Home Blog Page 1615

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlay geerida madaxwaynihii hore ee Soomaaliland.

0

Sabti 16- Nov-2024 {HMC} Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, ehellada iyo guud shacabka Soomaaliyeed, geerida naxdinta leh ee ku timid Alle ha u naxariistee Madaxweynihii hore ee Somaliland, Marxuum Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo caawa ku geeriyooday magaalada Hargaysa.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xusay doorkii taariikhiga ahaa ee Marxuumku kasoo qaatay u adeegidda iyo horumarinta dalkiisa, gaar ahaan meertadiisii hoggaaminta Wasaaradaha Qorsheynta iyo Ganacsiga ee Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Silaanyo ayaa sidoo kale ku suntanaa kaalintiisii lama ilaawaan ee furitaanka albaabka wada hadallada Somaliland iyo dowladda Federaalka Soomaaliya.

“Innaa lillaahi wa innaa ileyhi Raajicuun, Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska, qaraabada iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Madaxweynihii hore ee Somaliland, Marxuum Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo caawa ku geeriyooday magaalada Hargaysa,” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Madaxweynaha Soomaaliya oo sii hadlayey ayaa yiri, “Madaxweyne Siilaanyo, waxa uu door weyn ka soo qaatay dowladnimada dalka, innaga oo ku xasuusanayna sida ay uga go’nayd dib usoo celinta midnimada iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed oo uu door lama ilaawaan ah kulahaa furitaanka wadahadallada Somaliland iyo DFS”.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa marxuumka Alle u weydiiyay in uu hoygiisa ka yeelo Janatul Firdowso, sabar iyo iimaanna uu ka siiyo ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay.

Madaxweyne hore Siilaanyo oo caawa ku geeriyooday Hargeysa ayaa maamulka Somaliland wuxuu sheegay in maalinta Isniinta ah la aasi doono meydkiisa.

Madaxweynihi hore ee Somaliland oo geeriyooday

0

Sabti 16- Nov-2024 {HMC} Allah ha u naxariistee, waxaa xalay fiidkii magaalada Hargeysa ku geeriyooday madaxweynihi hore ee Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud oo ku magac dheeraa Siilaanyo.

Axmed Siilaanyo oo ay da’diisu aheyd 86 sano jir, ayaa ku geeriyooday hoyga uu ka deganyahay magaalada Hargeysa, sidaasi waxaa xaqiijiyay madaxweynaha Somaliland Muse Biixi Cabdi. Muse, ayaa sidoo kale ka tacsiyeeyay geerida madaxweynihi hore.

Siilaanyo ayaa noqday madaxweynihi afraad ee Somaliland, inti udhaxeysay 2010-ki 2017-ki. Wuxuu kaloo soo hogaamiyay xisbiga hadda talada Somaliland haya ee Kulmiye.

Axmed Maxamed Maxamuud, wuxuu ku dhashay gobolka Togdheer qiyaasti sannadki 1938-ki. Wuxuu jagooyin kala duwan kasoo qabtay dowladihii rayidka iyo tii kacaanka ee Soomaaliya, isaga oo soo noqday wasiirka ganacsiga iyo wasiirka qorsheynta iyo jagooyin kale.

bilyaneerka reer maraykan oo qaaday tallaabo oo la xiriirta xiisadda Mareykanka iyo Iran.

0

Sabti 16- Nov-2024 {HMC} Elon Musk, bilyaneerka sida aadka ah ugu dhow madaxweynaha la doortay ee Mareykanka Donald Trump, ayaa la kulmay safiirka Iran u fadhiya Qaramada Midoobay si uu u qaboojiyo xiisadda u dhaxeysa Tehran iyo Washington, waxaa sidaas Khamiistii weriyey wargeyska The New York Times.

Wargeyska ayaa ka soo xigtay ilo-wareedyo aan la magacaabin oo Iiraaniyiin ah in ay ku qeexeen kulanka dhexmaray ninka ugu taajisan adduunka iyo danjire Amir Saciid Iravani “mid wanaagsan.”

Labada nin waxay in ka badan hal saac ku kulmeen goob qarsoodi ah Isniintii, ayuu yiri wargeyska.

Kooxda kala-guurka ee Trump iyo ergada Iran ee Qaramada Midoobay midna si degdeg ah uma xaqiijin kulanka, iyadoo howlgalka Iran ee QM uu sheegay in aysan wax faallo ah ka bixineyn.

Kulanka, haddii la xaqiijiyo, wuxuu bixin karaa tilmaam horudhac oo ah in Trump ay dhab ka tahay diblomaasiyadda Iran, oo uusan dooraneyn habka dagaalka ahaa ee ay doorbidayaan xubno badan oo ka tirsan xisbigiisa Jamhuuriga iyo Israa’iil.

Waxay sidoo kale muujin doontaa mar kale saameynta aan caadiga ahayn ee Musk, milkiilaha Tesla iyo X, oo si joogta ah ugu dhow dhinaca Trump, ayada oo lagu soo waramayo inuu xitaa kala qeyb-galayey wada sheekeysiyada taleefoon ee hoggaamiyeyaasha adduunka.

Trump ayaa muddo xileedkiisii koowaad ee xafiiska waxa uu jeex-jeexay heshiis ku saabsan barnaamijka Nukliyeerka Iran oo uu ka shaqeeyey madaxweynihii isaga ka horreeyay ee Barack Obama, taa beddelkeeda waxa uu doortay siyaasad “cadaadiska ugu sarreeya”ah oo ay ka mid tahay in uu ka shaqeeyo in uu ku qasbo waddamada kale in aysan iibsan saliidda Iran.

Balse Trump waxa uu isu muujiyey inuu yahay heshiis sameeye weyn, waxaana ololihiisii ugu dambeeyey uu ka dhawaajiyey inuu u furfuran yahay diblamaasiyadda, inkasta oo ay jirto taageeradiisa xooggan ee ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu, kaas oo horey u amray weerar ka dhan ah Iran.

Madaxweynaha Iran Masoud Pezeshkian, oo loo arko inuu yahay qunyar socod ka tirsan dowlad wadaaddo ah, ayaa Khamiistii u sheegay madaxa hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan ilaalinta Nukliyeerka ee booqanaya Iran, in Tehran ay doonayso inay meesha ka saarto shakiga ku saabsan barnaamijkeeda Nukliyeerka ee “nabadda ah”.

Safiirka Iran ayaa sidoo kale ku booriyay Musk intii uu socday kulankooda inuu raadiyo in uu ganacsi ka sameeyo Tehran, ayada oo laga reebayo cunaqabateynta Mareykanka, ayuu yiri wargeyska The Times, isagoo soo xiganaya sarkaal ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda Iran.

Trump ayaa Musk iyo musharaxii hore ee madaxweynaha Mareykanka ee Jamhuuriga Vivek Ramaswamy u magacaabay in ay hoggaamiyaan wax cusub oo lagu soo daray dowladda oo lagu magacaabo “Department of Government Efficiency” ama “Waaxda Wax-ku-oolnimada Dowladda,” oo la doonayo inay wax ka qabato shaqo xumada hay’adaha dowladda.

Hindisaha cusub ayaa dhaliyay su’aalo ku saabsan dano is-diidan oo arrintan ka dhallan kara, sababo la xiriira is-dhexgalka ballaaran ee ganacsiyada Musk iyo dawladda.

Cinwaanka Waaxdan cusub ayaa laga abuuray X, oo hore u ahaan jirtay Twitter, halkaasi oo dadka laga codsaday in ay kusoo shaqo codsadaan ayaga oo soo diraya farriin toos ah.

“Waxaan u baahanahay shaqaale caqligoodu sarreeyo oo kacaani ah oo asbuucii shaqeeya 80+ saacadood,” ayaa lagu yiri qoraalka, oo intaas ku daray Elon iyo Vivek ay eegi doonaan codsadayaasha ee ugu sarreeya ee ah 1%.

Dowladda Netherland oo ka badbaaday qalalaaso siyaasadeed

0

Sabti 16- Nov-2024 {HMC} Ra’iisul Wasaarada dalka Holland Dick Schoof ayaa sheegay in dowladdiisu ay ka badbaaday qalalaase siyaasadeed, kaddib marki ay Jimcihi shalay is casishay wasiirkii maaliyadda, sababo la xiriiray caro ay ka qaadday qaabka ay dowladda u maareysay rabshadihi ka dhashay taageerayaal dhinaca kubadda cagta oo isugu gacan qaaday magaalada Amesterdam todobaadki hore.

Nura Ashahbar, oo aheyd Wasiirki Maaliyadda, isla markaana ah gabadh asal ahaan kasoo jeeda Morocco balse heysata dhalashada Netherlands ayaa Jimcihi si lama filaan ah u gudbisay iscislaadeedda.

Afar ka mid ah xisbigeeda NSC ee siyaasaddiisu dhex-dhexaadka tahay ayaa iyaguna wacad ku maray in ay is casili doonaan, arrintaasi ayaa keentay in kulan deg deg ah ay isugu yimaadaan golaha wasiirrada.

Ra’iisulwasaaraha Dhajka, Dick Schoof ayaa xalay sheegay in golahiisa wasiirrada ay gaareen heshiis lagu soo afjaray xasaraddan, isla markaana ay iscasishay kaliyah Nura Ashahbar, lagana baaqsaday is casilaado kale.

Ashahbar, ayaa u sababeysay is casilaadeedda hadallo todobaadkaan kasoo yeeray hogaamiyaha xisbiga midigta fog ee Holland Geert Wilders, kuwaas oo uu si cunsuriyadi ku dheehantahay ugu weeraray bulshada asal ahaan kasoo jeedda Morocco ee ku nool dalka Holland.

Wilders ayaa Arbacadi ku eedeeyay dadka Morookaanka ah in ay ka danbeeyeen iskudhacyo dhex maray Isara’iiliyiin u badnaa taageerayaasha koox kubadda cagta ah oo ka socotay Isra’il iyo taageerayaal Muslimiinta Holland ah oo badankooda watay cimmaamadaha Falastiin.

Wilders ayaa yiri: “waxaan aragnay Muslimiin ugaarasanaya Yahuud, iyo Morookaan rabay in ay burburiyaan Yahuud.”

Wasiiradda Iscasishay, Nura Ashahbar ayaa hadalkaasi ku tilmaantay mid kala qeybinaya bulshada reer Holland, isla markaana dhaawac ku ah wadajirka, sidaasi daraadeedna aysan la shaqeyn karin dowladdaan wadaaga ah ee Holland.

{DHAGEYSO} Warka Habenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {15.11.2024}

Jimca 14 Nov 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Habenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Muse

Farsamadii ::Muse Ali Heroow

HAKAAN KA DHEGEEYSO WARKA HABEENIMO

{DAAWO SAWIRADA} Booliiska Soomaaliya oo ka shiray ilaalinta xaquuqda Muwaadiniinta.

0

Jimco 15- Nov-2024 {HMC} Sareeye gaas Asad Cismaan Cabdullaahi Taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliya  ayaa magaalada Muqdisho kulan gaar ah kula qaatay qeybaha kala duwan ee taliyaasha ciidanka Booliiska magaalada Muqdisho.

Kulanka ayaa ahaa mid looga hadlaayay xoojinta amniga iyo ilaalinta xuquuqda Muwaadiniinta, waxaana ka qeyb galay Taliyaha qeybta guud ee Booliiska gobolka Banaadir Macalin Mahdi, taliyaaasha Saldhigyada degmooyinka gobolka Banaadir iyo saraakiil kale.

Taliyaasha Saldhigyada degmooyinka gobolka Banaadir ayaa kulanka looga dhageystay warbixino la xiriira amniga guud ee Caasimadda.

Taliyaha Asad Cismaan ayaa faray taliyaasha iyo saraakiisha kale ee ciidanka Booliiska iney ilaaliyaan xuquuqda Muwaadiniinta iyo maxaabiista, islamarkaana ay ka fogaadaan wax walba oo xadgudub kalu ah ah shacabka Soomaaliyeed.

“Taliye Asad ayaa saraakishan ku adkeeyay in ay si wanaagsan ula dhaqmaan maxaabiista, iyagoo ilaalinaya xuquuqda muwaadinimo, islamarkaana aysan ku xadgudbin, in ay ka duwanaadaan ciidammada kale, iyagoo xoogga saaraya habdhaqan wanaagsan oo bulshada lagu kasban karo, iyo sugidda amniga maadaama ay yihiin saaxiibka bulshada” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Taliska Ciidanka Booliiska Soomaaliya.

Shirkaan looga arinsanaayay amniga guud ee Caasimada Soomaaliya ee Muqdisho ayaa waxa uu ku soo aadaya, iyadoo maalmahii lasoo dhaafay amniga guud ee Muqdisho uu ahaa mid wanaagsanaa.

Maxaa ka taqanaa 4 qof ee Muslimiinta ah ee ku Guuleeystay Doorashadii Maraykanka?

0

Jimco 15- Nov-2024 {HMC} Xisbiga Jamhuuriga ayaa ku guuleystay aqlabiyadda Congress-ka doorashadii dhawaan ka dhacday Mareykanka, doorashadaas oo u muuqata in xisbiga Jamhuurigu helay awoodda labada aqal ee Senateka iyo Kongareeeska.

Xubnaha Kongareeska ee la doortay waxaa ka mid ah afar xubnood oo Muslimiin ah. xubnahaas ayaa isugu jira kuwa horrey ka tirsanaa aqalkaas iyo kuwo hadda ku guulaystay xilkaas.

Hal xubin oo ka mida ayaa ku cusub xilkan balse saddex kale ayaa horrey xilkaan u hayey kuwaas oo difaacday kuraastooda.

Xubnahan Muslimiinta ah ee loo doortay aqalkaas ayaa Capitol Hill fariisan doona bisha Janaayo ee sanadka 2025-ka iyadoo xukunka aqalka cad uu ku soo laabtay Donal Trump oo kuwii horey ugu jiray aqalkaas dagaal siyaasaddeed oo adag dhexmaray.

Ilhaan Cumar

Ilhaan Cumar oo asal ahaan ka soo jeeda Soomaaliya ayaa markeedii saddexaad ku guulaysatay jagadan markii ugu horreysay ayaa loo doortay xilkaas sanadkii 2019-kii.

Waxaa laga soo doortaa gobolka Minnesota halkaas oo ay deggaan Soomaali badan oo xilal kale oo heer gobolka iyo degmo ka haya.

Waxay si weyn caan ugu tahay u doodista dib-u-habaynta socdaalka iyo sinnaanta dhaqaalaha, maadama ay iyadu taariikh ahaan la xirirto arrimaha qaxootiga.

Ilhaan ayaa lagu xasuustaa wixii kala qabsaday Donal Trump oo markiisii labaad ku guulaystay doorashadii bilowgii Bishan ka dhacday Maraykanka.

Trump ayaa dhowr jeer fagaarayaal ka weeeraray Ilhaan Cumar isagoo ku tilmamaay inay doonayso inay Maraykanka ka dhigto sida dalkii ay ka timi asal ahaan oo ula jeeday Soomaaliya.

Ilhaan ayaa iyaduna Trump ku tilmamaay mid khatar ku ah dadka Muslimiinta, madowga iyo soo galootiga.

Xildhibanaad Ilahan Cumar ayaa ku dhalatay Soomaalid sanadkii 1982-dii iyada iyo qoyskeeda ayaa dalka Maraykanka ku tagay qaxootinimo.

Ilhaan Cumar ayaa noqotay gabadhii ugu horreysay ee iyadoo xijaaban fadhiisata aqalka Koongareeska Maraykanka.

Rashida Tlaib

Waxaa Iyadana loo doortay xildhibaan ka tirsan Kongareeska Maraykanka Rashida Tlaib, oo ah gabar muslim ah oo asal ahaan ka soo jeeda Falastiin.

Rashida, oo ah 48 jir ka soo jeeda gobolka Michigan ayaa iyaduna mar kale Congress-ka ku metelaysa Michigan. Waxay teeramkii hore ahayd haweeneydii ugu horreysay ee Falastiini-Maraykan ah oo Congress-ka gasha.

Waxay si weyn ugu ololeysaa daryeel caafimaad oo qiimo jaban leh iyo xuquuqda shaqaalaha, iyada oo badanaa u dooda horumarinta nolosha dadka danyarta ah.

lhaan Cumar iyo Rashida Tlaib ayaa taariikhda ku galay iney noqdaan gabdhihii muslimiinta ahaa ee ugu horreyay ee abid ku biiray aqalkaas, waxaana lagu soo doortay tigid-ka xisbiga Dimuqraaddiga.

Si la mid Ilhah, Rashida ayaa hadalo kulul kala kulantay Trump muddo xileedkiisii hore.

Rashida Tlaib, ayaa ku dhalatay bsihii July 24, 1976 , magaalada Detroit, ee gobolka Michigan ee Maraykanka.

Andre Carson

 

Andre Carson, oo 50 jir ah oo ka socda Indiana ayaa isna kursigiisa xajistay. Wuxuu Congress-ka ku jiray tan iyo sanadkii 2008-dii.

Wuxuu muddo dheer ka tirsanaa Booliska Maraykanka, khibradiisa boolisnimo awgeed, wuxuu diiradda saaraa amniga dadweynaha iyo ammaanka qaranka. Carson ayaa caan ku ah inuu inta badan ka shaqeeyo sharciyada labada xisbi si wadajir ah uga dhex shaqeeyaan, taas oo ka dhigtay inuu dhex-dhexaad ku yahay siyaasadda Congress-ka.

Bsihii October 16, 1974-tii ayuu Carson ku dhashay magaalada Indianapolis, ee gobolka Indiana, ee dalka Maraykanka.

Lateefah Simon

Lateefah Simon, ayaa markeedii ugu horrreysan ka mid noqonaysa xubnaha aqalka Kongareska iyadoo laga soo doortay gobolka California.

Haweenaydan 47 sano jirka ayaa noqonaysa qofkii saddexaad ee dumar muslim ah oo ku biirta aqalka Kongaresska.

Waxay leedahay waayo-aragnimo dheer oo ku aaddan u doodista xuquuqda madaniga ah.

Sanadkii 2016, Simon waxaa loo magacaabay Golaha Sare ee Jaamacadda Gobolka California.

Waa hooyo leh labad carruur ah, seygeeda Kevin Weston, wuxuu ahaa wariye basle waa uu ka geeriyooday.

Simon, waxay bishii January 29, sanadkii 1977-kii ku dhalatay magaalada San Francisco,ee gobolka California ee dalka Maraykankanka.

Afartoodaba, Rashida, Ilhan, Lateefah iyo Carson waxay ka tirsan yihiin xisbiga dimuqradiga ah ee dalka Maraykanka.

Ururka muslimiinta CAIR, ayaa u hambaleeyey xubnahan cusub ee musliinta ee ku soo baxay doorashooyinka Maraykanka.

Afartan qof ee muslinka ah ee ka mid noqday xubnaha aqalka 535-ta xubnood ee uu ka kooban yahay aqalka Wakiilada ee Maraykanka.

Marka laga soo tagao Lateefah Simon iyo Carson, labada kale Ilhan iyo Rashida ayaa aqalka ku laabanaya iyadoo dalka madaxweyne ka yahay Donal Trump oo dagaal siyaasadeed oo xoog leh soo dhexmaray muddo xileedkiisii hore.

Ilhan iyo Rashida ayaa labaduba taageeray xabad joojin laga dhaqan galiyo Qasa.

XIGASHO BBC

Maxeey Looga Hadlay kulankii dhaxmaray Elon Musk iyo safiirka Iran ee Qaramada Midoobay

0

Jimco 15- Nov-2024 {HMC} Elon Musk, oo ah la taliyaha ugu dhow ee madaxweynaha la doortay Donald J. Trump, ayaa Isniintii magaalada New York kula kulmay safiirka Iran u fadhiya Qaramada Midoobay, kulankaas oo ay laba mas’uul oo Iran ka tirsan ku tilmaameen mid looga hadlay sidii loo qaboojin lahaa xiisadda u dhaxeysa Iran iyo Mareykanka.

Iiraaniyiintu waxay sheegeen in kulanka Mr. Musk iyo danjire Amir Saciid Iravani uu qaatay in ka badan hal saac, waxaana lagu qabtay goob qarsoodi ah. Iraaniyiinta, oo doorbiday in aan magacooda la soo qaadin maadaama aan loo ogolayn inay si cad uga hadlaan siyaasadda, waxay ku tilmaameen kulanka”mid dhanka wanaagsan loo qaaday iyo “war fiican.”

Mar wax laga weydiiyey inuu jiro kalfadhi noocan oo kale ah ayaa Steven Cheung, oo ah agaasimaha warfaafinta ee Mr. Trump, wuxuu yiri, “Kama faalloonno warbixinnada shirar gaar ah oo dhacay ama aan dhicin.” Mr. Musk kama jawaabin codsi faallo ah.

Karoline Leavitt, oo ah afhayeenka kala guurka ee maamulka cusub ee Trump-Vance, ayaa bayaan ay soo saartay ku tiri: “Dadka Mareykanka waxay mar kale doorteen madaxweyne Trump sababtoo ah waxay ku kalsoon yihiin inuu hoggaamiyo dalkeenna oo uu soo celiyo nabadda iyadoo xoog loo marayo adduunka oo dhan. Marka uu ku laabto Aqalka Cad, waxa uu qaadi doonaa tallaabada lagama maarmaanka ah si uu taas u sameeyo” ayey tiri.

Mr. Musk ayaa u muuqda inuu yahay muwaadinka dadka caadiga ah ugu awoodda badan is beddelka Trump. Intii lagu guda jiray wadahadal uu todobaadkii hore Khadka isgaarsiinta kula yeeshay madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelensky, madaxweynaha la doortay ayaa taleefanka u dhiibay bilyaneerka. Mr. Musk ayaa door muhiim ah ka ciyaaray siinta awooda isgaarsiineed ee Ukraine dagaalka lagula jiro Ruushka.

Kulan hore oo toos ah oo dhex maray sarkaal sare oo Iran ka tirsan iyo Mr. Musk ayaa sare u qaadaya suurtogalnimada isbeddelka codka u dhexeeya Tehraan iyo Washington ee maamulka Trump, inkastoo taariikh dacwadeed oo u dhaxaysa madaxweynaha la doortay iyo Iran. Mid ka mid ah saraakiisha Iran ayaa sheegay in uu ahaa Mr. Musk kan codsaday kulanka, isla markaana uu safiirku goobta soo doortay.

Muddo-xileedkii ugu horreysay ee Trump ayuu Maraykanka ka saaray heshiiskii nukliyeerka ee 2015 ee u dhexeeya Iran iyo quwadaha adduunka, isaga oo ku tilmaamay “heshiis hal dhinac ah oo aad u xun oo ay ahayd inaan waligiis la samayn,” wuxuuna ku soo rogay cunaqabatayn dhaqaale oo adag saliidda Iran iyo macaamilka bangiyada caalamiga ah. Waxa uu sidoo kale amray in sanadka 2020 lagu dilo jeneraal sare oo u dhashay Iran, Qaasim Suleymaani.

Isaga oo ka jawaabaya, hogaamiyaha ugu sarreeya Iran ayaa mamnuucay wax wada xaajood ah oo lala yeesho maamulka Trump, waxaana saraakiisha Iran ay wacad ku mareen inay ka aargudan doonaan dilka Mr. Suleimani. Dacwad oogayaasha dowladda Federaalka ayaa sheegay in todobaadkii hore ay maxkamad soo taageen in Iran ay maleegtay shirqool la doonayey in lagu dilo Trump kahor doorashada.

Laakiin wixii ka dambeeyay doorashadii Mr. Trump ee todobaadkii hore, Iran waxa ay si cad uga doodaysay in ay hadda heshiis cusub oo waara la geli karto Maraykanka. Xubno badan oo ka mid ah xukuumadda cusub ee Madaxweyne Masoud Pezeshkian ayaa doorbidaya gorgortanka, iyaga oo ku doodaya in Mr. Trump uu jecel yahay inuu sameeyo heshiisyo iyo in ay jiri karto fursad ah in cunaqabataynta laga qaado.

Qaar badan oo ka mid ah dhinaca muxaafidka ah ee Iran ayaa ka soo horjeeda la shaqeynta Mr. Trump, iyo wada xaajood kasta – ama heshiis – waa in uu ansixiyo hoggaamiyaha ugu sarreeya, Ayatullah Cali Khamenei. Mr.Trump waxa uu si weyn u taageeraa Israa’iil oo dagaal kula jirta malleeshiyaadka Xamaas iyo Xisbullah oo ay Iran taageerto tan iyo weerarkii 7-dii Oktoobar ee sannadkii hore.

Khamiistii, qoraal uu soo dhigay X, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iran, Abbas Arakchi, wuxuu yiri: “Khilaafka waxaa lagu xallin karaa iskaashi iyo wadahadal. Waxaan ku heshiinay inaan ku sii ambaqaadno geesinimo iyo niyad wanaag. Iran waligeed kama aysan bixin miiska wada xaajoodka barnaamijkeeda nukliyeerka ah.”

Mr. Araghchi ayaa hadalkan jeediyay ka dib kulan uu Tehran kula yeeshay Rafael Grossi, madaxa hay’adda ilaalinta atoomigga ee Qaramada Midoobay.

Falanqeeyayaasha ayaa sheegay in dhammaan taariikhda uurku taallada leh ee kala dhaxaysa Mr. Trump, ay Iiraaniyiintu u muuqdeen kuwo doonaya in albaabka diblamaasiyadda uu sii furnaado. Waxay kaloo sheegeen Mr. Trump uu sidoo kale u muuqdo inuu danaynayo.

“Guud ahaan, wax walba waa u suurtoobaan Trump,” ayuu yiri Ali Vaez, oo ah agaasimaha kooxda xasaradaha caalamiga ah ee Iran. “Waxa uu u muuqdaa inuu danaynayo heshiis lala galo Iran.” Laakiin la taliyayaasha qaar, ayuu sheegay in laga yaabo inay door bidaan habab kale, oo ay ka mid yihiin kordhinta cadaadiska Iran.

Labada mas’uul ee Iran ayaa sheegay in kulanka uu la yeeshay Mr. Musk uu ahaa mid ay Iran uga faa’iidaysteen inay si toos ah ula fariistaan sarkaal Mareykan ah. Mr. Musk ayaa si kastaba ha ahaatee ku yeelan doona door rasmi ah dhawaan. Waxaana dhawaan loo magacaabay hay’ad cusub oo la yiraahdo hay’adda maaraynta hawlkarnimada.

Mid ka mid ah saraakiisha wasaaradda arrimaha dibadda ee Iran ayaa sheegay in danjire Iravani uu u sheegay Mr. Musk intii uu socday kulanka in uu ka shaqeeyo sidii hay’adda lacagta ay cunaqabataynta uga qaadi lahayd, ganacsigiisana uu Iran u soo gaarsiin lahaa.

Ergada Iran ee Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in aysan si cad uga hadlayn kulanka.

XIGASHO BBC

Qaxooti itoobiyaanka ee Ku sugan Somaliya oo Bilaabay in ay baxsadaan astaamaha Qabuuraha, iyo Dadkii oo Cabasho ka ah

Jimco 15- Nov-2024 {HMC} Wararka ka imaanaya Magaalada Caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in Ethiopian kii ku soo qaxay Magaaladaasi ay bilaabeen xaalufinta birihii magaaladaasi yaalay.

 

dadka shacabka ah ee ku nool Magaalada Caabudwaaq ayaa sheegay in labada qoomiyadood ee Amxaarada iyo Oromada ee ka so jeedo Itoobiya birihii dhan ay u daabuulaan warshadahaha biraha ka shaqeeya ee Dalka Ethiopia.

Bile oo kamid ah dadka degaanka ayaa mid kamid ah warbaahinta gudaha u sheegay in Ethiopiankii Oromada iyo Amxaaradu ay bilaabeen inay labaxaan astaamaha loo sameeyo qabuuraha ku yaala magaaladaasi taasi oo xadgudub ku ah shareecada islaamka iyo dhaqanka Soomaalida.

 

Bile waxa uu xusay in magaalada gudaheedi loogu kiilo kiileeyo biraha iyo jaqafyada kale ay Qabuuraha kala soo baxaan waxaana laga siiyaa 20 sinti midkiiba.

 

Waxa uu ninkaan tilmaamay in shacabka hadda ay la’yihiin birihii ay faasaska ay ka sameysan jireen xitaa maadaama wixii biraha ee Caabudwaaq yaalay ay labadaan Qoomiyadood ee kusoo guuray Magaaladan ay xaalufiyeen.

 

Dhowaan ayay ahayd markii Degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud lagu dilay laba nin Ethiopian ah oo Qoomiyadda Oromada ah kuwaasi oo ku lug yeeshay ka ganacsiga biraha oo dhowr jeer looga digay inay suuq geeystaan.

Dowladda Soomaaliya oo bogaadisay jawiga nabdoon ay ku dhacday doorashada Somaliland

0

Jimco 15- Nov-2024 {HMC} Warsaxafadeed ka soo baxay Wasaaradda arrimaha gudaha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya ayaa lagu bogaadiyay hanaanka dimuquraadiga ah iyo jawiga nabdoon ee kusoo gabagaboowday doorashada ka dhcday deegaanada Somaliland.

Bayaanka kasoo baxay Wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya ayaa sidoo kale lagu sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka go’an tahay awood siinta shacabka Soomaaliyeed iyo qabashada doorasho qof iyo cod ah.

Warkaan ka soo baxay Wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya ayaa kusoo aadaya, iyadoo doorashooyinka ka qabsoomay Somaliland ay ku soo dhamaadeen si nabad ah, islamarkaana goobjoogayaasha caalamiga ah ee doorashada kor joogteynaayay ay sheegeen dhankooda in doorashada ay aheyd mid u dhacday si cadaalad ah.

HOOS KA AKHRISO WARSAXAAFADEEDKA