Home Blog Page 1627

{DAAWO MUQAALKA} Deegaannada maamulka Somaliland oo berri looga dareerayo Doorasho

0

Talaado12 Nov, 2024 {HMC}  Deegaannada maamulka Somaliland oo berri looga dareerayo Doorasho

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

{DAAWO MUQAALKA} Dadka Garacad oo xeebahooda ka cayriyay jariif ay wadeen kaluumaysato Ajaanib ah.

0

Talaado12 Nov, 2024 {HMC}   Dadka Garacad oo xeebahooda ka cayriyay jariif ay wadeen kaluumaysato Ajaanib ah.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

FAAH FAAHIN:. Ganacsato Itoobiyaan ah oo Lagu dilay Galmudug.

0

Talaado 12- Nov-2024 {HMC}  Wararka Mustaqbal ay ka heleyso Degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud Dowlad-Goboleedka Galmudug ayaa kusoo warramaya in Nin hubeysan oo la sheegay in uu xirnaa dharka Ciidanka in uu weeraray Goob lagu uruuriyo Biraha lasoo isticmaalay.

Ninkaan ayaa markii uu gudaha u galay goobtaan oo ah Geerish waxa uu toogtay mid kamid ah Itoobiyaanka ka Ganacsada Biyaha lasoo isticmaalay ee muddooyinkii dambe loo dhoofinayay Dalkaas halka mid kale uu dhaawac halis ah u geystay.

Falkaan ayaa si gaar ah uga dhacay Waaxda Istarliin ee Xaafadda Wadajir Degmada Guriceel Gobolka Galgaduud Dowlad-Goboleedka Galmudug, waxaa baxsaday Ninkii toogashada geystay oo ilaa haatan aanay jirin xog dheeraad ah oo laga helay baxsashadiisa kaddib.

Si dhab ah looma ogaan sababta keentay in Ninkaan hubeysan ee ku labisan dharka Ciidanka uu toogasho kula dhaqaaqo Ajaanibtaan ku howlanayd iibsashada Biraha oo marka ay uruuriyaan kaddib Dalkooda u rarayay.

Weli ma jiro war kasoo baxay Laamaha Ammaanka Degmada Guriceel iyo kan Dowlad-Goboleedka Galmudug oo lagu faah-faahiyay arrintaan, waxaana goobta toogashadu ka dhacday gaaray Ciidamo katirsan Laamaha ammaanka.

{DAAAWO SAWIRADA}Aadan Madoowe Iyo Wafdi uu Hogaaminayo oo u Ambabaxay Dalka Ingiriiska.

0
Talaado 12- Nov-2024 {HMC}  Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) iyo wafdi Xildhibaano ah uu hogaaminayo ayaa safar shaqo ugu ambabaxay maanta Magaaladda London ee caasimadda dalka Ingiriiska.
Safarka shaqo ee Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe uu ku tagayo magaalada London ayaa timid kadib markii uu casuumaad rasmi ah ka helay dhigiisa Dowladda Ingiriiska.

{DAAWO SAWIRADA} Wafdiga Soomaaliya ee Shirweynaha COP29 ee Baku.

0
Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Salah Ahmed Jama, ayaa hoggaaminaya wafdiga heer sare ah ee Soomaaliya uga qayb galaya Shirweynaha Caalamiga ah ee Isbeddelka Cimilada, ee COP29, kaas oo ka qabsoomaya magaalada Baku ee dalka Azerbaijan.
Shirkan muhiimka ah ayaa waxa uu diiradda saarayaa dadaallada caalamiga ah ee lagu wajahayo Isbeddelka cimilada, iyadoo Soomaaliya ay si firfircoon u mataleyso danaha iyo dedaalada ay ugu jirto la tacaalidda saameynta daran ee Isbeddelka cimilada.
Mudane Salah Ahmed Jama, ayaa shirkan uga qayb galaya mowduucyo muhiim ah oo ay ka mid yihiin: adkeynta iskaashiga caalamiga ah ee ku saabsan la tacaalidda Isbeddelka cimilada, taageerada dhaqaalaha cagaaran lagu taageero dalalka soo koraya iyo tamarta nadiifka ah, iyo kordhinta taageerada dhinaca bini’aadamnimada iyo xaaladaha deg-degga ah ee ka dhasha masiibooyinka dabiiciga ah ee saameeya Soomaaliya iyo dalalka gobolka.
Soomaaliya ayaa kamid ah dalalka ay sida weyn u saamaysay isbedelka cimiladu, waxaana ay soo bandhigeysaa qorsheyaal cad oo ka turjumaya dadaallada ay Xukuumadda DanQaran ugu jirto wax ka qabashada saameyntaas.
Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay ku dadaaleysaa sidii loo heli lahaa xal waara oo lagu yareyn karo saameynta cimilada, lana horumarin karo awoodda bulshada Soomaaliyeed ay ugu diyaar garoobi karaan xaaladaha cimilada ee sii adkaanaya.

{DAAWO MUQAALKA} Khilaaf u dhaxeeya Maamulka iyo shacabka oo ka taagan Qurac Joome

0

Talaado12 Nov, 2024 {HMC}  Khilaaf u dhaxeeya Maamulka iyo shacabka oo ka taagan Qurac Joome

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

{DAAWO MUQAALKA} Ruushka iyo Kuuriyada Waqooyi oo galay heshiis reer Galbeedka ka nixiyay

0

Talaado12 Nov, 2024 {HMC}  Ruushka iyo Kuuriyada Waqooyi oo galay heshiis reer Galbeedka ka nixiyay

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

{DAAWO MUQAALKA} Ciidamada dowladda oo iyo kuwa ATMIS oo howlgal ka sameeyay wadada xiriira Muqdisho iyo Afgooye

0

Talaado 12 Nov, 2024 {HMC}  Ciidamada dowladda oo iyo kuwa ATMIS oo howlgal ka sameeyay wadada xiriira Muqdisho iyo Afgooye.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

{DAAWO MUQAALKA} Waa kumaa Janaraal Odowaa, ninka mar labaad loo magacaabay taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaliya?

0

Talaado12 Nov, 2024 {HMC} Waa kumaa Janaraal Odowaa, ninka mar labaad loo magacaabay taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaliya?

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

Amaanka Magaalada Kismaayo oo si weyn loo adkeeyay xilli ay jirto…….

0

Talaado 12- Nov-2024 {HMC} Waxaa si weyn loo kordhiyey tallaabooyinka sugida amaanka magaalada Kismaayo iyo nawaaxigeeda, iyadoo gudaha magaalada lagu arkayo ciidamo aad u fara badan, waxaana aad loo adkeeyay heeganka xarumaha muhiimka ah oo uu ku jiro garoonka diyaaradaha Kismaayo.

Kolonyada gaashaaman iyo kuwa ciidamada daabula ayaa hadda si caadi ah loogu arkayaa waddooyinka, taasi oo ka tarjumeysa dardar gelinta dadaallada lagu adkeynayo ammaanka magaalada.

Dadka deegaanka ayaa soo sheegaya in si joogta ah loo baarayo dadka iyo gadiidka kasoo gudbaya kontaroolada iyadoona ciidamada meelaha qaar ay ku kordhiyeen roondooyinka.

Amnigaan oo aad loo adkeeyay ayaa ka dambeeyay kadib markii maalmihii lasoo dhaafay ay cirka isku sii shareereysay xiisadda u dhaxeysa maamulka Jubbaland iyo dowladda Federaalka Soomaaliya, kaasi oo salka ku haya is afgaran waaga ku saabsan arrimaha federaalka, wax ka bedelka dastuurka, hanaanka doorashada.

Ilo ku dhow dhow madaxtooyada Jubaland ayaa sheegaya in kordhinta ciidamada ee magaalada Kismaayo ay qeyb ka tahay walaaca laga qabo in xiisadaha taagan ay khalkhal galiyaan dowladnimada iyo in Al-Shabaab ay fursad ka dhex raadiso si ay uga faa’ideystaan ​​kala qeybsanaanta.