Home Blog Page 1471

{DHAGEYSO} Warka Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {27.12.2024}

Jimco , 27, Dec 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn
Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahmaan Macalin Muse

Farsamadii ::Mohamed Baryare Haamud

HOOS KA DHAGEYSO WARKA SUBAXNIMO

Madaxweyne Guudlaawe oo Amar Ku Bixiyay Tallaabo Degdeg ah oo Lagu Qaadayo Ragii Ka Dambeeyay Weerarka Ceel-Baraf

Jimco , 27, Dec 2024 {HMC} Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa si kulul u cambaareeyay fal argagax leh oo lagu beegsaday askar ka tirsan ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed, kaasi oo ka dhacay deegaanka hoostago degmada Ceel-Baraf.

Madaxweynaha ayaa sheegay in falkaasi uu ka horimaanayo dhammaan mabaadi’da Islaamka, dhaqanka Soomaaliyeed ee wanaagsan, iyo sidoo kale xuquuqda aadanaha. Waxa uu tilmaamay in nooc kasta oo fal dambiyeed ah oo loo geysto ciidamada ama shacabka aan la aqbali karin, isla markaana ay tahay inay ka dhan noqdaan si wadajir ah.

Madaxweyne Cali Guudlaawe waxa uu sidoo kale tacsi u diray Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed, isagoo si gaar ah uga tacsiyeyay qoysaskii ay ka tageen askarigii ku dhintay weerarka.

“Waa fal ka fog Shareecada Islaamka, dhaqanka suubban ee Soomaaliyeed iyo Xuquuqda Aadanaha,” ayuu yiri Madaxweynaha. “Waxaan farayaa laamaha amniga inay 24-saac gudahood tallaabo ka qaadaan ragii ka dambeeyay falkaas, kana horkeenaan sharciga.”

Madaxweynaha ayaa ugu baaqay bulshada Hirshabeelle inay ka fogaadaan wax kasta oo amniga iyo wadajirka bulshada wax u dhimaya, isagoo xusay in isku duubni iyo iskaashi ay tahay dariiqa kaliya ee lagu ilaalin karo nabadda iyo horumarka gobolka.

Falalka noocan oo kale ah ayaa si weyn looga xumaaday, waxaana lagu baaqayaa in ciidamada amniga ay qaadaan tallaabooyin degdeg ah oo lagu soo qabanayo kuwa ka dambeeya falalkan.

Maamulka Hirshabeelle ayaa la kulmaya dhaleeceyn xooggan oo ku aaddan guuldarrooyinkooda ku saabsan amniga gobolka. Dadka deegaanka, siyaasiyiinta, iyo xubnaha bulshada rayidka ayaa ka digaya in maamulka Hirshabeelle uu ku guuldareystay inuu si buuxda u xakameeyo amniga, isla markaana uu ka falceliyo dhibaatooyinka ka dhaca xadka gobolada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

Waxaa xusid mudan in dhacdooyinka sida weerarada kooxaha hubeysan, oo u dhigma falalka argagixiso iyo weerarada lagu beegsanayo ciidamada iyo shacabka, ay yihiin kuwo si weyn uga dhashay qabyo tirid La’aanta adeegyada amni ee gobolka.

Tan waxaa ku xigta in ciidamada dowladda ee ka hawlgala gobolka ay yihiin kuwo aad u kooban oo aan awood u lahayn inay si buuxda u ilaaliyaan dhammaan deegaannada gobolka.

Somaliland iyo DDS oo ka wada shaqaynaya sidii Xallooga gaari lahaa dagaalkii Dacawalay.

Jimco 27, Dec 2024 {HMC} War-saxaafadeedka ka soo baxay Wasaaradda Amniga Gudaha ee Maamulka Somaliland ayaa caddeynaya in wafti ka socday Somaliland oo ay ka mid yihiin wasiirro iyo taliyeyaal ciidan ay magaalada Hargeysa ku soo laabteen ka dib markii ay shalay u tageen magaalada Jigjiga si ay u qaataan qayb ka mid ah wadahadallada iyo xalinta xiisadda ka dhalatay dagaalkii Dacawaley ee ka dhacay deegaannada xuduudka Somaliland iyo Itoobiya.

Kulankaas oo ay la qaateen saraakiil sare oo ka tirsan Ciidanka Dawladda Federaalka Itoobiya iyo mas’uuliyiin ka socday Dawlad Deegaanka Soomaalida ayaa lagu soo bandhigay isla-garow rasmi ah oo ku saabsan sidii loola tacaali lahaa xiisadda iyo sidii loo joojin lahaa dhiigga daadanaya ee sababay dagaalkaas. Waxa la isku afgartay in xaaladda lagu dhameeyo xal nabadgalyo oo salmi ah, iyadoo la sameeyo talaabooyin degdeg ah oo la xiriira joojinta colaadda.

Qodobbada muhiimka ah ee la isla gartay waxaa ka mid ah:

In ciidamada la kala qaado: Tani waxay ka dhigan tahay in labada dhinac ay isku afgarteen in ciidamada labada dhinac ee ku lugta leh dagaalka la kala qaado si looga hortago in dhiiggu sii daato.

2. In federaalku la wareego amniga goobaha dagaalka: Dawladda Federaalka Itoobiya ayaa lagu heshiiyey in ay ku guulaysato in ay qabato amniga goobaha uu dagaalku ka dhacay, waxaana lagu qorsheeyey in ciidamadooda la keeno subaxa dambe.

3. In guddi madaxbanaan la sameeyo: Waxaa la isla gartay in la sameeyo guddi madaxbanaan oo qaabilsan xallinta xiisadda iyo dhameystirka qorshayaasha nabadda.

4. In la bilaabo wada hadalkii dib u heshiisiinta: Waxa la isku raacay in la bilaabo wada hadallo dib u heshiisiineed oo ay dammaanad qaadayso Dawladda Federaalka Itoobiya, si loo gaaro xal waara oo salka ku haya nabad iyo wada noolaansho.

Agaasimaha WHO oo ka bedbaaday duqeyn Israa’iil ay ka fulisey Yeman

Jimco 27, Dec 2024 {HMC} SANAA— Agaasimaha Guud ee Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa sheegay, in duqeymo xagga cirka ah lagu garaacay gegida diyaaradaha ee ugu weyn Yemen Khamiistii, xilli uu doonayay inuu halkaas ka dhoofo.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in ugu yaraan saddex qof lagu dilay tobanaan kalena ay ku dhaawacmeen, weerar ay Israa’iil ku qaadday garoonka caalamiga ah ee caasimadda Yemen ee Sancaa.

Wafdi heer sare ah oo ka socda Qaramada Midoobay oo uu hoggaaminayo madaxa WHO Tedros Adhanom Ghebreyesus ayaa ku sugnaa garoonka Khamiistii iyagoo sugayay inay ka dhoofaan markii ay duqeyntu dhacday, waxaana ku dhaawacmay shaqaale ka tirsan Laanta Adeegga Hawada ee Qaramada Midoobay, sida uu sheegay afhayeen u hadlay Qaramada Midoobay oo lagu magacaabo Stephanie Tremblay.

“Taawarka laga hago duulimaadyada hawada, qolka nasashada – oo wax ka yar mitir u jira meeshii aan joognay – iyo dhabaha ay diyaaraduhu ku ordaan ayaa duqeymuhu waxyeeleeyeen,” madaxa WHO ayaa ku yiri fariin uu soo dhigey bartiisa X.

kooxdii Qaramada Midoobay waxay ka tageen garoonka waxayna ku sugan yihiin goo boo ku taala magaalada Sanca oo “ammaan ah waana ay caafimaad qabaan” shaqaalihii dhaawacmayna waxaa lagu daweynayaa isbitaal, ayuu yiri Tremblay.

Tremblay waxa uu sheegay in qiimaynta burburka gegida diyaaradaha la samayn doono subaxnimada Jimcaha si loo eego in Tedros iyo kooxda Qaramada Midoobay ay ka bixi karaan Yemen.

Tremblay waxa uu sheegay in Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres uu cambaareeyey kororka weerarrada u dhexeeya Yemen iyo Israa’iil, wuxuuna sheegay in weerarradii Khamiistii lagu qaaday garoonka caalamiga ah ee Sanca, dekedaha Badda Cas ee Yemen iyo xarumaha korontada ay ahaayeen kuwo walaac leh”.

Ciidanka Israa’iil ayaa markii dambe u sheegay wakaaladda wararka ee Associated Press inaysan ka warqabin in madaxa WHO ama wafdigu QM ah ay joogaan Yemen.

Milateriga Israa’iil ayaa sheegay in ay weerar ku qaadeen kaabayaasha ay adeegsadaan fallaagada Xuutiyiinta Yemen ee ku sugan garoonka caalamiga ah ee magaalada caasimadda ah ee Sanca, iyo sidoo kale saldhigyada korontada iyo dekedaha, iyaga oo ku eedeeyay in ay u adeegsan jireen in lagu soo raro hubka Iran iyo in ay ka soo galaan saraakiil sare oo Iiraaniyiin ah.

Madaxa Qaramada Midoobay ayaa ka codsaday dhammaan dhinacyada inay ixtiraamaan oo ay ilaaliyaan rayidka iyo kaabayaasha rayidka, sida uu dhigayo sharciga caalamiga ah, ayuu yiri Tremblay.

Guterres wuxuu ku baaqay in la joojiyo dhammaan tallaabooyinka militariga iyadoo la muujinaayo “xakamaynta ugu badan,” ayuu yiri Tremblay.

{DAAWO MUUQAALKA} Xildhibaano ka Tirsan DFS Oo Ka Hadlay Dhalinyaradii Reer Hiiraan ee Lagu dilay Shabellaha dhaxe.

0

Khamiis 26, Dec 2024 {HMC} Xildhibaano ka Tirsan DFS Oo Ka Hadlay Dhalinyaradii Reer Hiiraan ee Lagu dilay Shabellaha dhaxe.

HOOS KADAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Maxkamada Ciidamada oo Xukun Adag ku riday Fardowso Maxamed Xasan

0

Khamiis 26, Dec 2024 {HMC} Maxkamada Ciidamada oo Xukun Adag ku riday Fardowso Maxamed Xasan

HOOS KADAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Puntland oo sameysay Dhoolatuska Ciidamada.

0

Khamiis 26, Dec 2024 {HMC} Puntland ayaa diyaar garow xooggan ugu jirta howlgal militari oo ay ku doonayso inay buuraleyda Calmiskaad ee gobolka Bari uga sifayso kooxda Daacish, oo si xooggan isugu fidisay degaanadaas.

Kumanaan askari oo katirsan ciidamada Puntland, kuwaas oo ku hubaysan gaadiid dagaal iyo hub, ayaa lagu soo waramayaa inay haatan ku sugan yihiin degaannada bariga fog ee gobolka Bari.

HOOS KADAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Kooxda AS Oo Qiratay in duqeeyn Looga Dilay Hogaamiye Sare.

0

Khamiis 26, Dec 2024 {HMC} Kooxda AS Oo Qiratay in duqeeyn Looga Dilay Hogaamiye Sare.

HOOS KADAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Maxaa looga Hadlay Shirka Golaha Wasiirada Somaliland.

0

Khamiis 26, Dec 2024 {HMC} Maxaa looga Hadlay Shirka Golaha Wasiirada Somaliland.

HOOS KADAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Booliska Soomaaliya Oo Lagu Wareejiyay Haweeney Lagu qabtay Dagaal Beelled ka dhacay Mudug.

0

Khamiis 26, Dec 2024 {HMC} Booliska Soomaaliya Oo Lagu Wareejiyay Haweeney Lagu qabtay Dagaal Beelled ka dhacay Mudug.

HOOS KADAAWO MUQAALKA WARBIXINTA