Home Blog Page 1528

Israel oo afar askari looga dilay koonfurta Lubnaan

0

Talaado 10, Dec 2024 {HMC} Militariga Israa’iil ayaa Isniinta maanta ah sheegay in afar askari lagu dilay koonfurta Lubnaan, taasi oo ah dhimashadii ugu horreysay ee laga sheego aaggaas tan iyo markii ay billaabatay xabbad joojinta Xizbullah, ku dhowaad laba toddobaad ka hor.

Afarta askari oo ka mid ahaa ciidamada kaydka, oo dhamaantood ka tirsanaa hal guuto, ayaa “ku dhintay dagaal” Axaddii, milatariga ayaa sidaas sheegay iyagoo aan faahfaahin dheeraad ah bixin.

Israa’iil iyo Xizbullah ayaa ku heshiiyey xabbad joojin ka dib ku dhawaad sannad dagaal ah.

Sida heshiiska qayb ka ah, ciidamada Israa’iil waxay ku sugnaan doonaan koonfurta Lubnaan muddo 60 maalmood ah, halka ciidanka Lubnaan sidoo kale la geynayo aaggaas.

Sida ku cad heshiiska, oo ku saleysan qaraarka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee soo afjaray dagaalkii ugu dambeeyay ee Israel iyo Xizbullah, ciidamada nabad ilaalinta iyo ciidamada Lubnaan waa in ay noqdaan kooxaha hubaysan ee kaliya ee ku sugan koonfurta.

Dhimashada ayaa ka dhigaysa 56 tirada askarta Israa’iil ee lagu dilay koonfurta Lubnaan tan iyo markii milatariga uu qaaday weerar dhulka ah dabayaaqadii September.

Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay inuu tacsi tiiraanyo leh la wadaagay qoysaska askarta.

Militariga Israa’iil ayaa tan iyo markii ay billaabatay xabad joojinta sii waday duqeymaha ay ku beegsanayaan goobaha ay ku sugan yihiin Xizbullah, iyagoo sheegay in ay qaadayaan tallaabooyin ka dhan ah jebinta heshiiska.

Axadii waxay sheegeen in ciidamadooda dhulka ay “heleen oo ay burburiyeen hub diyaar u ahaa in la isticmaalo” oo lagu kaydiyay goob rayid ah iyo godad dhulka hoostiisa ah.

Xizbullah ayaa bishii October ee sannadkii hore billowday inay weerarro xooggan ku qaado Israa’iil, ayadoo ku taageeraysa xulafadeeda Falastiin ee Xamaas.

Rasaastii la isku weydaarsanayey xuduudda ayaa isu rogtay dagaal buuxa markii Israa’iil ay diiradda ka weecisay Gaza una wareejisay Lubnaan, si ay u sugto xuduuddeeda waqooyi.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {09.12.2024}

Isniin 9, Dec 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu Soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo ::Muuse Ali Herrow

Farsamadii ::Mohamed Baryare Haamud

HOOS KA DHAGEYSO WARKA HABEENIMO

Muxuu yahay Mawqifka mucaaradka Suuriya kadib dhicistii xukunka Assad.?

0

Isniin 9, Dec 2024 {HMC} Madaxa mucaaradka Suuriya ee dibadda, Hadi Al-Bahra, ayaa sheegay Axadii in 18 bilood ee soo socota Suuriya lagu sii wadayo ku meelgaar kadibna la samaynayo “jawi ammaan ah, dhexdhexaad ah oo deggan,” si loogu diyaargaroobo “doorasho xor ah” oo dalka ka dhacda. , kadib markii uu dhacay xukunka Madaxweyne Bashaar Al-Asad.

Al-Bahra, oo ah madaxa Isbahaysiga Qaranka Suuriya, ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters in ay waajib tahay in la diyaariyo dastuurka Suuriya lix bilood gudahood, iyada oo doorashada ugu horreysa ay tahay “afti dadweyne”.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu yiri “Dastuurka ayaa qeexaya in aan qaadaneyno nidaam baarlamaan, mid madaxweyne ama mid isku dhaf ah, iyadoo taa laga duulayona waxaan qabaneynaa doorasho, dadkuna ay dooranayaan hogaankooda”.

{DAAWO MUQAALKA} Maxaa kasoo baxay kulamadii Masuuliyiinta Dowladaha hoose ee degmooyinka H/Shabelle?

0

Isniin 9, Dec 2024 {HMC} Maxaa kasoo baxay kulamadii Masuuliyiinta Dowladaha hoose ee degmooyinka H/Shabelle?

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Wiil yar oo Lahaa qaab Ciyaareedka Cristiano Ronaldo oo la dilay

0

Isniin 9, Dec 2024 {HMC} Wiil yar oo Lahaa qaab Ciyaareedka Cristiano Ronaldo oo la dilay

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Talisyo ay lahaayeen AS oo La bur buriyay.

0

Isniin 9, Dec 2024 {HMC} Talisyo ay lahaayeen AS oo La bur buriyay.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Dr C/nuur oo ka sheekeeyay sababta uu u qoray buuga macalinkeena allow kaal.

0

Isniin 9, Dec 2024 {HMC} Dr C/nuur oo ka sheekeeyay sababta uu u qoray buuga macalinkeena allow kaal.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Shan qodob oo la xiriirta xaaladda Suuriya maalin kadib dhicistii xukunka Assad?

0

Isniin 9, Dec 2024 {HMC} Shan qodob oo la xiriirta xaaladda Suuriya maalin kadib dhicistii xukunka Assad?

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Wararkii ugu Dambeeyay Soomaaliya iyo Caalamka 09-12-2024.

0

Isniin 9, Dec 2024 {HMC} Waxaan halkan idin kugu so gudbin doonaa Wararkii ugu Dambeeyay Soomaaliya iyo Caalamka ee Warbaahinta Hiiraanweyn.

HOOS KA DAAWO WARARKII UGU DANBEEYAY

Sidee Looga falceliyay isbadelka Suuriya ka dhacay?

0

Isniin 9, Dec 2024 {HMC} Dhowr waddan ayaa dano gaar ah ka leh mustaqbalka Suuriya, oo ay ku jiraan xulafada madaxweynihii la riday ee Assad, waxayna sheegeen inay aad u jecel yihiin inay door ka ciyaaraan taageerada dowlad cusub.

Ruushka oo la sheegay inuu Asad iyo qoyskiisa magangelyo ka siiyey magaalada Moscow, ayaa sheegay in saldhigyada millatari ee dalkaas ay ku jiraan “feejignaan sare” balse ilo ka tirsan Kremlin-ka oo aan la magacaabin ayaa warbaahinta Ruushka u sheegay in ammaankooda ay dammaanad qaadeen fallaagada.

Moscow ayaa ku baaqaysa shir deg deg ah oo ay isugu yimaadaan golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay si looga tashado xaalka Suurita.

Iran, oo sidoo kale taageeraysay nidaamka Assad, ayaa sheegtay inay rajaynayso in xiriirka “saaxiibtinimo” ee Suuriya uu sii socdo.

Bayaan ay soo saartay, wasaaradeeda arrimaha dibadda waxay ku baaqeysaa “bilaabidda wadahadal qaran oo ay ku lug yeeshaan dhammaan qaybaha bulshada Suuriya si loo dhiso maamul loo dhan yahay oo matalaya dhammaan dadka Suuriya”.

Turkiga, oo taageera qaar ka mid ah kooxaha mucaaradka ah, ayaa sheegay inay “xoojin doonaan” dadaallada lagu caawinayo sugidda nabadda iyo xasilloonida mustaqbalka Suuriya maalmaha soo socda.

Wasiirka arrimaha dibadda Hakan Fidan ayaa sheegay in tani ay ka mid tahay in la raadiyo qaab dib loogu soo celin karo malaayiin Suuriyaan ah oo ka qaxay dagaalladii sokeeye – kuwaas oo intooda badan ku sugan Turkiga.

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden, ayaa dhanka kale sheegay in Suuriya ay wajaheyso “fursad taariikhi ah” balse Mareykanku waxa uu sidoo kale ka walaacsan yahay awood la’aanta, waxaana uu durbadiiba duqeeyay waxa uu ku sheegay meelo ka mid ah bariga Suuriya halkaas oo ay ku suganyihiin kooxda Daacish.

XIGASHO BBC