Home Blog Page 1401

Wasiir Juxa oo kahor yimid xil ka qaadis lagu sameeyay Gudoomiyaha…….

Talaado 7, Janaury 2025 {HMC} Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka ee dowlad goboleedka Puntland Cabdi Faaraxn Juxa, ayaa si adag uga hor yimid xil ka qaadis la sheegay in golaha deegaanka ee degmada Saaxo ku sameeyeen guddoomiyihii degmadaasi iyo kuxigeenkiisa.

Wasiir Juxa , ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay xil ka qaadistan ay sameeyeen golaha deegaanka degmada Saaxo, waxa uuna sheegay in Wasaaradiisa ay wali guddoomiye iyo kuxigeen u aqoonsan tahay xubnahan la sheegay in xilka laga qaaday.

“Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha dowladda Puntland Cabdi Faarax Juxaa wuxuu go’aamiyey in aysan waxba ka jirin xilka qaadistii la sheegay in xilkii laga qaaday guddoomiyaha iyo guddoomiye Ku xigeenka degmada Saaxo ee gobolka Mudug” ayaa lagu yiri qoraalka wasaaradda.

Golaha deegaanka degmada Saaxo ee gobolka Mudug , ayaa la sheegay in kalsoonida kala noqdeen guddoomiyihii degmada iyo kuxigeenkiisa, waxa ayna ku eedeeyeen masuuliyiintan xil gudasho la’aan iyo in ay kasoo bixi waayeen shaqadii loo igmaday.

Wax badan ka ogow fayraska ku faafaya Shiinaha ee dunidu ay ka walaacsan tahay.

Talaado 7, Janaury 2025 {HMC} Caabuqa sii kordhaya ee fayraska neefmareenka ee loo yaqaanno metanemovirus (HMPV) ee Shiinaha ayaa walaac ku abuuray dad badan iyo waddamo badan, taas oo ay ugu wacan tahay isku ekaanshaha calaamadaha caabuqa faafa iyo hargabka caadiga ah.

Fayraskani waxa uu dadka soo xasuusiyay xanuunkii Corona ee mar saameeyay dunida oo dhan, kaas oo ka bilowday Shiinaha.

Marka laga hadlayo soo ifbaxa cusub ee fayriska ee Shiinaha, tani waxay muujinaysaa kor u kaca la socodka kiisaska, sida uu sheegay Dr. Dirar Al-Balaawi, oo ah bare sare iyo lataliyaha daaweynta cudurrada faafa.

Al-Balaawi oo u warramayay BBC-da laanteeda Carabiga ayaa sheegay in feyraskaan markii ugu horreysay laga helay dalka Holland sannadkii 2001-dii, balse waxa ay dadku aaminsan yihiin in uu muddo dheer ka hor jiray, inkasta oo uu cusub yahay daahfurkiisa.

Waxa uu intaa ku daray in fayraska loo tixgeliyo sababta labaad ee ugu badan ee cudurrada ku dhaca neefmareenka kuwaas oo si daran dadka u saameeya, cuduradaan ayaa aad u waxyeeleeyay carruurta da’doodu ay ka yar tahay shanta sano ee ku jira rugaha bukaan socodka ee Maraykanka, ka dib fayraskii syncytial breath (RSV), kaas oo ka tirsan isla qoyska.

Cilmibaarisyo la sameeyey ayaa tilmaamaya in caabuqa uu fido xilliyada gu’ga iyo jiilaalka, sida uu sheegay Dr. Al-Balaawi.

Dadka aadka ugu nugul caabuqa

Dr. Al-Balaawi waxa uu ku macneeyay in fayrasku uu ku dhaco da’ kasta, balse uu khatar weyn ku hayo carruurta yaryar, dadka da’da ah, dadka difaaca jirkoodu daciifka yahay iyo dadka qaba xanuunnada neefmareenka sida neefta, sida uu sheegay.

Waxa uu sheegay in qofka uu ku dhaco caabuqaan lagu arkayo calaamado fudud oo la mid ah hargabka, sida diif, qufac, cune xanuun iyo qandho, isaga oo intaa ku daray in mararka qaar uu cuduro halis ah ku keeno neefmareenka, sida oof-wareenka iyo burukiitada, oo u baahan kara, isbitaal, gaar ahaan kuwa ugu nugul.

Qaababka gudbinta iyo xawaaraha faafinta

Human metanemovirus (HMPV) waxaa lagu kala qaadaa, sida uu qabo Al-Balawi, iyada oo la soo marsiiyo dhibcaha neefsiga ee ka dhasha qufaca ama hindhisada, ama taabashada tooska ah ee meelaha fayraska wasakhaysan.

Waxa uu tilmaamay in xawaaraha faafitaanka fayraska aan si sax ah loo ogeyn, maadaama hadda la sameynayo daraasado si wanaagsan loogu fahmayo nooca gudbintiisa.

Siyaabaha looga hortagi karo

Waxa uu sheegay in fayrasku uusan hadda u muuqan mid leh khatar wayn oo caalami ah, balse ka warqabka astaamihiisa iyo siyaabaha looga hortagi karo ay muhiim u tahay in la xaddido fiditaankiisa iyo ilaalinta kooxaha halista ugu jira.

Waxa uu xusay in hababka looga hortagayo fayraska ay la mid yihiin kuwa loo isticmaalo ka hortagga caabuqyada iyo hargabka, oo ay kamid yihiin kuwaan;

1.Gacmaha si fiican ugu dhaq saabuun iyo biyo ugu yaraan 20 ilbiriqsi

2.Ka fogow inaad ku taabato indhaha, sanka, iyo afka gacmo aan la dhaqin

3.Dabool afka iyo sanka adiga oo isticmaalaya maro ama shay nadiif ah marka aad qufacayso ama hindhisayso, ka dibna isla markiiba iska tuur

4.Nadiifi oo jeermiska ka qaad sheeyaasha inta badan la taabto

5.Guriga joog markaad jirran tahay si aad uga fogaato inaad dadka kale qaadsiiso.
Sida uu khatar u yahay iyo sida loo daweeyo

Mar la weydiiyay sida ay lagama maarmaanka u tahay in la qaado tillaabooyin looga hortagayo faafitaankiisa, si la mid ah tillaabooyinka Corona, Al-Balaawi waxa uu sheegay in xilligan la joogo, aysan jirin cadeymo dhammaystiran oo muujinaya in ay lagama maarmaan tahay in la qaado tallaabooyin adag, heerka socdaalka caalamiga ah.

Al-Balaawi waxa uu sheegay in aanay jirin dawo gaar ah oo lagu daweyn karo Metanemovirus-ka bini’aadamka, balse daawayntaasi ay inta badan ku xiran tahay in la yareeyo calaamadaha.

Dhakhtarku waxa uu ku taliyay in la nasto oo la cabo dareere badan, waxaa dheer in la isticmaalo dawooyinka aan farmashiyaha laga qorin si loo yareeyo xumadda iyo xanuunka.

Xaaladaha infekshanka daran, wuxuu aaminsan yahay in isbitaal dhigista laga yaabo inay lagama maarmaan noqoto, halkaas oo laga helayo daryeel, sida ogsijiinta.

Guud ahaan, khubaradu waxay carrabka ku adkeeyaan muhiimadda ay leedahay la socodka xaaladda iyo in si joogto ah loo cusboonaysiiyo macluumaadka iyada oo la samaynayo cilmibaaris ku saabsan horumarka metanemovirus (HMPV) ee aadanaha, sida uu qabo Al-Balawi.

Shiinuhu muxuu leeyahay?
Shir jaraa’id oo ay qabatay afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Shiinaha Mao Ning ayaa wax looga waydiiyay su’aalo ku saabsan mowduucan.

Waxa ay sheegtay in kiisas badan oo caabuqyada neefmareenka ah laga soo sheegay qaybta waqooyi inta lagu jiro jiilaalka.

Waxay xustay in “Xarumaha Qaranka ee Xakamaynta Cudurrada Shiinaha ay dhawaan qabteen shir jaraa’id si ay ugu dhawaaqaan tallaabooyin lagu xakameynayo cudurrada neefmareenka ee Shiinaha inta lagu jiro xilliga qaboobaha.”

Waxay intaas ku dartay, “Marka la barbardhigo sannadkii hore, cudurradani waxay noqdeen kuwo khatar yar oo aan fidin sannadkan, waxaan rabaa inaan kuu xaqiijiyo inay ammaan tahay inaad u safarto Shiinaha.”

Walaaca dalalka dariska la’ah Shiinaha
Waddamada deriska la ah Shiinaha ayaa si walaac leh ula socda xaaladda, iyadoo wasaaradda caafimaadka Indonesia ay maalmo ka hor soo saartay bayaan, iyadoo sheegtay in Indonesia ay “la soconayso gudbinta HMPV ee Shiinaha, iyo meelaha laga soo galo waddanka, waxaana ka mid ah tallaabooyinka sida karantiilinta rakaabka ka imanaya dibadda ee ay ka muuqdaan calaamadaha hargabka oo kale.

Wakaaladda wararka ee Indonesia ee Antara ayaa sheegtay in afhayeenka wasaaradda caafimaadka Vidya Vathi ay ku amartay dadka deegaanka in ay ka taxadaraan isticmaalka wajixirka iyo in gacmaha lagu dhaqo saabuun.

Si ka duwan Indonesia, Dr. Atul Goyal, oo ah agaasimaha guud ee Adeegyada Caafimaadka Hindiya, ayaa sheegay in aan loo baahnayn in laga walwalo.

Bayaan uu soo saaray Jimcihii, Goyal wuxuu ku sheegay inaysan jirin kiisas badan oo fayraska gudaha Hindiya.

Waxa uu intaa ku daray, “Waxaan si joogto ah ula soconaa xaaladda, sannadkii hore, ma jirin koror tirada cudurrada bishii December.”

Xarunta Shiinaha ee Xakamaynta iyo Kahortagga cudurrada ayaa daabacday xog muujinaysa koror muuqda oo caabuqyada neefmareenka intii lagu jiray Disembar gaar ahaan taariikhdu marka ay ahayd 16 ilaa 22, sanadkii hore ee 2024.

{DHAGEYSO} Warka Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {07.01.2025}

Talaado 7, Janaury 2025 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahmaan Ahmed Maaskaro

Farsamadii ::Mohamed Baryare Haamud

HOOS KA DHAGEYSO WARKA SUBAXNIMO

XOG: Itoobiya oo qorshe xoog leh ka wada gobolka Gedo

Talaado 7, Janaury 2025 {HMC} Madaxweyne ku xigeenka maamulka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan oo ku sugan degmada Doolow ee gobolka Gedo ayaa diyaariyey ciidan xoog leh oo isaga ka amar qaata, kuwaas oo gaaraya 400 illaa 500 oo askari.

Ciidankaan oo ka kala yimid qeybo kamid ah degmooyinka gobolka Gedo iyo dhanka deegaanada Dowlad Deegaanka Soomaalida ayaa loo diyaarinayaa in Jubbaland ay iska difaacdo is balaarinta ay gobolkaas ka wado Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Ciidamada waxaa Jubbaland u Qalabeyneysa dowladda Itoobiya, sida ay ogaatay Caasimada Online, Itoobiya iyo Maxamuud Sayid Aadan ayaa heshiiska lagu dhisayo ciidankaas ku soo kala saxiixday magaalada Addis Ababa.

Telefishinka Jubbaland ayaa baahiyey in Madaxweyne ku xigeenka Jubaland Maxamud Sayid Aadan uu maanta kulan la qatay Guddiga abaabulka iyo isku dubarida qeybaha kala duwan ee ciidanka Jubaland ee ku sugan Gobalka Gedo, balse Caasimada Online waxay ogaatay in ciidankaas diyaarintooda lasoo dhameystiray.

“Kulanka oo ay ka qeybgalen Wasiirka amniga, , Xildhibaano, Maamulka Gobolka, iyo taliyasha ciidmada ayaa Gudiga looga dhageysatay warbixinta waxaa u qabsomay iyo diiwaangelinta ciidanka Daraawiishta Dowladda Jubbaland ee Gobalka Gedo,” ayaa lagu yiri warkaan.

Kulankaan iyo qoraalka ay baahisay warbaahinta Jubbaland ayaa lagu qarinayaa qalabeynta ay ciidankaas ku sameysay Itoobiya, kadib markii ay maalmihii lasoo dhaafay diyaarintooda Doolow ka wadeen Maxamuud Sayid Aadan iyo wasiirka amniga Jubbaland Jeneraal Yuusuf Dhuumaal.

Inkastoo Itoobiya ay heshiis la gashay dowladda federaalka oo la sheegay in khilaafkii lasoo afjaray, hadana dowladda Itoobiya ayaa weli toos u taageereysa qorshaha ay isku difaaceyso Jubbaland, halka dowladda federaalka ay dooneyso in gobolka Gedo ay kala wareegto Jubbaland, sidoo kalena meesha ka saarto Axmed Madoobe.

Magaalooyinka ugu muhiimsan gobolka Gedo ayaa gacanta u galay dowladda federaalka, sida xarunta gobolkaas ee Garbahaarey, Beledxaawo, Baardheere iyo Buurdhuubo, balse waxaa weli gacanta Axmed Madoobe ku jira Doolow, Luuq iyo deegaano kale oo muhiim ah.

Somaliland oo sheegtay in aysan ictiraaf dartiis udhibaataynin dadkeeda.

Talaado 7, Janaury 2025 {HMC} Xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay in ictiraafka ay sanadaha badan raadineyso aysan u galeyn naar, iyo inay dhibaato mutaan dadkeedu.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Somaliland Cabdiraxmaan Daahir Aadan oo shalay khudbad ka jeediyay baarlamaanka Somaliland ayaa arrintaan dul istaagay, isagoo caddeeyay inay mudnaanta koowaad siinayaan sidii ay Somaliland aqoonsi u heli laheyn, iyadoo dhibaato u keenayn dalka iyo dadka.

Wasiirka oo markaas ka hadlayey arrinta ku saabsan heshiiskii is-afgarad ee sanadkii hore gaareen Somaliland iyo Itoobiya ayaa sheegay in uusan heshiiskaas ahayn mid daah-furan.

“Waxay Itoobiya tiri; waxaynu ka fikiraynaa ictiraafka marka aynu helno xeeb, meel ay yiraaahdeen Somaliland baanu aqoonsanaynaa ma jirto,” ayuu yiri wasiirka mar uu ka jawaabayay su’aal ay guddida arrimaha dibadda ee baarlamaanka ay heshiiskan ka weydiiyeen.

Heshiiskan ayuu sheegay in xukuumadda cusub iyo baarlamaankuba ay dib u eegis ku sameeyn doonaan, maadaama uu ku jiro mad-madow badan oo u baahan in si taxadar leh looga fiirsado.

“Waxaynu sameyn doonaa wax walb sidii aynu aqoonsi u heli lahayn, laakiin ictiraaf cadaab ku geli mayno, dadkeenana baabi’in mayno, waa in ictiraafku noqdaa mid faa’ido u leh danta Somaliland iyo danta dalkaas ee aqoonsiga bixinaya,” ayuu yiri wasiirka.

Waxa uu intaasi kusii daray “Wax macno ah ma leh in dalkeenii dal kale laga iibiyo oo dad kale u ogolaano in ay kheyraadkeena iyo nolosheenna maamulaan, kaliyana in la yiraahdo waanu idin aqoonsanay.”

Inkasta oo aanu jirin dal aqoonsaday Somaliland, haddana Somaliland ayaa muujisay inay leedahay wax kasta oo uu waddan u baahan yahay, iyadoo dhawr iyo soddonkii sanno ee u dambeeyey ka qabsoomeen doorashooyin loo arkayey inay yihiin kuwii ugu dimuquraadiga badnaa ee ka dhaca gobolka.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo lagu eedeyay inuu nin ajnabi ah uxiray……..

Talaado 7, Janaury 2025 {HMC} Ku dhowaad 100 Xildhibaan ayaa canbaareyn ka soo saaray qorshe ay sheegeen in Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh uu ganacsiga dhoofinta xoolaha Soomaaliya ugu xiray hal ganacsade oo degan dalka Jabuuti.

Xildhibaanada ayaa sheegay in ganacsadahaas uu yahay mid shisheeye oo uusanba Soomaali aheyn, iyagoo hoosta ka xariiqay in nolasha bulshada Soomaliyeed ay ku tiirsan tahay dhaqashada iyo dheefsiga xoolaha nool, isla markaana saldhig ama laf-dhabar ay u yihiin qaab-dhismeedka dhaqaalaha dalka.

“Inta ay Soomaaliya jirtay, Xooluhu waxay door weyn ku lahaayeen nolosha dadka Soomaaliyeed, iyagoo si weyn uga soo gaybqaatay xasiloonida quutal-daruuriga, hab-nololeedka iyo dhaqaalaha bulshada,” ayaa lagu yiri War-saxaafadeed ay si wadajir ah u soo saareen xildhibaanada ku saxiixan warqadaan.

Xildhibaanada oo ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya, ayaa sheegay inay ka jawaabayaan cabasho ka soo yeertay bulshada Soomaaliyeed.

“Waxaan si adag u cambaaraynaynaa go’aanka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ugu xiray gacansade shisheeye oo lagu magacaabo Abu-Yasir dhoofinta xoolaha Soomaaliyeed, ninkaas oo ah nin ajnabiga ah oo taariikh madow ku leh gudaha Soomaaliya, ganacsato badan oo Soomaaliyeedna hore u dhacay deggana dalka Jabouti,” ayaa lagu yiri eedeyntaan ka soo yeertay Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya.

Xildhibaanada ayaa sheegay in tani ay tahay markii u horaysay ee ay dhacdo in dhoofka xoolaha Soomaaliyeed hal shaqsi loo xiro “Hab-dhaqankan iyo maamul xumadaan aan laga firsan ee sida joogtada ah loogu xad gudbayo xaquuqaadka shucuubta Soomaaliyeed, wuxuu cunaqabataynayaa xaqa ganacsiga xorta ah ee muwaadinka, wuxuuna dhabar jab ku noqonayaa kobcinta dhaqaalaha wadanka,” ayaa lagu yiri qoraalka Xildhibaanada.

Sidoo kale waxay sheegeen in tani ay abuurayso in dad tiro badan oo ku tiirsanaa Xoolaha nool ay waayeen nolol maalmeedkoodi, iyagoo sheegay wadanka ay u horseedayso dhaqaale burbur baahsan oo ka daran kan maanta Soomaalidu wajahayso.

“Go’aankaas qaldani wuxuu saaxada ka saarayaa ganacsato Soomaaliyeed oo tiro badan, ganacsi xor ah, sinnaan iyo tartan cadaalad ah. Wuxuu horseedayaa

musuqmaasuq, burbur dhaqaale iyo shacab Soomaaliyeed oo ku shaqo waaya,” ayaa lagu yiri qoraalka Xildhibaanada.

Sidoo kale waxay sheegeen in go’aankan dowladnimada uusan meelna ka soo gelin, marnaba ma nogon karo mid la aqbali karo. Waxana la wadaagaynaa oo ku boorrinaynaa goleyaasha Baarlamaanka Soomaaliyeed, wax-garadka, ganacsatada, culimada, bulsho weynta Soomaaliyeed iyo ururrada rayidka ah, inay si adag uga gutaan waajibka ka saaran wadanka, oo ay si degdega uga hor yimaadaan cunaqabataynta iyo xad gudubkaa dhaqaale ee lagu hayo ummaddaa Soomaaliyeed, si loo badbaadiyo xoolaheena, hab nolo-leedka bulshada iyo dhaqaalaha waddanka.

Xildhibaanada ayaa sheegay inay caddeynayaan in qalinka iyo shaqada qaran loo isticmaalo “dano gurracan waa dambi Qaran”’sidaas daraadeedna ay dalbanayaan in loo wada istaago bad-baadinta dhaqaalaha dalka.

Barafka iyo qabowga oo fara-kabax noqday Mareykanka

Talaado 7, Janaury 2025 {HMC} Duufaan wata dabeylo qabow iyo baraf ayaa wali ka socda gobollada bariga iyo bartamaha Mareykanka, kuwaas oo intooda badan ku jira xaalad deg deg ah oo la xiriira cimmilada qabow ee aadka u daran.

Isniinti shalay, magaaladan Washington D,C waxaa ka da’ay barafki ugu xooganaa muddo sannado ah, waxaa sidoo kale la mid ahaa gobollada u dhaw sida Maryland iyo Virginia.

Gobollada ku yaalla bartmaha oo ay ka mid yihiin Kansas, Nebraska, Missouri iyo Indiana, waddooyinka waaweyn ayaa waxaa xiray baraf xoog leh halkaas oo ay ku go’doomeen boqollaal gaadiid ah.

{DAAWO MUQAALKA} maxu yahay hanjabaada taliyaha guud ee Ciidamada uganda u jeediyay hogaamiyaha Macaaradka wadanksi.?

Axad 7, Jan 2025 {HMC} maxu yahay hanjabaada taliyaha guud ee Ciidamada uganda u jeediyay hogaamiyaha Macaaradka wadanksi.?

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Muwaadiin Shiinees ah Oo Lagu qabtay Iyaga oo Dahab iyo Lacag Farabadan wato.

Axad 7, Jan 2025 {HMC} Muwaadiin Shiinees ah Oo Lagu qabtay Iyaga oo Dahab iyo Lacag Farabadan wato.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Wararkii Ugu Dambeeyay 06-01-2025.

waxaa halkan idin kugu soo gudbineynaa Wararkii Ugu Dambeeyay Soomaaliya iyo Caalamka ee Warbaahinta Hiiraanweyn.

HOOS KA DAAWO WARARKII UGU DAMBEEYAY