Home Blog Page 1377

{DAAWO MUUQAALKA} Dorashada qof iyo codka ah ayaa u diyaar sanahay Qaar kamid ah Shacabka Gubadley

0

Sabti 11, Jan 2025 {HMC} Dorashada qof iyo codka ah ayaa u diyaar sanahay Qaar kamid ah Shacabka Gubadley

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA.

{DAAWO MUUQAALKA} FAAH FAAHIN”Labo Nin Oo Hooyadood Dilay kadibna si Qarsoodi ah ku aasay.

0

Sabti 11, Jan 2025 {HMC} FAAH FAAHIN”Labo Nin Oo Hooyadood Dilay kadibna si Qarsoodi ah ku aasay.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA.

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweynaha Soomaaliya oo ku wajahan Itoobiya.

0

Sabti 11, Jan 2025 {HMC} Madaxweynaha Soomaaliya oo ku wajahan Itoobiya.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA.

{DAAWO MUUQAALKA} Ciidamada Puntland oo burburiyay 5 saldhig oo ay lahaayeen Daacish

0

Sabti 11, Jan 2025 {HMC} Ciidamada Puntland oo burburiyay 5 saldhig oo ay lahaayeen Daacish

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA.

{DAAWO MUUQAALKA} Masar, Soomaaliya iyo Ereteriya oo Manta shir uga Furmayo Qaahira.

0

Sabti 11, Jan 2025 {HMC} Masar, Soomaaliya iyo Ereteriya oo Manta shir uga Furmayo Qaahira.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA.

{DAAWO MUUQAALKA} Waraabe dad ku cunay deegaanka Dhagaxyo Caddo ee deegaanka Soomaalida

0

Sabti 11, Jan 2025 {HMC} Waraabe dad ku cunay deegaanka Dhagaxyo Caddo ee deegaanka Soomaalida

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA.

{DHAGEYSO} Warka Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {11.01.2025}

Sabti 11, Jan 2025 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo ::Yaasiin Ali Ahmed

Farsamadii ::Mohamed Baryare Haamud

HOOS KA DHAGEYSO WARKA SUBAXNIMO

Ruushka oo dejiyay istaraatiijiyad uu rabo in uu ku ballaariyo saameyntiisa afrika

Sabti 11, Jan 2025 {HMC} Ruushka wuxuu dib usoo nooleynaya istiraatijiyadii u suragelisay midowgii Soofiyeeti, markii ay isku ballaarinayeen caalamka, kaddib markii la arkay inay Moscow door siinayso ardaydii Afrikanka ee deeqaha waxbarasho ka helay Ruushka , kuwaasoo hadda gacan ka siinaya inuu Ruushka isku ballaariyo Afrika.

Moscow , waxay taageero diblomaasiyadeed iyo dhaqaalo siinaysa ardayda wax ka bartay gudaha Ruushka ee Afrika , si ay u noqdaan buundada isku xiraysa Ruushka iyo Afrika, xilli mar horaba uu Ruushka awooday inuu helo dareenka waqooyiga Afrika oo iska cayriyay Faransiiska oo ay ku soo dhaweeyeen saldhigyada uu ka baxay Ruushka.

Mid ka mid ah ujeeddooyinka dalalka ay u baraan luuqadooda, sidoo kalena ay u bixiyaan deeqaha waxbarashada waa mid lagu gaarayo mustaqbalka ama waqti dhow in shaqsiyaadka ka faa’iideysanaya deeqaha waxbarasho ay door ku yeeshaan sidii ay u fududeyn lahaayeen danaha dalalkooda iyo dalka ay sida bilaasha ah wax uga soo barteen.

Dowladda Ruushka ayaana qorsheeneysa in ay kordhiso saaneynta ay ku yeelaneyso waddano hor leh oo kuyaalla Qaarada Afrika, waxa ayna hadda diyaarinayaan dhallinyaro ay la rabaan in mustaqbalka in ay la wareegaan hoggaanka dalalkooda, si rabitaankooda u fuliyaan dhallinyaradaasi.

Madaxweyne Xasan Sheikh oo safarkii ugu horreeyay sanad kaddib ku tago Addis Ababa.

Sabti 11, Jan 2025 {HMC} Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa lagu wadaa inuu maanta u ambabaxo magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, halkaas oo uu ka furmi doono wadahadallo u dhexeeya labada dal.

Wadahadalladan ayaa la filayaa inay diiradda saaraan xoojinta xiriirka Soomaaliya iyo Itoobiya, oo saldhig u ah nabadda iyo horumarka gobolka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la kulmi doona Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Dr. Abiy Axmed, si ay uga wada hadlaan dhowr ajande muhiim ah, oo ay ka mid yihiin Dardargelinta Heshiiskii Ankara, iyo doorka ka qeyb galka Itoobiya ee howlgalka cusub ee nabad ilaalinta Soomaaliya.

Markii ugu dambeysay oo madaxweyne Xasan Sheikh uu tagi Addis Ababa waxay ahayd 17-kii bishii labaad ee sannadkii hore, markaas oo ciidamada Itoobiya ay isku dayeen in ay ka hor istaagaan ka qeybgalka shirka Midowga Afrika oo ka socday halkaas.

Madaxweyne Xasan Sheikh oo ka qeyb galayay shir madaxeedka 37-aad ee Midowga Afrika ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada ammaanka Itoobiya ay isku dayeen in ay ka hor istaagaan inuu ka dhoofo hotelka uu ka degenaa magaalada Addis Ababa, taasoo ku qasabtay inuu raaco kolanyada madaxweynaha Jabuuti.

Labada dal ayaa xilligaas is adag isugu hayay heshiiska arrimaha badda ee ay Itoobiya la gashay Somaliland, kaasoo dowladda Soomaaliya ay si weyn uga carootay, keenayna inuu xiriirka labada dal aad u xumaado.

Somaaliland oo ka hadashay wadahadalada ay la galayso soomaaliya.

Sabti 11, Jan 2025 {HMC} Guddoomiyaha xisbiga Waddani ee Somaliland, Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa si cad u beeniyay warar sheegaya inuu si qarsoodi ah ula kulmay madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, intii uu ku sugnaa booqasho dhowaan uu ku tagay Jabuuti.

Hirsi ayaa ku tilmaamay eedahan kuwo aan sal iyo raad lahayn, isagoo ku adkeystay in xisbigiisu ka go’an tahay hoggaamin hufan oo cad.

“Ma jirto kulan aan la yeeshay madaxweyne Xasan Sheekh intii aan ku sugnaa Jabuuti,” ayuu yiri. “Haddii ay jiri lahayd wax wadaxaajood ah, waxay noqon lahaayeen kuwo waafaqsan siyaasadda xisbiga oo si furan loo qaban lahaa. Xisbigayagu uma shaqeeyo hab qarsoodi ah.”

Wararka ku saabsan kulankan qarsoodiga ah ayaa caro ka dhaliyay caasimadda Somaliland, iyadoo dad mudaharaadayay ay ku eedeeyeen Xirsi inuu wiiqay dadaalka Somaliland ee madaxbannaanida.

Dhaleeceeyayaashu waxay sidoo kale dhaliileen safarkiisa Jabuuti, waddan ay Somaliland xiriir adag kala kulantay sanadkii la soo dhaafay.

Sidoo kale, waxay ku andacoodeen in Xirsi uu ka baxay xuduudaha doorarkiisa guddoomiye xisbi, iyagoo ku tilmaamay safarkiisa mid ah “diblomaasiyadeed oo aan sharci ahayn,” oo sida caadiga ah u taalla Wasaaradda Arrimaha Dibadda.

“Ma ahan shaqadiisa inuu u dhaqmo sida diblomaasi,” ayuu yiri qof mudaharaadayay.

Xirsi ayaa door muhiim ah ka ciyaaray furitaanka wada-xaajoodkii rasmiga ahaa ee ugu horreeyay ee dhexmaray Somaliland iyo Soomaaliya xilligii uu ka tirsanaa maamulkii Madaxweynihii hore Axmed Siilaanyo.

Wada-hadalladan ayaa looga gol lahaa in lagu xalliyo muranka dheer ee ka taagan madax-bannaanida Somaliland ay ku dhawaaqday.

Si kastaba ha ahaatee, in ka badan toban sano oo wadaxaajood aan guul lahayn kaddib, dad badan oo reer Somaliland ah ayaa wada-hadalladan u arka kuwo aan faa’iido lahayn.

Dhaleeceeyayaasha waxay ku doodaan in wada-xaajoodkani aysan wax horumar ah ka keenin arrinta, waxaana loo arkaa mid mashquulinaya siyaasadda gudaha ee Somaliland.