Jimco 17, Jan 2025 {HMC} Puntland oo ka jawaabtay Hadalkii Dowladda ee Howlgalada ka socda Buuraha Calmiskaad.
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA.
Jimco 17, Jan 2025 {HMC} Puntland oo ka jawaabtay Hadalkii Dowladda ee Howlgalada ka socda Buuraha Calmiskaad.
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA.
Jimco 17, Jan 2025 {HMC} Kooxdii qabsatay markabkii laga lahaa Shiinaha oo iska fogeeyay inay yihiin Burcad badeed.
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA.
Jimco 17, Jan 2025 {HMC} Puntland oo Soo Bandhigtay Aqoonsiga Sacuudiyan ka tirsanaa Daacish
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA.
Jimco 17, Jan 2025 {HMC} 73 Falastiiniyiin ah ayaa ku dhintay duqeymaha ay Israa’iil ka geysatay Qaza, tan iyo markii la gaaray hshiiska xabbad joojinta ah.
Heshiiska xabbad joojinta ee ay wada gaareen Israa’iil iyo Xamaas ayaa lagu wadaa inuu dhaqan galo maalinta Axadda ah ee taariikhdu ku beegan tahay 11-ka Janaayo, iyadoo weli ay sii socdaan weerarada Israel ka geysaneyso Qaza.
Heshiiska xabad joojinta ee ay gaareen labada dhinac waa in uu ogolaansho ka helo golaha dhanka Israel, sida la sheegay.
Hay’adda Difaaca Rayidka ee Xamaas ay maamusho ayaa ku dhawaaqday in 73 falastiiniyiin ah lagu dilay weerarrada Israel ay qaaday ka dib markii lagu dhawaaqay xabbad joojinta Arbacadii, oo taariikhdu ahayd Janaayo 7 deedii, 2017 kii.
Wasaaradda caafimaadka ee Gaza ayaa sheegtay in dadku dhintay ay ku jiraan12 qof oo ka mid ah dadka deggan dhismo ku yaalla xaafadda Sheekh Radwan ee magaalada Gaza.
Ciidamada difaaca Israa’iil ayaa markii hore ku dhawaaqay in ay “gantaal la soo riday” ku arkeen koonfurta Israa’iil, balse markii dambe waxay sheegeen in taasina khalad ahayd.
Israa’iil ayaa sii waday duqeymaha cirka xitaa iyadoo heshiiska xabad joojinta la sheegay inuu gaaray meeshii ugu sareysay.
Qasa oo kaliya kuma eka ee sidoo kale Lubnaan, saacado yar ka hor inta aan la gaarin heshiis xabad joojin ah, Israa’iil waxay duqeymo culus ka geysatay caasimadda Beirut.
Ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa la filayaa inuu baarlamaanka ku ansixiyo heshiis xabbad-joojin ah oo Gaza laga gaaray Khamiista, laakiin xafiiskiisa ayaa ku eedeeyay Xamaas inay ” jabisay” qaybo ka mid ah heshiiska, taasoo keentay “xasaasiyad daqiiqaddii ugu dambeysay.”
Xafiiskiisa ayaa intaa ku daray in golaha wasiirada aysan shir yeelan doonin ilaa ay Xamaas si buuxda u aqbaleyso heshiiska.
Sarkaal sare oo ka tirsan Xamaas ayaa sheegay in Xamaas ay ka go’an tahay heshiiska ay ku dhawaaqeen dhexdhexaadiyeyaasha, waxaana madaxa wafdiga Khaliil Al-Xaya uu si rasmi ah ugu wargeliyay Qatar iyo Masar inay si buuxda u aqbaleen qodobbada heshiiska.
Laba wasiir oo ka tirsan garabka midig ee Israel, oo kala ah wasiirka maaliyadda Bezalel Smotrich iyo wasiirka amniga qaranka Itamar Ben-Givir, ayaa in badan ku hanjabay inay ka baxayaan xukuumadda isbahaysiga ah haddii heshiis xabad joojin ah la gaaro.
Marka laga reebo in ay fureyso albaabka doorasho cusub oo Israa’iil ka dhacda, is-casilaadda wasiirradu kama hor istaagayso Netanyahu inuu fuliyo heshiiska xabbad joojinta haddii uu rabo, sida ay qabaan dadka wax odorosa.
Ra’iisul wasaaraha Qatar oo qayb ka ahaa dhexdhexaadinta lagu gaaray heshiiska xabbad joojinta ayaa ugu baaqay labada dhinac in ay is dajiyaan ka hor inta uu bilaabanayo heshiiska lixda weji ah.
Wajiga koowaad ee heshiiska xabbad joojinta, ayaa lagu sii dayn doonaa 33 maxaabiis Israa’iiliyiin ah oo ay ku jiraan haween, carruur iyo waayeel.
Taas beddelkeeda, Israa’iil waxay sii deyn doontaa maxaabiista Falastiiniyiinta.
Waxaa lagu dhawaaqay in ciidamada Israa’iil ay ka bixi doonaan bariga marinka Gaza, dadka barakacayna loo ogolaan doono in ay guryahooda ku laabtaan.
Boqolaal baabuurta gargaarka ah ayaa sidoo kale loo ogol yahay inay galaan marinka Qaza maalin kasta.
Jimco 17, Jan 2025 {HMC} Maxay tahay Sababta Dadka Reer Somaliland u jeclaadeen Madaxweyne Trum.?
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA.
Jimco 17, Jan 2025 {HMC} Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa xalay khudbad sagootin ah ka jeediyay Aqalka Cad, isagoo ka digay khatarta ka imanaysa isku darka awoodda siyaasadeed iyo hantida dhaqaale. Khudbaddaasi waxay soo afjartay tobanaankii sano ee uu ku jiray siyaasadda iyo afar sano oo uu Madaxweyne ka ahaa Mareykanka.
Biden ayaa ka hadlay in isku-darka awoodda iyo hantida ay keeni karto khataro xagga dimoqraadiyadda iyo hufnaanta maamulka, wuxuuna sheegay in cadaalad darrada iyo musuqmaasuqa ay halis ku yihiin nidaamka dowladda.
Madaxweyne Biden ayaa sidoo kale xusay in inuu beddeli doono Madaxweynaha soo socda, Donald Trump, kaas oo lagu caleema saari doono Isniinta. Khudbadda ayaa sidoo kale muujisay qaddiyadda siyaasadeed ee dalka iyo muhiimadda in la ilaaliyo hufnaanta iyo xorriyada muwaadiniinta.
Biden wuxuu mahadcelin u jeediyay shacabka Mareykanka ee taageeray, isagoo muujiyay rajada uu ka qabo in dalka uu sii wadi doono horumarka iyo dimoqraadiyadda.
Jimco 17, Jan 2025 {HMC} Dowladda Qadar Maxay Dalbatay Kadib Hishiiskii Israa’iil iyo Xamaas.?
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA.
Jimco 17, Jan 2025 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn
Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Molim Muse
Farsamadii ::Mohamed Baryare Haamud
Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdiqani Abdullahi Abdi Osoble
Farsamadii ::Abdirahman Macalin Muse
Khamiis 16, Jan 2025 {HMC} Maxay tahay Duruufta ay ku shaqeeyaan Garsoorka Dowlad goboleedyadda Dalka ?