taliyahii hore Ciidanka Xoogga Dalka, Sareeye Gaas Odowaa Yuusuf Raage, ayaa maanta kulan la yeeshay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya, Danjire Francesca Di Mauro.

Intii uu kulanku socday, Wasiirka waxaa lala wadaagay warbixin ku saabsan adeegyada caafimaadka, taageerada farsamo iyo tan agab ee Midowga Yurub uu ku taageero Ciidanka Xoogga Dalka, kuwaas oo qayb ka ah dadaallada lagu xoojinayo awoodda iyo diyaar-garowga ciidamada.

Kulankan ayaa ku soo beegmay munaasabadda wareejinta agab, gaadiid iyo dhammaystirka mashaariic, kuwaas oo ay ka mid yihiin dhismaha Xarunta Dhexe ee War-isgaarsiinta ee Villa Baydhabo iyo dhismaha Cisbitaalka Qaybta 27-aad ee CXDS ee magaalada Buulo Burde.

Wasiir Axmed Macallin Fiqi ayaa uga mahadceliyay Midowga Yurub taageerada kala duwan ee ay la garab taagan yihiin Ciidanka Xoogga Dalka, isagoo xusay in mashaariicdan iyo agabkan ay door muhiim ah ka qaadan doonaan casriyeynta iyo horumarinta difaaca dalka.

Kulanka waxaa sidoo kale goob-joog ka ahaa Taliyaha Xarunta Hawlgallada Wadajirka ah, Sareeye Gaas Maxamed Bariise, Madaxa Hoggaanka War-isgaarsiinta iyo Tiknoolojiyadda XDS, Madaxa Hoggaanka Ciidanka XDS, Madaxa Hoggaanka Qorsheynta & Istaraatiijiyadda Ciidanka, iyo wakiillo ka socday Hawlgalka Tababarka Midowga Yurub ee Soomaaliya iyo Xafiiska Qaramada Midoobay ee Adeegyada Mashaariicda.

{DAAWO MUUQAALKA} Wararka Ugu waa weeyn Soomaaliya iyo Caalamka 03-02-2026.

0

Isniin 3  Feb 2026 {HMC}   Wararka Ugu waa weeyn Soomaaliya iyo Caalamka 03-02-2026.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA

{DAAWO MUUQAALKA} Garoonka diyaaradaha caasimadda Suudaan oo dib loo furay kadib markii laga Adkaaday RSF.

0

Isniin 3  Feb 2026 {HMC}  Garoonka diyaaradaha caasimadda Suudaan oo dib loo furay kadib markii laga Adkaaday RSF.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA

{DAAWO MUUQAALKA} Golaha Mustaqbalka oo Dacwo ka dhan ah Madaxda Dowladda u gudbinaya Beesha Caalamka.

0

Isniin 3  Feb 2026 {HMC}  Golaha Mustaqbalka oo Dacwo ka dhan ah Madaxda Dowladda u gudbinaya Beesha Caalamka.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA

{DAAWO MUUQAALKA} Shacabka Gaalkacyo oo Shaki galiyey Toogashadii saakay dhacday.

0

Isniin 3  Feb 2026 {HMC} Shacabka Gaalkacyo oo Shaki galiyey Toogashadii saakay dhacday.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA

{DAAWO MUUQAALKA} Itoobiya oo Beenisay War kasoo Baxay Mareeykanka.

0

Isniin 3  Feb 2026 {HMC} Itoobiya oo Beenisay War kasoo Baxay Mareeykanka..

HOOS KA DAAWO MUQAALKA