Home Blog Page 1624

Dadweynaha Somaliland oo safaf dhaadheer ugu jira goobaha codbixinta

0

Arbaco 13, Nov 2024 {HMC} Dadweynaha Jamhuuuriyadda iskeed madax bannaanida ugu dhawaaqaday ee Somaliland ayaa saaka u dareeray goobaha codbixinta dooorashooyinka isku sidkan ee madaxtooyada iyo tan ururada.

Xilka madaxweynaha waxaa ku tartamaya saddex musharax oo uu ka mid yahay madaxweynaha hadda xilka haye Muuse Biixi Cabdi kana socda Xisbiga Kulmiye, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Cirro oo u sharaxn Xisbiga Mucaaradka ee Waddani, iyo Faysal Cali Waraabe oo ka socda Xisbiga Ucid.

Saddexda Xisbi ee u tartamaya madaxtooyada iyo ilaa toddobo urur oo kale ayaa la filayaa in ay ka soo baxaan saddex Xisbi oo bud-dhig u noqda Somaliland.

Madaxweyne Biixi ayaa xilka hayay toddobo sano, iyadoo ay ahayd in doorashadu dhacdo sanadkii 2022-kii hase-yeeshee taa ma dhicin oo laba sano ayuu ku darsaday, taasoo dhalisay muran iyo is qab-qabsi.

Doorashadan ayaa noqonaysa tii siddeedaad ee ka dhacaysa Somaliland tan iyo intii ay ku dhawaaqday in ay ka go’day Soomaaliya inteeda kale 33 sano ka hor.

{DAAWO MUQAALKA} Markab hub iyo saanad militari oo u sida Israa’iil ayaa ku xirtay deked ku taalla Morocco

0

Arbaco 13 Nov, 2024 {HMC} Markab hub iyo saanad militari oo u sida Israa’iil ayaa ku xirtay deked ku taalla Morocco

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

Muuse Biixi oo eedeyn layaab leh ujeediyay Dowladda JABUUTI.

0

Arbaco 13, Nov 2024 {HMC} Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa sheegay in Jabuuti ay Somaliland usoo jeedisay eedo aan sal iyo raad lahayn, isla markaana ay ka xumaatay in Somaliland ay Itoobiya heshiis la gasho.

“Jabuuti waa dowlada ugu dhaw Itoobiya caalamka oo dhan ee la macaamisha hadana ka xanaaqsan maxay Somaliland Itoobiya ula macaamilaysa, waliba eedo aynaan lahayn ayay inoo soo jeedisay, shir ayaa nalagu khayaameeyay, dhabarka ayaa nalaga jabiyay” ayuu yidhi Biixi.

Waxa uu sheegay in reer Somaliland ay walaaltinimo iyo wanaag u hayaan dowlada Jabuuti, lakiin Jabuuti ay ka xuntaay kali ah in ay Somaliland wax qabsato, waxa uu sheegay in anay Somaliland qabanin in lagu yidhaa maxad Itoobiya ula hadlaysaan.

Waxa uu sheegay in Somaliland anay Jabuuti khayaamo kula kicin, lakiin shir uun lagu qabtay Jabuuti, kaasi oo aan heshiis laga soo saarin lakiin lagu balamay in laysku soo noqdo oo kali ah.

Waxa uu ugu baaqay in berri shacabka Somaliland ay muujiyaan midnimo iyo qaranimo, isaga oo sheegay in markii ugu horaysay ay Somaliland heshay dowlad diyaar u ah in ay aqoonsato, taasi oo ah Itoobiya.

Dowlada Jabuuti ayaa kamid ahayd dowladaha sida gaar ka ah uga cadhooday is-afgaradkii Somaliland iyo Soomaaliya, iyada oo qaaday talaabooyin ay ku hor istaagayso.

{DAAWO MUQAALKA} TikTokerada reer Uganda ee xabsiga loo dhigay in ay aflagaadeeyeen madaxweynaha iyo qoyskiisa

0

Arbaco 13 Nov, 2024 {HMC} TikTokerada reer Uganda ee xabsiga loo dhigay in ay aflagaadeeyeen madaxweynaha iyo qoyskiisa

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

{DAAWO MUQAALKA} Ninkii La’haa Fikirka Todobo Wadan oo Islama Looga Mamnucay Mareykanka Oo Markale Xil Loomagacaabay

0

Arbaco 13 Nov, 2024 {HMC} Ninkii La’haa Fikirka Todobo Wadan oo Islama Looga Mamnucay Mareykanka Oo Markale Xil Loomagacaabay

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

{DAAWO MUQAALKA} Sirdoonka Iran oo jabsaday Xogta Saraakiisha Nuclearka Israel

0

Arbaco 13 Nov, 2024 {HMC} Sirdoonka Iran oo jabsaday Xogta Saraakiisha Nuclearka Israel

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

{DAAWO MUQAALKA} Trump magacaabay Shaqsi Caan Ku Ah Naceybka tahriibayaasha sharci-darrada ku jooga Mareykanka

0

Arbaco 13 Nov, 2024 {HMC}Trump magacaabay Shaqsi Caan Ku Ah Naceybka tahriibayaasha sharci-darrada ku jooga Mareykanka

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

Mucaaradka Jubaland oo ku qaaday tallaabo xasaasi ah oo ay ku qabanayaan………

0

Arbaco 13, Nov 2024 {HMC} Qaar ka mid ah mucaaradka Jubaland ayaa ku hanjabay in ay qaban doonaan doorasho hal dhinac ah, kaddib markii ay ka hor yimaadeen guddiga doorashada Jubbaland.

Mucaaradka ayaa ku gacan sayray magacaabista madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe uu Sabtidii ku magacaabay guddiga madaxa banaan ee xuduudaha iyo doorashooyinka (IBEC) oo ka kooban 7 xubnood.

Waxay su’aal galiyeen kalsoonida uu guddigan ku maamuli karo doorashada madaxweynaha iyo tan baarlamaanka ee lagu wado inay dhacdo dabayaaqada 2024-ka.

Axmed Madoobe ayaa sheegay inuu kala tashaday madaxweyne ku xigeenada Jubaland magacaabista guddigan oo ka kooban 7 xubnood.

Cabdullaahi Cali oo ah musharax u taagan xilka madaxtinimo ee Jubbaland, horeyna qaxooti uga soo noqday dalka Kenya ayaa sheegay in madaxweynaha uusan awood u laheyn inuu soo magacaabo mas’uuliyiinta guddiga doorashada..

“Habka lagu soo xulayo guddigan doorashada gabi ahaanba waa hal dhinac, iyadoo aan la tixgalin baahida loo qabo wada tashi ballaaran iyo daah-furnaan, mucaaradku waa inay xaq u leeyihiin inay soo magacaabaan in ka badan 50 boqolkiiba xubnaha guddiga doorashada si loo helo matalaad isku dheeli tiran,” ayuu yiri Cabdullaahi Cali.

Waxa uu sheegay in habka uu u dhaqmayo Madoobe ay meesha ka saartay kalsoonidii lagu qabay hannaankan.

Si kastaba ha ahaatee, baarlamaanka Jubaland ayaa meel mariyay guddigan la magacaabay, kuwaas oo shalay iska dhex doortay guddoo hoggaamiya.

NISA oo sheegtay in howlgal ka dhacay lagu dilay 23 xubnood oo katirsan kooxda AS.

0

Arbaco 13, Nov 2024 {HMC} Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA ayaa sheegtay in howlgal qorshaysan ay ku dileen ilaa 23 xubnood oo ka tirsan Alshabaab, halka tiro kale oo ka tirsan kooxdan la dhaawacay.

Howlgalkan ayaa xalay ka dhacay deegaan lagu magacaabo Dharaarweyn oo hoostaga deegaanka Galcad ee Gobolka Galgaduud.

Warbixin kooban oo ay soo saartay NISA ayaa lagu sheegay in hawlgalkan uu daba socday xogo sirdoon oo joogto ah oo lagu ogaanayay dhaq-dhaqaaqyadii ugu dambeeyay ee kooxda Alshabaab.

Intii uu socday dagaalka, ciidanka NISA ayaa la sheegay inay gubeen saddex gaari oo ay Shabaabku wateen, midkoodna uu ahaa nooca Cabdi Bile.

NISA waxay sheegtay gaadiidka ay gubeen in ay ku xirnaayeen hub iyo rasaas, taasoo ay kooxdu ku qorsheynaysay inay ku qaado weerarro.

NISA waxay sheegay in ay ka go’an tahay in ay meel kasta ku beegsadaan kooxda AS, ayna ka shaqeyn doonaan sidii ay u xaqiijin lahaayeen nabadda iyo amniga dalka.

Isra’il iyo Xisbullah oo is weydaartay duqeymo culus

0

Arbaco 13, Nov 2024 {HMC} Ciidamada Israa’iil ayaa duqaymo dhanka cirka ah ku garaacay Talaadadi shalay magaalada caasimadda ah ee Beyruut ee ku taal koonfurta dalkaasi Salaasadii, halka ugu yaraan 20 qof ay ku dishay duqeymo kale oo ay ku bartilmaameedsatay bartamaha Lubnan shalay.

Duqeymihi shalay ee Beyrut ayaa lagu sheegay kuwi ugu cuslaa oo ay Isra’il maalin cad ku beegsato meelaha ay Xisbullah ka taliso ee dalka Lubanan.

Isra’il waxay sheegtay in ay garaacday bartilmaameedyo ay Xisbullah ku leeyihiin deegaanka Daaxiya ee magaalada Beyrut. War ay goor danbe oo shalay ah soo saartay ayay ku sheegtay in ay burburisay inta badan baqaarrada hubka ee Xisbullah.

Dhanka kale, Xisbullah ayaa iyaduna Talaadadi shalay madaafiic ku garaacday waqooyiga Isra’il. Laba qof ayaa ku dhintay kaddib marki uu madfac ku dhacay xaafado la deganyahay oo ka tirsan magaalada Nahaariya ee waqooyiga Isra’il.
Xisbullah ayaa sheegatay masuuliyadda weerarkaasi. Waxay sheegtay inay weerarka uu ku wajahnaa saldhig millatari oo ku yaalla bariga Nahaariya.

Millatariga Isra’il waxay sheegeen in dadka Israa’iiliyiinta ah ee ku nool waqooyiga lagu qasbay in ay gabbaad raadsadaan kaddib marki diyaaradaha aanan duuliyaha laheyn ee Xisbullah ay weerar ku qaadeen aaggaasi Talaadadi shalay. Isra’il waxay sheegtay in duqeymahaasi aysan cidna wax ku noqon.