

Axad 03- November-2024 {HMC} War kasoo baxay Hay’adda Nabadsugidda iyo sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA ayaa lagu faahfaahiyay howlgal ka dhan ah ‘AS’ oo ka dhacay Gobolka Shabeelaha Dhexe Dowlad-Goboleedka Hir-Shabeelle gaar ahaan Deegaanka Yaaqle.
Hay’adda Nabadsugidda & Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA ayaa qoraalkeeda ku sheegtay in howlgalkaan lagu dilay xubno gaaraya 27 ruux kuwaas oo lagu beegsaday howlgal socday muddo 12 saac ah sida lagu hadalka loo dhigay.
Sidoo kale Warka kasoo baxay NISA ayaa lagu sheegay in la gubay Gaadiid nooca dagaalka ah oo ay wateen iyo saanad kale oo ay wateen ‘AS’ isla markaana laga gungaaray ujeedka howlgalkaan loo fuliyay.

Axad 3,Nov, 2024 {HMC} Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya oo fariin adag udiray Dowladda Itoobiya.
Axad 3,Nov, 2024 {HMC} Doorashada Maraykanka oo maalin keliya ka harsan tahay
Axad 3,Nov, 2024 {HMC} Shirka Akadeemiye Goboleedka Af Soomaaliga oo ka furmay dalka Jabuuti.
Axad 3,Nov, 2024 {HMC} Yaa hogaaminayo Howlgalka badalayo Ciidamada ATMIS?
Axad 03- November-2024 {HMC} Ciidanka gaar ah oo ka tirsan militariga Israa’iil ayaa la sheegay inay maanta howlgal afduub ah ka fuliyeen magaalo xeebeedka Batroun ee waqooyiga dalka Lubnaan, iyagoo adeegsanaya dhinaca badda.
Waxaa la sheegay inay qafaasheen muwaadin u dhashay dalkaas oo warbaahinta maxalliga ah ay sheegtay inuu yahay Imad Fadel Amahaz oo ah sarkaal ka tirsan ururka Xisbullah.
Howlgalkan ayaa noqonaya midkii u horreeyay ee noociisa ah oo ciidanka Israa’iil ay ka fuliyaan gudaha dhulka Lubnaan, iyadoo howlgalka ay xaqiijiyeen telefishinka Al-Jazeera oo ilo amni xiganaya iyo wargeyska Israa’iil ka soo baxa ee Ynetnews.
Ma jiro wax falcelin ah oo ka soo baxday dhinaca ururka Xisbullah oo looga hadlay haddii qofka la afduubay uu ka tirsan yahay ururka, sidoo kalena ma aysan diiddin wali dhacdadan.
Axad 03- November-2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn
Warka waxaa soo jeedinayo::Mustaf Ali Addow
Farsamadii ::Mohamed Baryare Haamud
Axad 3,Nov, 2024 {HMC} “Sida madaxda loo badalo ayaa ciidankana loo badalaa” Taliyaha cusub ee Ciidanka Birmadka Booliiska.
Axad 3,Nov, 2024 {HMC} Lama aqbali karo in Safaarada itoobiya aay dagnaato Villa Somalia