Home Blog Page 1629

{DAAWO MUQAALKA} Qof wata Magaca Johnny Somali oo lagu xiray Kuuriyada Koonfureed?

0

Talaado12 Nov, 2024 {HMC}  Qof wata Magaca Johnny Somali oo lagu xiray Kuuriyada Koonfureed?

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

{DAAWO MUQAALKA} Maxamed Bin Salmaan, ayaa markii u horreysay sheegay inay Israa’iil xasuuq ka geysanayo Qasa,

0

Talaado12 Nov, 2024 {HMC} Maxamed Bin Salmaan, ayaa markii u horreysay sheegay inay Israa’iil xasuuq ka geysanayo Qasa,

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

Garoonka diyaaradaha ee Haiti oo xiratay Burcad Hubaysan.

0

Talaado 12- Nov-2024 {HMC} Garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee caasimadda dalka Haiti ayaa Isniintii si kumeel gaar ah u xirmay, kaddib marki ay koox shufto ah oo aad u hubeysan ay rasaas oodda uga qaadeen diyaarad rakaab ah oo laga leeyahay dalka Mareykanka, xilli ay caga dhiganeysay garoonka.

Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka iyo maamulka shirkadda leh diyaaradda Spirit Airlines ayaa xaqiijiyay weeraka lagu qaaday diyaaradda, kaas oo ka dhacay gudaha garoonka caalamiga ah ee magaalada Port-Au-Prince.

Diyaaradda ayaa kasoo amba baxday magaalada Fort Lauderdale ee gobolka Florida kuna sii jeedday Port-Au-Prince. Waxaa la xaqiijiyay in dhowr xabbadood ay ka dhex duseen diyaaradda isla markaana ay dhaawacyo fudud kasoo gaareen qaar ka mid ah rakaabka.

Diyaaradda ayaa marki danbe ku degtay Jasiiradda Dominican Republic. Kooxda burcadda ah ee weerartay ayay Safaaradda Mareykanku ku sheegtay mid lagu rabay in lagu xiro isu socodka magaalada caasimadda ah ee Port-au-Prince.

Dhanka kale, Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Haiti Alix Didier Fils-Aime aya xalay loo dhaariyay xafiiska, kaddib marki uu baddalay Garry Connile oo xilkaasi laga eryay kaddib lix bil oo uu si kumeel gaar ah u hayay.

Haiti ayaa fowdi iyo dagaal sokeeye lugaha la galay kaddib shirqoolki lagu dilay madaxweynihi hore ee dalkaasi Jovenel Moise. Dalka ayaa waxaa intiisa badan ka taliya kooxo gangi ah oo aad u hubeysan.

Trump oo xilal kala gedisan magacaabay ka hor inta uusan xafiiska qaban

0

Talaado 12- Nov-2024 {HMC} Madaxweynaha la doortay ee Mareykanka Donald Trump ayaa Thomas Homan, oo mar soo noqday ku simaha Madaxa Waaxda Socdaalka teeramki koowaad ee Trump, Isniinti shalay u magacaabay in uu noqdo agaasimaha arrimaha xuduudaha Mareykanka.

Trump ayaa u arka Homan nin fulin kara ballan-qaadkiisii ololaha doorashada ee ahaa in uu Mareykanka ka masaafurin doono malaayiin muhaajiriin ah oo aanan heysan dukumintiyada sharciga ah ee dalkaan, arrintaas oo uu ku tilmaamay Trump tarxiilki ugu weynaa taariikhda Mareykanka.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa arrimaha bulshada ee Truth, ayuu Trump ku sheegay habeenki ay Isniinta soo galeysay in Homan oo 62 jir ah uu madax ka noqon doono arrimaha xuduudaha, laga soo billaabo xadka koofureed ee Mexico ilaa xadka waqooyi ee Canada.

Trump ayaa sidoo kale lagu wadaa in uu agaasime ku xigeenka madaxtooyada Aqalka Cad u magacaabo Stephen Miller, oo lagu sheego in uu yahay maskaxda ka danbeyso siyaasadda dhanka socdaalka ee madaxweyne Trump.

Warbaahinta Mareykanka ayaa dhanka kale Isniinti ku warrantay in Trump uu Wasiirka Arrimaha Dibadda uu u magacaabi doono
Marco Rubio oo ah senator laga soo doorto Florida.

haddii ay dhabowdo, waxa uu Rubiyo noqon doonaa, qofki ugu horreeyay ee kasoo jeedo bulshooyinka Laatiinooga-Mareykanka ah ee madax u noqda Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka.

Madaxweynaha dooran ee Mareykanka, Donald Trump ayaa dib ugu laaban doono Aqalka Cad, 21-ka bisha January markaas oo uu xilka kala wareegi doono madaxweynaha xafiiska ka sii tagaya ee Joe Biden

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {11.11.2024}

Talaado 12- Nov-2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu Soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo ::Mustaf Ali Addow

Farsamadii ::Mohamed Baryare Haamud

HOOS KA DHAGEYSO WARKA HABEENIMO

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyaoo la kulmay Ururka Haweenka Qaranka Soomaaliyeed.

0

Isniin 11- Nov-2024 {HMC} Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa la kulmay Ururka Haweenka Qaranka Soomaaliyeed.

Taliyaha ayaa haweenka ku bogaadiyay kaalinta ay ka qaataan ka shaqeynta nabadda, horumarinta bulshada, iyo xasilinta amniga guud ee dalka, isagoo u balanqaaday inuu tixgalin gaara siin doonno codsigooda ah in haweenka boliiska ku jiro la dalacsiiyo, xilal sar sarana laga siiyo hay’adan.

Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa dhinaca kale tilmaamay in haweenka qaranka ay udub dhexaad u yihiin difaaca dhaxalka jiilasha Soomaaliyeed, madaxbannaanida iyo midnimada dalka, wuxuuna ku booriyay iney dadaalkooda halkaasi kasii wadaan.

Taliyaha waxaa kulanka ku wehlinayay G/le Qaali Axmed Cadaan oo ah Taliyaha Hoggaanka Xiriirka Boliiska iyo Bulshada.

A Riot Of Colour: Somaliland’s chameleon election campaign.

0

Monday 11- Nov-2024 {HMC} As the clock ticks down to Somaliland’s presidential election, the breakaway region of Somalia changes colour every day as political parties take turns to stage their campaign rallies.

From Borama in the west to the Erigavo mountains in the northeast and the capital Hargeisa, cities and towns have erupted in a riot of colour.

One day it was the green and yellow of the incumbent president Muse Bihi’s party Kulmiye (Unity), another the orange of Wadani (National Party), or the dark green of the Social Justice Party.

The self-proclaimed republic, which unilaterally declared independence from Somalia in 1991, is holding a direct election on Wednesday to choose a president.

The vote comes amid high tensions in the Horn of Africa over a maritime deal between Somaliland and Ethiopia that has enraged Mogadishu, which rejects Hargeisa’s independence claim.

Universal suffrage is a rarity in Somalia, where a complex clan-based indirect voting system has been in place for more than half a century.

Bihi, who has led Somaliland since 2017, is facing challenges from Wadani’s Abdirahman Mohamed Abdullahi, also known as “Irro”, and Faysal Ali Warabe of the Social Justice Party.

The multi-party system is the pride of Somaliland’s six million inhabitants, who believe their peaceful democratic norms should earn them the international recognition they have been seeking for 33 years.

“There is no country in the world where people campaign like this,” says Abdisamad, a 34-year-old social worker. “Democracy is a habit here.
“It’s much better than an American election,” he smiles, referring to the tense climate of the campaign in the United States that led to Donald Trump’s November 5 election victory.

The campaign has often been heated — with the opposition for example accusing Bihi of dividing Somaliland — and the outcome between the incumbent and his main rival Abdullahi is up in the air.

But in the streets and at the campaign rallies, the mood is more festive, with the crowds, mostly women and young people, shouting with joy.

On Saturday, Hargeisa and other cities were filled with Bihi supporters waving umbrellas, flags and green and yellow caps, singing and dancing to the sound of the party’s anthems.

The day before, the same streets were filled with the blaring horns of Wadani’s orange cars, buses and trucks and activists chanting “Muse out!” and “Wadani, victory, victory, victory!”

Like the last three direct presidential elections since 2003, “we want this election to be peaceful,” says Anab Jamal Muhammad, an unemployed mother of nine, who says she will cast her ballot for Abdullahi.

In a region of East Africa where elections often give rise to violence, many Somaliland voters say they want to show off their democratic model to the world, hoping it will help win the recognition of the international community.

“Somaliland is a functional government, the people of Somaliland are democratic, they use direct democracy, they have held elections, elected their representatives, their presidents,” says Mahmoud Mohamed Hassan, a 38-year-old social sciences professor.

“All the pillars of democracy are present in Somaliland,” he says. “Why don’t (other) countries recognise us?”

Supporters of the main opposition party Waddani attend a final campaign rally in Hargeisa on November 8, 2024. (AFP)

BFJS ee Jubbaland oo cambaareeyay talaabooyinka dowladda Ferderaalka uga hortimid guddiga doorashada Jubbaland

0

Isniin 11- Nov-2024 {HMC}  War saxaafadeed ay maanta soo saareen xildhibaanada baarlamaanka federaalka Soomaaliya ee kasoo jeeda Jubaland, ayaa waxay walaac xooggan kaga muujiyeen tallaabooyinka ay qaadday dowladda Federaalka, kuwaas oo ay sheegeen in ay wiiqayaan wada xaajoodyada socda, isla markaana ay qeyb ka qaadanayaan xiisadaha haatan jira.

Mudanayaashan oo wadatashiyo u jooga magaalada Kismaayo ayaa ku dhaliilay ficilada madaxda dowladda faderaalka inay sii xumeynayaan kala qeybsanaanta siyaasadda iyo bulshada, taasoo ay sheegeen in ay adkeynayso wada-hadallada la doonayo in la isku soo dhaweeyo maamulka Jubbaland iyo Dowladda federaalka.

Sida war-murtiyeedka lagu sheegay xildhibaanadan oo ka jawaabaya casuumaad uu u fidiyay madaxweynaha Jubaland ayaa wada hadallo la yeeshay madaxda Jubbaland iyo bulshada deegaanka.

Si kastaba ha ahaatee, waxay sheegeen in go’aamo hal dhinac ah oo ay dhawaan soo saartay dowladda Federaalka gaar ahaan kuwa khuseeya shuruucda iyo guddiyada doorashada ay caqabad weyn ku yihiin geeddi-socodka wadatashiga, ayna muujineyso in aan la ixtiraamin wadahadallada socda.

“Iyadoo ay naga go’an tahay in xal loo helo wadashaqeynta Jubbaland iyo dowladda Federaalka, haddana tallaabooyinkan ay qaadayso dowladda Federaalka waxay halis ku yihiin inay sii ballaariyaan khilaafyada jira” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Waxay mudanayaashu sheegeen in tallaabooyinka ay qaadayso dowladda Federaalka loo arko inay saameyn xun ku yeelan kartaa midnimada Soomaaliya ee muddo dheer.

 

 

Maxeey Kawada Hadleen Madaxweyne Laftagareen Joachim Waern?

0

Isniin 11- Nov-2024 {HMC}  Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Magaalada Narobia ee Caasimada Dalka Kenya kulan kula qaatay Danjiraha Dowladda Sweden ufadhiya Soomaaliya Amb Joachim Waern .

Laftagareen iyo Danjiraha dowladda Sweden ayaa kulanka ay yeesheen waxa ay kaga wada hadleen arimaha siyaasada, amniga deegaannada Koonfur Galbeed , mashaariicda iyo arimaha biniadanimada

Danjiraha dowladda Swden ayaa Madaxweyne Laftagareen iyo Golaha Wasiirada uga Mahadceliyey sida dhow ee Wada-shaqaynta ula leeyihiin waxaana uu xusay in kan safaarad ahaan ay Xoojin doonan Wadashaqaynta iyo Hirgelinta Mashaariicda Hormarineed ee ay ka fulinayaan Deeganada Koonfur Galbeed

Kulanka waxaa Madaxweynaha Koonfur Galbeed kala qeybgalay Wasiirada Wasaaraddaha Gargaarka, Qorshaynta, Agaasimaha Madaxtooyada iyo la Taliyaha Madaxweynaha.

Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta qaaday tallaabo gogol xaar u ah doorasho qof iyo cod ah

0

Isniin 11- Nov-2024 {HMC}  Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulan wadajir ah ayaa qaaday tallaabo gogol xaar u ah doorasho qof iyo cod ah.

Xildhibaannada ayaa ansixiyay habraaca fadhiyadda wadajirka ah ee ansixinta seddaxda Hindise Sharciyeed ee uu ku shaqeyn doono guddiga KMG ah ee labada Aqal ee Baarlamaanka dalka ee u xilsaaran diyaarinta xeerarka doorashooyinka, ururrada iyo xisbiyadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo sharciga dhismaha guddiga doorashooyinka, soohdimaha iyo sidoo kale qorshe howleedka guddiga.

Habraacan waxaa xildhibaannada labada Aqal maanta horgeeyay Wasiirka Arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaaliya , waxaana habraacan golaha la horgeeyay oggolaatay 170-Xildhibaan, mana jirin xildhibaan diiday ama ka aamusay.

Tallaabadan maanta qaadeen xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya , ayaa gogol xaar u ah doorashooyinka qof iyo cod ay rabto xukuumadda Soomaaliya , taa oo ay si weyn u diidan yihiin siyaasiyiinta mucaaradka.