Home Blog Page 1670

Wasiir Fiqi oo shaaciyey qorshaha Dowladda Soomaaliya ee safaaradda Itoobiya.

Axad 03- November-2024 {HMC} Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi oo wareysi siiyey Telefishinka Qaranka ayaa ka hadlay xiisadda Soomaaliya iyo Itoobiya, isagoo si adag uga hadlay goobta ay degan tahay safaaradda Itoobiya.

Wasiir Fiqi ayaa balan qaaday in deg deg safaaradda Itoobiya ay dowladda Soomaaliya uga rari doonto goobta ay degan tahay.

Safaaradda Itoobiya ayaa ku dhex taalla Madaxtooyada Soomaaliya, waxaana arrintaan caro xooggan ka muujiyey shacabka Soomaaliyeed oo dalbaday in goobtaas xasaasiga ah laga raro safaaradda Itoobiya.

“Safaaradda Itoobiya madagana dhulkeedii inay ku dhextaal xeyn daabka Madaxtooyada Qaranka waa arrin laga haboon yahay, waxaan ka shaqeyn doonaa sidii ay dhulkeedii hore u dhisan laheyd kaas oo hadda u banaan,” ayuu yiri Wasiir Fiqi.

Sidoo kale, Wasiirka ayaa wareysigaan ku sheegay in safaaradda Itoobiya Madaxtoyada la dejiyey xiligii uu dalka Madaxweynaha ka ahaa Cabdullahi Yuusuf, isagoo nasiib darro ku tilmaamay inay halkaas sii deganaato safaaradda Itoobiya.

“Dareenka shacabka Soomaaliyeed ee ku saabsan goobta ay degan tahay safaaradaas waa ku saxan yihiin, si deg deg ah ayaan talaabo u qaadi doonaa, waxayna degi doontaa goob kale oo ka baxsan Madaxtooyada,” ayuu yiri Fiqi.

Wasiirka ayaa cadeeyey in safaaradda Itoobiya ay dhul ku leedahay Magaalada Muqdisho, “dhulkoodii inay degaan ama meel kale ha degaane ay ka guuraan gudaha Madaxtooyada ayaan ka shaqey doonaa, waana awoodaa dowladda Soomaaliya,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Fiqi.

Wasiirka arrimaha dibadda ayaa ku dooday in dowladda Soomaaliya ay xujo hor dhigi doonto Itoobiya, taasi oo ah inay ka dalba doonaan in safaaradda Soomaaliya dhul laga siiyo gudaha Madaxtooyada Itoobiya ama ay ka guuri doonaan Madaxtooyada Soomaaliya.

“Si labada dalka ay u sinaadaan, Itoobiya waxay safaaradeedna dhul ka siineysaa madaxtooyada Addis Ababa ama waxay ka guuri doonaan Villa Somalia, wax ka dhexeeya ma jiraan,” ayuu hadalkiisa ku sii daray wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya.

“Si labada dalka ay u sinaadaan, Itoobiya waxay safaaradeedna dhul ka siineysaa madaxtooyada Addis Ababa ama waxay ka guuri doonaan Villa Somalia, wax ka dhexeeya ma jiraan,” ayuu hadalkiisa ku sii daray wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya.

Sheekh Shariif oo dhinacyo badan ka weeraray Xasan Sheekh isagoonaa sheegay…..

Axad 03- November-2024 {HMC} Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed oo shir jaraa’id qabtay ayaa ka hadlay xaaladda guud ee dalka, isagoo si weyn u dhaliilay siyaasadda uu Madaxweyne Xasan Sheekh ku hoggaaminayo dalka.

Sheekh Shariif ayaa sheegay in Xasan Sheekh uu ku mitidayo doorasho qof iyo cod ah oo danihiisa gaarka ah uu ka dhex arkay, isagoo sheegay in dalkaan aysan ka dhici karin doorasho qof iyo cod ah.

“Degmooyinka Heliwaa iyo Kaxda Kaamirooyin laguma xiri karo goobaha ganacsiga oo Shabaab dilaya ayey dadku ka baqayaan, dowladuna amar ayey ku bixineysaa in la xirto. Marka ma is leedihiin doorasho qof iyo cod ah ayaa dalkaan ka dhici karta?” Ayuu yiri Sheekh Shariif.

Sheekh Shariif oo ka hadlay dadka dhulkooda laga kicinayo ayaa yiri. “Waan ka xumahay wiixi maanta ka dhacay Ex-Kontarool Afgooye. Waayo Wiilka dhalinyarada oo Qaranka naftiisa u huray in qoyskiisa la barakiciyo ma ahan wax saxan. Halkee la geeyey dhulalkii laga barakiciyey Shacabka.”

Sidoo kale Madaxweyne hore Sheekh Shariif oo ka hadlay talaabadii uu Xasan Sheekh maanta qaaday ayaa yiri, “Waa nasiib darro in Madaxweynihii Qaranka ee Xasan Sheekh inta Baarlamaanka hortago uu yiraahdo Bilaha fasaxa shaqeeya weliba si sharci darro ah”.

Dhinaca kale, Shariifka ayaa sheegay Xukuumadda kaligeed aysan doorasho qaban karin, “Waa waajib in doorashada ka heshiiyaan dhinacyada galaya, balse doorasho Qof iyo Cod ah waqtigeeda maku dhici kartaa?”

Sheekh Shariif oo sii hadlayey ayaa yiri “Wadajirka umadda iyo wada socodkeeda ayaa muhiim ah, waxaana rabnaa inay talada miiska soo dhigaan oo u soo laabtaan dariiqa saxda ah.”

Ciidanka dhulka ee xoogga dalka oo loo magacaabay taliye cusub.

Axad 03- November-2024 {HMC} Sida ay ogaatay warbaahinta Taliyihii Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Jeneraal Dayax Cabdi Cabdulle ayaa xilkii laga qaaday, waxaana la magacaabay sarkaal kale oo reer Jubbaland ah.

Korneyl Khaalid Cabdullahi Cumar oo soo noqday Taliyihii Ciidanka Sirdoonka Jubbaland ayaa loo magacaabay Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, sida ay warbaaahinta u xaqiijiyeen ilo wareedyo xog ogaal ah.

Xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya oo magacaabistaan ku soo saari lahaa dikreeto ayaan weli soo saarin, balse warbaahinta waxay heshay xogta sababta aan loo soo saarin dikreetada.

Taliye Dayax Cabdi Cabdulle ayaa berri xarigga ka jaraya xarunta cusub ee Taliska ciidanka dhulka ee xoogga dalka, waxaana markaas kadib lasoo saarayaa dikreetada magacaabista Taliyaha cusub ee ciidanka dhulka.

Taliyaha cusub ayaa ku heyb ah Madaxweynaha Jubbaland iyo Ra’iisul Wasaaraha dalka, wuxuuna muddo dheer soo ahaa Taliyaha Nabad Sugidda Jubbaland.

Taliye Dayax ayaa kamid ah saraakiisha ugu firfircoon xoogga dalka, waxaana la magacaabay markii ay ciidanka xoogga dalka ku soo jabeen deegaanka Cawsweyne ee gobolka Galgaduud oo dagaal qaraar uu ka dhacay.

Sidoo kale Dayax ayaa toos uga howlgeli jiray furimaha dagaalka, wuxuuna ku guuleystay inuu yareeyo weerarradii AS ay ku qaadi jireen xeryaha ciidamada xoogga dalka ee furimaha dagaalka.

Mareykanka oo diyaaradihiisa dagaalka u diray bariga dhexe.

Axad 03- November-2024 {HMC} Diyaaradaha dagaalka Mareykanka ee loo yaqaanno B-52 bombers ayaa Sabtidi shalay gaaray Bariga Dhexe, maalin kaddib marki ay Washington ku dhawaaqday in qalabkaasi milltari ay direyso, tallaabadan oo ah digniin ku socota Iran.

Bayaan kasoo baxay taliska dhexe ee ciidanka millatariga qeybtiisa Bariga Dhexe iyo hareerihiisa ayaa lagu sheegay, in diyaaradahan bambooyinka xambaara ay gaareen saldhigga loogu tala galay.

Waxay kasoo kicitimeen saldhiga ciidanka cirka Mareykanka ee Minot ee gobolka North Dakota.

Mareykanka ayaa fiidnimadii Jimcaha ku dhawaaqay inuu u dirayo Bariga Dhexe, diyaaradaha wax duqeeya, kuwa dagaalka iyo kuwa xambaara booyadaha iyo hubka burburriya gantaallada.

Afhayeen u hadlay xarunta Pentagon-ka ee gaashaandhiga Mareykanka, Major General Pat Ryder ayaa sheegay in Washington ay qaadi doonto tallaabo walba oo lagama maarmaan ah oo ay ku difaaceyso dadkeeda, haddii Iran iyo kooxaha ay taageerto isku dayaan in bartilmaameedsadaan shakhsiyaad ama danaha Mareykanka ee gobolka.

Hogaamiyaha Iran oo wacad ku maray weerar ka dhan ah Isra’il

Axad 03- November-2024 {HMC} Hogaamiyaha ruuxiga ah ee Iran Ayatollah Ali Khamenei ayaa Sabtidii wacad ku maray in ay jawaab ciqaabeed ka bixin doonaan weerarkii Israa’iil ay todobaadki hore ku qaadday Iran, xilli ay wali sii socdaan duqeymaha ay ciidanka Isra’il ka wadaan Gaza iyo Lubnaan.

Khamenei ayaa sheegay in dowladaha cadawga ku ah oo uu ku sheegay Isra’il iyo Mareykanka ay la kulmi doonaan jawaab kulul, oo ay uga falcelinayaan weerarada ay ku hayaan Iran sida uu hadalka u dhigay.

Weerar kale oo ay Iran ku qaaddo Isra’il ayaa laga yaabaa inuu mandiqadda ku riixo dagaal weyn, xilli ay hadda Lubnan, iyo Gaza ay dagaallo ku dhexmarayaan Isra’il, Xisbullah iyo Xamaas.

Dhanka kale, ugu yaraan 11 Isra’iliyiin ah ayaa ku dhintay madaafiic laga soo ganay Lubnan oo ku dhacay degmada Tira ee bartamaha Isra’il. Ciidamada Isra’il ayaa sheegay in ay hawada ku qarxiyeen qaar badan oo ka mid ah madaafiicdaasi.

Xisbullah ayaa Sabtidi sheegtay in gantaallo iyo diyaaradaha aanan duuliyaha laheyn u adeegsatay weerar ay ku qaaddo bartilmaameedyo ay millatariga iyo sirdoonka Isra’il ku leeyihiin waqooyiga iyo bartamaha Isra’il.

{DAAWO MUQAALKA} Hirshabelle oo yeelaneysa dekad iyo Garoon si casri ah loo dhisayo,

0

Sabti 2,Nov, 2024 {HMC} Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa maanta booqday Ceel-Macaan ayaa dhageystay baahida dadka deegaankaasi qabaan.

Ujeedka Madaxweynaha ayaa ahaa inuu soo sahmiyo halka laga hirgelinayo Dekad  cusub oo hab casrinah loo dhisayo oo ay yeelato dowlad goboleedka Hirshabeelle.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

29 Nigerian children could face death penalty for protesting cost of living.

0

Saturday 2,Nov, 2024 {HMC}  Twenty-nine children could be facing the death penalty in Nigeria after they were arraigned Friday for participating in a protest of the country’s record cost-of-living crisis. Four of them collapsed in court due to exhaustion before they could enter a plea.

A total of 76 protesters were charged with 10 felony counts, including treason, destruction of property, public disturbance and mutiny, according to the charge sheet seen by The Associated Press.

According to the charge sheet, the minors ranged in age from 14 to 17 years old.

Frustration over the cost-of-living crisis has led to several mass protests in recent months. In August, at least 20 people were shot dead and hundreds more were arrested at a protest demanding better opportunities and jobs for young people.

The death sentence was introduced in the 1970s in Nigeria, but there have been no executions in the country since 2016.

Akintayo Balogun, a private lawyer based in Abuja, said the Child Rights Act does not allow any child to be subject to criminal proceedings and sentenced to death.

“So, taking minors before a federal high court is wrong … except if the government is able to prove that the boys are all above 19 years,” Balogun said.

The court eventually granted $5,900 bail to each of the defendants and imposed stringent conditions they are yet to meet, Marshal Abubakar, counsel to some of the boys, said.

“A country that has a duty to educate its children will decide to punish those children. These children have been in detention for 90 days without food,” Abubakar said.

Yemi Adamolekun, executive director of Enough is Enough, a civil society organization promoting good governance in Nigeria, said authorities have no business prosecuting children.

“The chief justice of Nigeria should be ashamed, she is a woman and a mother,” Adamolekun said.

Despite being one of the top crude oil producers in Africa, Nigeria remains one of the world’s poorest countries. Chronic corruption means the lifestyle of its public officials rarely mirrors that of the general population. Medical professionals often strike to protest meager wages.

The country’s politicians and lawmakers, often accused of corruption, are some of the best paid in Africa. Even the president’s wife — her office is nowhere in the constitution — is entitled to SUVs and other luxuries funded by taxpayers.

Nigeria’s population of over 210 million people — the continent’s largest — is also among the hungriest in the world and its government has struggled to create jobs. The inflation rate is also at a 28-year high, and the local naira currency is at record lows against the dollar.

On Thursday, Nigeria was classified as a “hotspot of very high concern,” in a report from United Nations’ food agencies, as large numbers of people are facing or are projected to face critical levels of acute food insecurity in the West African country.

SOURCE VOA

{DAAWO MUQAALKA} Saraakiil iyo askar loo xiray dagaal maanta ka dhacay Muqdisho.

0

Sabti 2,Nov, 2024 {HMC}  Taliska ciidanka Booliiska Soomaaliya ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay dagaal khasaare geystay oo maanta ka dhacay nawaaxiga isgoyska Ex koontarool Afgooye ee magaalada Muqdisho.

Afhayeenka ciidanka Booliiska Soomaaliya Cabdifataax Aadan Xasan ayaa sheegay in dagaalka maanta dhacay uu ahaa mid ay soo qaadeen ciidamo u abaabulan hab beeleed oo beegsaday ciidamo boolis ah oo howlgal wado furis ah waday.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

{DHAGEYSO} Warka Habenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {02.11.2024}

Sabti 02- November-2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Habenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo ::Mustaf Ali Addow

Farsamadii ::Mohamed Baryare Haamud

HOOS KA DHAGEYSO WARKA HABEENIMO

Somalia’s Parliament Extends Session to Fast-Track Election Laws Ahead of 2026 Polls

0

Saturday 2,Nov, 2024 {HMC} Somalia’s Parliament approved a one-month extension of its current session on Saturday, following President Hassan Sheikh Mohamed’s request to delay the lawmakers’ recess in order to address pressing election laws.

The Parliament was initially set to begin its break on November 6, but lawmakers will now remain in session until early December.

In his address to Parliament, President Mohamud underscored the urgency of reviewing and passing essential laws and agreements that require parliamentary approval.

“The Somali people need help from the lawmakers in this house. It’s not about personal interests, but about shaping the future for the next generation,” he emphasized.

The National Consultative Council (NCC) agreement, endorsed on Wednesday by President Mohamud, Prime Minister Hamza Abdi Barre, the mayor of Mogadishu, and three regional leaders, established a roadmap for elections.

Local, regional, and municipal elections are set for June 2025, with parliamentary and presidential elections scheduled for September 2025.

The NCC also called for the creation of a National Independent Electoral Commission to oversee the electoral process.

Despite recent reforms, including initiatives for universal suffrage, the NCC timetable has faced opposition from some groups.

Puntland President Said Abdullahi Deni and Jubbaland President Ahmed Madobe have expressed concerns about the election schedule, adding tension to the ongoing deliberations.

The extended parliamentary session aims to resolve these critical issues, providing the necessary legislative endorsement for the NCC’s roadmap and reinforcing Somalia’s commitment to transparent and timely elections.