Arbaco 27, Nov 2024 {HMC}Â Odayaasha dhaqanka Dhoobley Oo Kasoo horjeestay qorshaha ay wado Dowlada Soomaaliya.
{DAAWO MUQAALKA} SSC-Khaatumo Oo War Cusub Kasoo Saartay Xaalada Magaalada Ceerigaabo
Arbaco 27, Nov 2024 {HMC}Â SSC-Khaatumo Oo War Cusub Kasoo Saartay Xaalada Magaalada Ceerigaabo
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTAÂ
{DAAWO MUQAALKA} SSC Khaatumo oo Somaliland ku eedaysay in ay dil iyo dhac u gaysanayso shacabka Ceerigaabo
Arbaco 27, Nov 2024 {HMC}Â SSC Khaatumo oo Somaliland ku eedaysay in ay dil iyo dhac u gaysanayso shacabka Ceerigaabo
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTAÂ
{DAAWO MUQAALKA} Golaha Wakiillada Puntland oo Su’aalo adag weydiiyay Gudiga Sare ee Garsoorka.
Arbaco 27, Nov 2024 {HMC} Golaha Wakiillada Puntland oo Su’aalo adag weydiiyay Gudiga Sare ee Garsoorka.
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTAÂ
{DAAWO MUQAALKA} Iran oo dib u fureysa wadahadallada niyukleerka
Arbaco 27, Nov 2024 {HMC} Iran oo dib u fureysa wadahadallada niyukleerka
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTAÂ
{DAAWO MUQAALKA} Imaaraadka Carabta oo soo bandhigay saddex nin oo ku eedeysan dilka nin Israa’iili ah
Arbaco 27, Nov 2024 {HMC} Imaaraadka Carabta oo soo bandhigay saddex nin oo ku eedeysan dilka nin Israa’iili ah
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTAÂ
{DAAWO MUQAALKA} Puntland oo bilowday guluf dagaal oo ka dhan ah kooxda ku sugan gobolka Bari
Arbaco 27, Nov 2024 {HMC}Puntland oo bilowday guluf dagaal oo ka dhan ah kooxda ku sugan gobolka Bari
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTAÂ
SSC Khaatumo oo sheegtay iney qaadi doonto tallaabo ay ka qoomamayso Somaliland.
Arbaco, 27 Nov-2024 {HMC} SSC Khaatumo ayaa Somaliland ku eedaysay in ay dad shacab ah ku waxyeelaysay magaalada Ceerigaabo, kadib rasaas xoogan oo laga maqlay magaalada maanta abaaro 12:00 duhurnimo.
Qoraal kasoo baxay SSC Khaatumo ayaa lagu sheegay in ciidamada Somaliland ay si badheedh ah dhibaato ugu gaysteen qaybo kamid ah shacabka magaalada, iyada oo qoraalka lagu sheegay in SSC Kahaatumo ay qaadi doonto talaabo ay Somaliland ka qoomamayso.
Marka laga yimaado warka SSC Khaatumo, wali war rasmi ah lagama hayo waxa rasmiga ah ee ka dhacay magaalada, qaar kamid ah warbaahinta magaalada ayaa sheegtay in uu iska hor imaad magaalada ku dhexmaray ciidamada Somaliland iyo kooxo hubaysan.
Waxa kale oo la sheegay in uu jiro khasaare soo gaadhay dadka shacabka ah oo dhimasho iyo dhaawac leh, inkasta oo aan la ogayn tirada.
Hoos ka dheeho qoraalka SSC Khaatumo:-

Soomaaliland oo Amar Ku Bixisay in Bandow la Galiyo Magaalada Ceerigaabo
Arbaco, 27 Nov-2024 {HMC} Xukuumada Somaliland ayaa amar ku bixisay in bandaw lagu soo rogo magaalada Ceerigaabo kadib iska hor-imaad ay dad ku dhinteen oo dhexmaray ciidamada amaanka iyo dad hubaysan.
Wasiirka Arrimaha Guddaha Maxamed Kaahin Axmed, ayaa sheegay in nabadgalyada magaaladu ay faraha ka baxday kadib falal ay gaysteen kooxo aanu carabaabin, waxa uuna guddida nabadgalyada ee magaalada ku amrkay in ay bandaw kusoo rogaan.
“Waxan wargalinayaa guddida nabadgalyada ee gobolka, in ay magaalada bandaw kusoo rogaan, la ilaaliyo dadka nabadgalyo darada magaalada ka wadda, dadka hubka sitana talaabo toos ah oo sharci ah ay ka qaadaan, sharcigana la horgeeyo” ayuu yidhi Wasiir Kaahin.
Waxa uu hay’addaha nabadgalyada ku amray in dadka ka danbeeyay falka maanta dhacay oo aanu faahfaahin nooca uu ahaa lasoo qabto, isaga oo qoysaska ay kasoo jeedaana ku booriyay in ay gacan ka gaystaan soo qabashadooda.
Wasiirku waxa uu ka digay nooc kasta oo u diyaargaw dagaal ah, isaga oo sheegay in aan la ogolayn nooc kasta oo hub urursi ah, lana hor istaagi doono cidkasta oo nabada dhaawacaysa.
Dhinaca kale, SSC Khaatumo, ayaa sheegtay in ciidamada Somaliland ay dad ku laayeen magaalada, isla markaana ay gaysteen dhac iyo boob, waxayna ku hanjabtay in ay qaadi doonto talaabo ay Somaliland ka qoomamayso.
Madaxwaynihii hore ee Brazil oo lagu eedeeyay in uu maleegay afganbi
Arbaco, 27 Nov-2024 {HMC} Warbixin kasoo baxday Booliska Federaalka Brazil ayaa muujisay in madaxweynihii hore ee Brazil Jair Bolsonaro uu si buuxda uga warqabay isla markaana si firfircoon uga qayb qaatay shirqool afgambi ah oo uu u suuragelin lahaa inuu sii joogayo xafiiska, ka dib guuldaradii kasoo gaartay doorashadii 2022.
Booliiska Federaalka ayaa khamiistii lasoo dhaafay si rasmi ah ugu eedeeyay Bolsonaro iyo 36 qof oo kale inay isku dayeen afgambi. Warbixinta oo ka koobneyd 884 ayaa loo diray maxkamadda sare.
Warbixinta booliiska oo ah mid kama danbeys ah, ayaa ah natiijada baaritaan socday kudhaad lava sannadood, kaas oo lagu saleeyay cadeymo laga soo aruuriyay waaranno la xiriiray baaritaanka, diiwaanno maaliyadeed, marqaatiyaal iyo caddeeymo kale oo dhammaantood muujiyay in Bolsonaro uu ku lug lahaa afganbiga.
Booliska Federaalka ayaa sheegay in madaxweynihi hore iyo xulufadiisu ay doonaayeen in ay afganbiga sameeyaan 15-ki bishi December ee sannadki 2022-ki. Dukumintiyada ayaa muujiyay in jeneraallo millatari oo arrintan kasoo horjeestay la bartilmaameedsaday, gaar ahaan hanjabaado dhanka internetka ah.
Bolsonaro ayaa si isdaba joog ah u inkiray eedaha loo soo jeediyay, kuna tilmaamay mid uusan waxba kala socon.



