Home Blog Page 1577

Türkiye to test Tayfun, Cenk and Bora missiles in Somalia.

0

Tuesday 26 Nov, 2024 {HMC} Türkiye is gearing up to test its advanced ballistic missile systems, including the long-range Tayfun and Cenk, at a new military base under construction in Somalia.

While the Bora missile has been part of the Turkish arsenal for years, development continues on longer-range systems designed to exceed 1,000 kilometers (621.3 miles), such as Tayfun and Cenk.

Expanding Türkiye’s missile capabilities

Surrounded by regional conflicts and rising global tensions, Türkiye is ramping up its defense efforts across air, land and sea. Ongoing conflicts, such as those between Russia and Ukraine and Israel and Iran, have highlighted the increasing importance of missile and air defense systems.

The Bora missile, with a range of up to 300 kilometers, has been a mainstay in Türkiye’s defense inventory for several years. The Tayfun missile, first tested in 2022 from Rize-Artvin Airport, recently underwent a second test. During its initial trial, Tayfun reached a range of 600 kilometers. Efforts are now focused on extending its range to 1,000 kilometers.

Türkiye’s first medium-range ballistic missile (MRBM), Cenk, is being developed under a highly confidential program by Roketsan. Cenk is expected to surpass a range of 1,000 kilometers, marking a pivotal advancement in Türkiye’s missile technology.

Once operational, it will elevate the country’s position in global missile capabilities. The missile, featuring cutting-edge technology, is projected to rank among the world’s most advanced MRBMs, with the first test launch anticipated soon.

Somalia’s strategic role in testing
Defense expert Turan Oguz emphasized the strategic importance of Somalia for Türkiye’s missile testing program. “We successfully tested up to 550 kilometers over the Black Sea, but conducting tests beyond 1,000 kilometers requires specific geographical conditions. Somalia is one of the top three global locations for such tests because of its access to open ocean areas,” Oguz explained.

Oguz highlighted Türkiye’s current development of ballistic missiles with ranges between 1,000 and 3,000 kilometers and underscored Somalia’s vital role in facilitating these tests.

Looking ahead: Ambitious goals

Oguz also noted Türkiye’s efforts in developing hybrid propulsion systems aimed at reducing costs and its research into reusable rocket technology. While the facility in Igneada can test missiles with ranges up to 700 kilometers, longer-range tests require external sites like the planned base in Somalia.

The initial phase of these projects is expected to cost approximately $6 billion. “The next five years will be critical for advancements in both space access and ballistic missile development. We’ve laid the groundwork, and now we’re accelerating progress,” Oguz said.

Türkiye’s investments in missile technology and its strategic partnerships reflect its determination to establish itself as a leader in global defense innovation.

SOURCE Türkiye Today

By Yesim Eraslan

Dowlad Degaanka Soomaalida oo lagu xidhay Siyaasi caan ka ah magaalada Diridhabe

0

Talaado 26 November-2024 {HMC}  Wararka ka imaanaya magaalada Diridhabe ayaa sheegaya in Aadan Alaale oo kamid ah Siyaasiyiinta u dhashay Dowlad Degaanka Soomaalida lagu xidhay magaalada Diridhabe.

Lama ogaanin wali sababta loo xidhay Aadan Alaale balse wararka qaar ee ka imaanaya magaalada Diridhabe ayaa sheegaya in Aadan Alaale loo xidhay hadalo uu hadda ka hor ka jeediyay Warbaahinta, kuwaas oo uu ku dhaliilayay maamulka ka arrimiya magaalada Diridhabe.

Sidoo kale waxaa la sheegay in loo haysto Aadan Alaale inuu kicinayo Soomaalida deggan magaalada Diridhabe, isagoo sheegay in Soomaalida ku nool Diridhabe ay dhibaatooyin badan kala kulmaan madaxda ka arrimiya magaalada Diridhabe, isla markaana aysan helin xuquuqdoodii ay ku lahaayeen maamulka magaalada Diridhabe.

Xadhiga lagula kacay Siyaasi Aadan Alaale ayaa waxaa ka horyimid Shacabka Soomaalida ee ku dhaqan magaalada Diridhabe, sidoo kale waxaa xadhigaas cambaareeyay qaar kamid ah Odayaal dhaqameedka iyo waxgaradka Dowlad Degaanka Soomaalida.

Aadan Alaale ayaa ah Siyaasi u dhashay Dowlad Degaanka Soomaalida isagoo deegaan ahaana ka soojeeda magaalada Diridhabe, waxaa uu inta badan caan ku yahay inuu ka hadlo Xaaladda magaalada Diridhabe gaar ahaan Soomaalida deggan Diridhabe oo inta badan uu udoodo xuquuqdooda ay ku leeyihiin maamulka magaalada Diridhabe, waxa kale oo uu caan ku yahay hadallada cadcad ee uusan kala gaban maamulka degaanka Soomaalida iyo kan Diridhabe.

Dowlad Degaanka Soomaalida iyo Maamulka magaalada Diridhabe midna wali kama hadlin xadhigga Siyaasi Aadan Alaale oo shalay galinkii dambe lagu xidhay Ismaamulka magaalada Diridhabe.

Muxuu Wasiir Xoosh kala hadlay Saxiixayaasha 135-ta oday?

0

Talaado 26 November-2024 {HMC}  Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cali Yuusuf Cali(Xoosh) ayaa maanta ku martigeliyey xarunta Wasaaradda odeyaasha dhaqanka Soomaaliyeed ee 135-ta.

Kulankan oo sidoo kale qeyb ka ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda mudane Caydaruus Macallin ayaa ugu horeeyn Wasiir mudane Cali Xoosh waxaa uu odeyaasha dhaqanka warbixin ka siiyey 3-da xeer ee doorashada ee Baarlamaanka anisiyey sida;

(1). Xeerka Dhisidda Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Sohdimaha.

(2). Xeerka Ururrada Iyo Xisbiyada Siyaasadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

(3.) Xeerka Doorashooyinka Qaranka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya isaga oo ku dheeraaday heerarka ay soo mareen, waxaa uuna carabka ku adkeeyey in dhaqanka ay weliba hormuud ka yihiin hagidda bulshada.

Dhankooda, Odeyaasha dhaqanka Soomaaliyeed ayaa si weyn u taageeray xeerarkaas doorashada ee Baarlamaanku ansixiyey, iyaga oo intaa raaciyey in isbadalkaasi uu yahay horusocod wanaagsan, taasina ay ku garab taagan yihiin.

Odeyaasha ayaa tallaabo muhiim ah oo taageero mudan ku tilmaamay in shacabka loo celiyo codkooga, iyaga oo ka dalbaday umadda in ay u diyaargaroobaan in ay toos u doortaan dadkii matali lahaa, doorashada qof iyo cod ahna ay tahay cadaalad la iska dhex arkayo.

Dhaqanka Soomaaliyeed ayaa ku bogaadiyey Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS dadaallada ay mar weliba sameyso ee la xiriira dowlad dhiska oo ay shuruucdani ka mid yihiin.

{DHAGEYSO} Warka Duhurnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {11.26.2024}

Talaado 26 November-2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Duhurnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn
Warka waxaa soo jeedinayo ::Shugri Baryare & Sahro Gabre

Farsamadii ::Abdiqani Osoble

HOOS KA DHAGEYSO WARKA DUHURNIMO

{DAAWO SAWIRADA} Banaan Bax Lago Taageerayo Doorashada Dadweeynaha oo ka Dhacay Muqdisho

0

Talaado 26, Nov 2024 {HMC} Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho ayaa ka qeyb-galay isku soo bax bulshada caasimadda Muqdisho qaarkood ay ku taageerayeen go’aankii labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay ku meel mariyeen xeerarkii doorashooyinka, xisbiyadda iyo guddiga doorashada iyo sohdimaha dalka.

Sidoo kale boqolaal shacab ee isugu soo baxay Taalada Daljirka Dahsoon ayaa waxa ay cod dheer ku taageereen go’aanka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Xukuumada Dan-Qaran ee ah in dalka uu aaday doorasho Qof iyo Cod, si muwaadinka uu u helo xuquuqdiisa dastuuriga ah ee uu ku dooran karo madaxda dalka.

Dadkii ka hadlay dibadbaxan maamulka gobolka Banaadir soo abaabulay qarash badana ku bixiyay ayaa sheegay in ay taageerayaan in dalka ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah , lagana gudbo qabashada doorsho qof iyo cod ah.

Duqa Muqdisho Yuusuf Madaale oo ka hadlay dibadbaxa ayaa shacabka ugu baaqay isku duubni iyo in lagu kalsoonaado doorasho qof iyo cod si muwaadin kasta oo codkiisa u dhiibto, isagoona caddeeyay in ay taageeraan in dalka ka dhaco doorasho qof iyo cod ah.

{DAAWO MUQAALKA} Ciidamadii Ugu Badnaa Oo Gaaray Raas Kanbooni Iyo Wararkii Ugu Danbeeyay

0

Talaado Nov 26, 2024 {HMC} Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maalintii labaad Ciidamo ku daad gureyneyso deegaanka raasgaambooni  dagmada Badhaadhe ee Gobolka Jubbada Joose.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

{DAAWO MUQAALKA} Banaanbax Lagu Taageerayay Doorasho Qof iyo Cod ah oo Muqdisho lagu qabtay.

0

Talaado Nov 26, 2024 {HMC} Banaanbax Lagu Taageerayay Doorasho Qof iyo Cod ah oo Muqdisho lagu qabtay.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

{DAAWO MUQAALKA} Nabadoonka Ra,isulwasaare Xamse oo fariin udiray Jubbaland iyo XFS.

0

Talaado Nov 26, 2024 {HMC} Nabadoonka Ra,isulwasaare Xamse oo fariin udiray Jubbaland iyo XFS.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

{DAAWO MUQAALKA} Nabadoonka Ra,isulwasaare Xamse oo fariin udiray Jubbaland iyo XFS.

0

Talaado Nov 26, 2024 {HMC} Nabadoonka Ra,isulwasaare Xamse oo fariin udiray Jubbaland iyo XFS.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

{DAAWO MUQAALKA} Gudoomiyaha Gobalka Gedo oo Amaro ka dhan Madaxweyne Axmed Maoobe soo saaray

0

Talaado Nov 26, 2024 {HMC} Gudoomiyaha Gobalka Gedo oo Amaro ka dhan Madaxweyne Axmed Maoobe soo saaray

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA